Isku xirrada

War

Qabyo-Qoraalka Dastuurka (Nuqulkii Saxiixayaasha 2012)

  • VOA Somali

Halkan ka akhriso Nuqulka ay diyaariyeen Guddiga Madaxa Bannaan June 26,2012

Halkan ka akhriso Nuqulkii hore ee 2010

Barnaamijka Madasha Dastuurka

Qeybta Hoose ka Akhriso Nuqulka u Danbeeyay ee ay ansixiyeen Saxiixayaasha Road-Map-ka

CUTUBKA KOOWAAD

BAAQA JAMHUURIYADA FEDERAALKA FEDERAALKA SOMALIYA

Qodobka 1aad

Jamhuuriyada Federaalka Somaliya

1. Soomaaliya waa Jamhuuriyad Federaal ah, leh gobannimo, dimoqraaddi ah, oo ku dhisan matilaadda dadweynaha loo dhan yahay oo ku salaysan nidaamka axsaabta badan iyo cadaalad bulshadeed.

2. Allahu Subxaanahu wa Tacaalaa ka sokow (swt), awoodda oo dhan waxa leh Shacbiga, wuxuuna ugu isticmaalayaa si toos ah iyo isagoo u adeegsanaya hay’adihiisa uu u xilsaartay, si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda. Waxaa reeban in qof ama qayb ka mid ah bulshada sheegato gobannimada dawladda ama u adeegsadaan si u gaar ah.

3. Gobannimada iyo midnimada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waa laguma-xadgudbaan.

Qodobka 2aad

Dawladda iyo Diinta

1. Islaamku waa Diinta Dawladda.

2. Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.

3. Lama soo saari karo sharci aan waafaqsanayn Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiidadeeda.

Qodobka 3aad

Mabaadi’da Asaasiga

1. Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada Nabigeenna Muxammed (NNK), wuxuuna ilaalinayaa maqaasidda (ujeeddooyinka) shareecada iyo caddaaladda bulshada.

2. Soomaaliya waa dal Islaam ah, kana mid ah umadaha Carabta iyo Afrikaanka.

3. Mabaadi’da asaasiga ah ee Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waxay ku dhisan tahay mabaadi’da asaasiga ah ee awood qeybsiga Nidaamka Federaalka.

4. Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhiirrigelinayaa xuquuqda aadanaha, talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerarka caalamiga ah, caddaaladda, xukuumad loo dhan yahay oo ku dhisan wadatashi, kala-soocidda awoodaha sharcidejinta, fulinta iyo garsoor madaxbanaan, iyagoo leh hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan ka jawaabaya danaha dadweynaha.

5. Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee qaranka, si wax ku ool ah, gaar ahaan jagooyinka laysu doorto iyo kuwa laysu magacaabo ee saddexda laamood ee dawladda iyo Guddiyada Madaxbannaan ee Qaranka.

Qodobka 4aad

Sarraynta Dastuurka

1. Shareecada ka sokow, Dastuurka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayeyna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha dawladda oo dhan.

2. Sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo horjeedda Dastuurka, maxkamadda Dastuuriga ah ayaa awood u leh burrinta sharcigaa, si waafaqsan dastuurkan.

Qodobka 5aad

Afafka Rasmiga ah

Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waa Af-soomaaliga (Maay iyo Maxaa tiri), af Carabigana waa luqadda labaad.

Qodobka 6aad

Calanka iyo Astaanta Qaranka

1. Calanka Jamhururiyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta A ee Jadwalka koowaad, waa laydi buluug furan ah oo ay dhexda kaga taal xiddig cad oo shangees ah, madaxyo simanna leh.

2. Astaan Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta B ee Jadwalka koowaad, waxay ka kooban tahay gaashaan buluug ah oo leh xiddaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shangees ah oo dheeh qalin ah leh. Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rukumo Carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabi ah oo labada geesba ku yaalliin ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa ka haya laba shabeel oo isu tusmaysan, kuna kala taagan labo waran oo isku weydaarsan caaradda hoose ee gashaanka, ayna weheliyaan laba caleen-cawbaar, diillin cadna ay ku qoofalan tahay.

3. Somalia Hees astaan u ah qaranka wey leedahay waana “ Qolobaa Calankeed”.

4. Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka Somaliya waxey yeelan donaan calankooda iyo astaantooda u gaarka ah si waafaqsan nidaamka federaalka.

