Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qalab Loo Waday Al-Shabaab oo Lagu Qabtay Gaalkacyo


Qalabka la qabtay
Qalabka la qabtay

Ciidamada Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay qalab ciidan oo sida la sheegay kusoo jeeday Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, halkaasi oo ay maamulaan maleeshiyaada Al-Shabaab.

Qalabka oo ka kooban dareys iyo agab kale, islamarkaana saarnaa gaari nuuca xamuulka ah ayaa xalay laga qabtay bar koontorol oo ku taalla duleedka koonfureed ee Gaalkakcyo.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Mudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Nabab sugidda iyo kuwa Booliska oo wada jira ay gacanta ku dhigeen Saanaddan ciidan oo ku socotay Al-Shbaaab, islamarkaana ay xireen dadkii waday qalabkan.

Gadaar ayaa tilmaamay in qalabkan ay Shabaabku doonayeen “inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed” hasa ahaatee xoga badan oo ciidankooda ay ka heleen shacabka lagu guulaystay in gacanta lagu dhigo.

XS
SM
MD
LG