Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Casharadii Laga Bartay Weerarkii Ceel-Cadde


Maalinta berrito ah ayey ku buuxdaa lix bilood markii maleeshyada ururka Al-Shabab ay weerarka culus ku qaadeen saldhigga ciidamada Kenya ee hawlgalka AMISOM ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

Illaa iyo hadda, Kenya ma sheegin tirada ciidamada uga dhintay weerarkaasi iyo tirada ciidanka joogay toona. Hase yeeshee, mid ka mid ah khubarada sida weyn wax uga qorta hawlgallada nabad ilaalinta ayaa aamisan in khasaaraha Kenya kasoo gaaray weerarkaasi laga yaabo inuu ka badan yahay kii ka dhashay weerarkii ay Al-Shabab ku qaadday jaamacadda Gaarisa bishii Abriil ee sannadkii hore oo ay ku dhinteen 148 qof, kuwaas oo u badnaa arday. Warbixintan waxaa inoo haya Haaruun Macruuf.

Dhageyso Xaaladda Lix Bil Kadib Weerarkii Ceel-cadde
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:05 0:00

XS
SM
MD
LG