Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Weyn oo ka Dhacay Boosaaso


Qarax Weyn oo ka Dhacay Boosaaso
Qarax Weyn oo ka Dhacay Boosaaso

saddex askari oo ka tirsan booliiska Puntland ayaa ku dhintay, 4-kalena way ku dhaawacmeen qarax lala beegsaday gaari ay wateen fiidkii Sabtida.

Saddex ka tirsan ciidamada Booliiska Puntland ayaa la xaqiijinayaa in ay dhinteen, 4 kalena uu dhaawac soo gaaray, kaddib markii qarax lala beegsaday xalay fiidnimadii gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Booliska Puntland oo marayey bariga magaalada Boosaaso, sida ay VOA-da u xaqiijiyeen howlwadeenna caafimaadka ee isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso

Qaraxan waxaa kaloo ku dhaawacmay dad rayid ah oo ay kamid aheyd gabar yar oo 15 sano jirtay, waxaana lagu daaweynayaa dhaawacyada isbitaalada magaalada Boosaaso. Waxaa kaloo qaraxu uu dhibaato u geystay guryo iyo hanti kale oo ay lahaayeen dadweynihii ka ag dhawaa halka uu qaraxu uu ka dhacay.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah oo rasmi ah kasoo saarin sida uu qaraxani u dhacay iyo cidda ka danbeysay toona. Waana qarixii 2-aad ee muddo labo toddobaad ka yar loo geysto ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

1-dii Luulyo ayaa qarax kan lamid ah waxaa lala beegsaday gaariga guddoomiyaha gobolka Bar,i iyadoo ay dhimasho iyo dhaawac-ba gaareen ilaalada guddoomiyaha.

Maamulka Puntland ayaa toddobaadyadan ka waday xaafadaha magaalada Boosaaso baaritaanno ay ka fuliyeen guryo magaalada ku yaalla, iyadoo dadka qaar-na ay xukuumada Puntland ku eedeynayaan inay ku guul-darreysatay in ay wax ka qabato dhibaatooyinka soo wajahay ammaanka Puntland, gaar ahaan magaalada ugu weyn ee Boosaaso.

XS
SM
MD
LG