Qodobka 7aad

Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya

1. Gobannimada Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuruyadda Somaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.

2. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.

3. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.

4. Xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960 ee Somaliya.

5. Jihooyinka xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya:

(a) Waqooyi: Gacanka Cadmeed

(b) Waqooyi Galbeed: Jabuuti

(c) Galbeed: Ethiopia

(d) Koonfur Galbeed: Kenya

(e) Bari: Badweynta Hindiya

Qodobka 8aad

Shacbiga iyo Jinsiyadda

1. Shacbiga Soomaaliyeed waa mid, lamana kala qaybin karo, wuxuuna ka kooban yahay dhammaan muwaadiniinta.

2. Jinsiyadda Soomaaliyeed waa mid qur ah, sharci gaar ah oo ay soo saaraan Golaha shacabka ee Dowlada Federaalka Soomaaliyeed ayaana xaddidaya sida lagu helayo, lagu laalayo ama lagu waayayo.

3. Qof leh jinsiyadda Soomaaliyeed lagama qaadi karo jinsiyadda Soomaaliyeed, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale.

4. Diidmada, laalista iyo ka qaadista jinsiyadda laguma xiri karo asbaabo siyaasadeed.

Qodobka 9aad

Magaalamadaxda Qaranka

1. Maqaamka magaalo madaxda Federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib u eegida dastuurka, waxaana sharci gaar ah kasoo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaliya.

QAYBTA LABAAD

XUQUUQDA ASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA MUWAADDINKA

MADAXA KOOWAAD

MABAADII’DA GUUD EE XUQUUQDA AADANAHA

Qodobka 10aad

Karaamada Aadanaha

1. Karaamada aadanuhu waa deeq Ilaahey Subxaanahu wa tacaalaa ku mannaystay qof kasta oo Banii’aadan ah, xuquuqda aadanahuna deeqdaas ayey ka dhalataa.

2. Karaamada Aadanaha waa laguma xadgudbaan, dhowristeeduna waa waajib saran dadka oo dhan.

3. Awoodda Dawladda waa in aan marnaba loo isticmaalin meel-uga-dhicid karaamada aadanaha.

Qodobka 11aad

Sinnaanta

1. Muwaaddiniinta oo dhan, iyagoo aan loo eegin lab iyo dheddig, diin, xaalad bulsho ama dhaqaale, afkaar siyaasadeed, qabiil, naafanimo, xirfad, dhalasho iyo afguri toona, xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u siman yihiin sharciga hortiisa.

2. Waa fal takoorid ah haddi natijidiisu noqoto is’hortaag ama ciriiriggelin xaqa qofka, xataa haddii falka si ulakac ah aan loo samayn.

3. Dowladdu ma takooti karto Qofnaba iyadoo sababeysaneysa da’da, sinjiga,midabka, qabiil, isir, dhaqan ama lahjad, jinsi, dhalasho, Curyaanimo, diin, siyaasad ama fikir, xirfad, mulkiyad.4. Waa in aan loo arkin fal takoorid ah barnaamijyada dawladda sida Shuruuc, hab siyaasadeed iyo hab maamul ee loo qorsheeyey in sinnaan buuxda lagu gaarsiiyo dad ama kooxo horay loogu geystey takoorid ama ku sugan xaalad dib-u-dhacsan.

Qodobka 12aad

Dhaqangelinta Xuquuqda Asaasiga Ah

1. Xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyada lagu aqoonsaday qaybtan waa in la dhowraa marka kasta oo sharci la dejinaayo lana fulinayo. Sidoo kale, qof kasta, hay’adaha Dawladda ee heer kasta iyo hay’adaha gaarka ah iyo saraakiisha dawladdu marka ay gudnayaan xilkooda waa in ay ilaaliyaan xuquuqda aasaasiga ah.

2. Waajibaadka Dawladdu kuma koobna in ay dhawrto xuquuqda dadka, balse waa in ay qaaddo tallaabooyin maangal ah oo lagu ilaalinayo in xadgudub uga yimaado cid kale.

3. Xuquuqda lagu aqoonsaday cutubkan sharci uun baa lagu xadeyn karaa sida ku xusan Qodobka 39.

MADAXA LABAAD

XUQUUQDA, XORRIYAADKA AASAASIGA AH EE QOFKA IYO XADDIDAADOODA

Qodobka 13aad

Xaqa Nolosha

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol.

