Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qalinle: Baarlamaanka Sweden ayaan u Tartamayaa


Qalinle: Baarlamaanka Sweden ayaan u Tartamayaa
Qalinle: Baarlamaanka Sweden ayaan u Tartamayaa

Qalinle ayaa sheegay in uu taageero uga baahan yahay mujtamaca Soomaalida si uu wax uga qabto dhibaatooyin Soomaalida ka haysto arrimo badan.

Qalinle Dayib Xuseen oo ah muwaadin Soomaali ah oo haysta dhalashada dalka Sweden ayaa sheegay inuu u sharraxan yahay kuraasta baarlamaanka dalka Sweden.

Doorashada baarlamaanka ee dalkaasi Sweden ayaa lagu wadaa inay dhacdo 19-ka September ee sanadkan.

Qalinle oo u warramay VOA-da ayuu sheegay in uu taageero uga baahan yahay Jaaliyadda Soomaalida si uu ugala shaqeeyo dhibaatooyinka ka haysta dalkaasi.

Wuxuu sheegay in Soomaalida ay dhibaato ka haysato arrimo badan oo ku sabasan isdhexgalka, shaqo helida iyo shirkadaha ganacsiga. Wuxuuna sheegay inuu ka adeegi doono sidii dhibaatooyinkaasi looga bixi lahaa dhibaatooyinkaasi.

XS
SM
MD
LG