Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kismaayo: Qarax Diley 3 Askari


Ugu yaraan saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa maanta ku dhintay qarax miino dhulka lagu aasay oo lala eegtay ciidamo mushahar loogu qeybinayay xerada ciidamada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Qaraxan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 9 ka tirsan ciidamada Jubbaland. Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan.

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud . oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa beeniyay qabsashada deegaanno dhowr ah oo bishan gudaheeda ururka Alshabaab uu qabsaday, isagoo sheegay in Alshabab aysan lahayn xeelad wanaagsan, islamarkaasna aysan jirin wax muujinaya in ururka Alshabaab uu dib u soo noolaanayo.

Ururka Alshabaab ayaa dib u qabsaday deegaanno kale duwan oo kale oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya bishan kaddib markii ay ka baxeen deeggaannadaasi ciidamada AMISOM iyo kuwo dowladda Somalia. weerar ku soo qaadeen ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ay macquul tahay in Al-shabaab ay la wareegto gacan ku haynta tuulooyinka fog-fog balse taasi aysan macnaheeda ahayn in Alshabab la timid xeelad dagaal oo cusub.

XS
SM
MD
LG