Qodobka 14aad

Adoonsi, Midiidin iyo Ku-shaqaysi Qasab Ah

Sinaba qof looma addoonsan karo, midiidin lagama dhigan karo, lagama ganacsan karo, qasabna looguma shaqaysan karo.

Qodobka 15aad

Xorriyada iyo Nabadgelinta Qofnimada

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah iyo nabagelyada qofnimadiisa.

2. Qofkasta wuxuu xaq u leeyahay amaan shaqsiyadeed waxaa kamid ah: kareebanaan xarig aan sharciga waafaqsaneyn, waxaa kaloo xuriyada shaqsiyadeed kamid ah kareebanaan waxkasta oo cunfi ah, oo ay kamid tahay waxkasta oo cunfi ah oo lagula koco haweenka. Qofna looma geysan karo jirdil, fal bini aadantinamada kabaxsan.

3. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay badqabka jirkiisa waana laguma xadgudbaan. Qofna laguma qasbi karo in lagu sameeyo tijaabo takhtareed ama mid cilmibaariseed, haddii qofka ama xigtadiisa dhowi aynan oggolaanin ama aysan jirin talo uu bixiyey xeeldheere caafimaad marka uusan qofku sharciyan awood u lahayn inuu wax ogolaado.

4. Gudniinka gabdhaha waa caado naxariis daro iyo xaqiraad u qalanta jirdil. Gudniinka gabdhaha waa reeban yahay.

5. Soo rididda ilmuhu waa arrin ka soo horjedda Shareecada Islaamka, waana reebban tahay, hadii aan ka ahayn xaalad caafimaad aan looga maarmin badbaadinta nolosha hooyada.

Qodobka 16aad

Xorriyadda Abuuridda iyo Ka mid noqoshada Ururrada

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ku biiro Qof kale ama koox . Xaqaas waxaa ka mid ah inuu abaabulo ama ka mid noqdo ururr ay kamid yihiin ururo shaqaale ama axsaabta siyaasi. Wuxuu

kaloo xor u yahay in uusan cidna ku biirin, lagumana qasbi karo inuu cid kale ku biiro.

Qodobka 17aad

Xorriyadda Diinta iyo Caqiidada

1. Qof kastaa wuxuu xor u yahay in uu ku dhaqmo diintiisa.

Qodobka 18aad

Xorriyadda Ra’yiga iyo afkaarta

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho soo bandhigo rayigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo rayigiisa, xog ama afkaar si kastaba.

2. Xuriyatu qoolka waxaa kamid, xoriyadda hadalka, saxaafada iyo wax walba oo soogalaya warbaahinta elektaroonikada iyo internetka.

3. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed xoriyadiisa aqooneed iyo xoriyada cilmi baaris.

Qodobka 19aad

Xurmada Hoyga

1. Qofna gurigiisa ama meeshii kale ee isaga u gaar ah lama geli karo, lama baari karo lamana basaasi karo amar garsoore oo sababaysan la’aantiis.

2. Waxaa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo degenaha hoyga amarka garsooraha, baarahana waxaa ka reeban ku xadgudbka sharciga.

Qodobka 20aad

Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareed

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn.

2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda.

Qoobka 21aad

Xorriyadda Isu-socodka iyo Degitaanka

1. Qof kasta oo si sharci ah ku deggan dhulka Jamhuuriyaddu wuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u degi karo, ugu dhex-socon karo meel kasta oo dalka ka mid ah, kana bixi karo.

2. Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay soo-gelidda iyo joogitaanka waddanka iyo inuu helo Baasabboor.

Qodobka 22aad

Xaqa Ka-qaybgalka Siyaasadda

1. Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato arrimaha guud ee dadweynaha. Xaqakan waxaa ka mid ah:

(a) inuu samaysan karo ama ka mid noqon karo xisbi siyaasadeed, kana qayb-qaadan karo hawlihiisa;

(b) in xisbi siyaasadeed gudihiisa looga dooran karo jago kasta.

2. Muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha sharciga tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto, lana doorto.

3. Xuquuda ku xusan faqradaha (1) iyo (2) ee qodobkan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan dastuurkan iyo sharci baarlamaanku ansixiyo.

