Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaramada Midoobay oo fariin u dirtay Somaliland


Qaramada Midoobay oo fariin u dirtay Somaliland
Qaramada Midoobay oo fariin u dirtay Somaliland

Maamulka Somaliland ayaa soo dhoweeyay darsidda amniga ee Qaramada Midoobay.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay soo gaarsiisay qoraal ku saabsan dhanka Ammaanka, kaasoo ay Qaramada Midoobay kaga qaaday heerkii 4aad ayna soo gaarsiiyeen heerkii 3aad.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in farriintani ay xafiiskiisa soo gaartay maalintii Khamiista ahayd, ayna daraasaddan ammaanka Somaliland ku saabsan ay saamaxeyso in hay'adaha deeqbixiyeyaashu ay dalka yimaadaan.

Wasiirku wuxuu sheegay in tani ay sidoo kale wax weyn ka tari doonto dhanka horumarka dhaqaalaha iyo shaqa helista bulshada Somaliland.

XS
SM
MD
LG