Isku xirrada

War

Qaddaafi oo Qabri Qarsoodi ah lagu Aasay


Qaddaafi oo Qabri Qarsoodi ah lagu Aasay

Qaddaafi oo Qabri Qarsoodi ah lagu Aasay

Saraakiisha golaha qaranka Libya ayaa sheegay in maydka hoggaamiyihii hore ee Libya Mucammar Qaddafi lagu aasay qabri aan la calaamaydayn oo ku yaalla meel qarsoodi ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in Qaddaafi, wiilkiisa Mutassim iyo wasiirkii hore ee difaaca Abu Bakar Younis maanta oo salaasa ah la aasay loona sameeyay xaflad diini ah oo isku mid ah.

Maydka Qaddaafi ayaa tan iyo maalinimadii jimcaha ahayd yaalay talaagad ay dadweynuhu ka daawanayeen oo ku taalla magaalada dekedda ah ee Misrata.

XS
SM
MD
LG