Qodobka 23aad

Xorriyadda xirfadda, Shaqada iyo Mihnadda

Muwaaddin kasta wuuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u doorto xirfadda, shaqada ama mihnadda uu rabo.

Qodobka 24aad

Xiriirka Shaqada

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xiriir shaqo caadil ah.

2. Qof kasta oo shaqaale ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu abuuro, kuna biiro urur shaqaale, kana qayb-galo hawlaha ururkaas.

3. Shaqaale kastaa wuxuu xaq u leeyahay shaqo-joojin.

4. Urur shaqaale, ama mid loo-shaqeeyayaasha amase loo-shaqeeyaha waxay xaq u leeyihiin inay galaan gorgortan-wadareed ku saabsan arrimaha shaqada 5.

5. Qofkasta oo shaqaale ah gaar ahaan dumarka waxuu xaq gaar ah u leeyihiin in laga ilaaliyo faraxumeen, faquuqid iyo takoorid goobaha shaqada. Sharci kasta shaqaale iyo hab dhaqan kasta waa inuu waafaqaa sinaashaha jinsiga goobaha shaqada.

Qodobka 25aad

Deegaanka

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo deegaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed oo laga ilaaliyey wasakhda iyo waxyaalaha halista ah.

2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu wax ka helo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, iyadoo laga ilaalinaayo ka faa’ideysi xad-dhaaf ah oo deegaanka waxyeello u geysan kara.

Qodobka 26aad

Hantida

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahy in uu hanti yeesho, ku dhaqmo, ku naalloodo, iskana gado ama iska wareejiyo markuu doono.

2. Dawladdu waxay si qasab ah hanti ugala wareegi kartaa marka ay jirto dan guud. Qof kasta oo hantidiisa dan guud awgeed loola wareegey wuxuu Dawladda xaq ugu leeyahay magdhaw caadil ah oo lagu heshiiyey ama ay maxkamadi go’aamisey.

3. Faqradda 1 iyo 2 ee qodobkan laguma dhaqayo arrimaha ku xusan qodobka 49.

Qodobka 27aad

Dhaqaalaha iyo Xuquuqda Bulshada

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahaybiyo nadiif ah uu cabo.

2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo dareyeel caafimaad, Cidna lagama hor istaagi karo daryeel caafimaad oo degdeg ah sababkasta, oo ay kamid tahay awood la’aan dhaqaale.

3. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay daryeel bulsho oo dhammaystiran.

4. Xuquuqada lagu aqoonsaday qodobkan waxaa ka mid ah xaqa qof kastaa uu u leeyahay inuu si sharciga waafaqsan u ilaashado, raadsado, si buuxdana xuquuqdaas u gaaro, iyadoo aanay dawladdu ama cid kale ku soo faraggelin.

(a) Waa in lahubiyaa in dumarka, dadka da’da, curyaamiinta iyo dadka laga tiro badan yahay oo taariikhiyan latakoori jiray inay helaan kaalmo gaar ah si ay ugaaraan xuquuqdooda dhaqan – dhaqaale.

Qodobka 28aad

Daryeelka Qoyska

1. Guurku waa aasaaska qoyska oo ah saldhigga bulshada, ilaalintiisuna waa waajib sharci ah oo saaran Dawladda.

2. Daryeeshaa Hooyada iyo Dhallaanka waa waajib saaran Dowladda.

3. Ubadku wuxuu waalidkiis xaq ugu leeyahay xannaano ay ka mid tahay waxbarasho iyo barbaarin. Haddiise xannaanadaas uu ka waayo degaanka qoyskiisa waa in loo yeelo cid kale oo daryeesha. Isla xuquuqdan oo kale ayay lee yihiin carruurta dariiq-joogga ah iyo kuwa aan waalidkood la aqoonnin, Dawladda ayaana si gaar ah ugu xilsaaran inay xuquuqdooda ilaaliso, si buuxdana ay u helaan.

4. Waalidka aan iskii isugu filnayn wuxuu ubadkiisa qaangaarka ah xaq ugu leeyihiin daryeel sharci ah.

5. Guur ansaxayaa majiro hadaanay si xor ah iyo ogolaansho ninka iyo naagta ka timid jirin. Labaduba waa inay gaareen da’da guurka.

Qodobka 29aad

Caruurta

1. Ubad kastaa markuu dhasho wuxuu xaq u leeyahay inuu helo magac suuban iyo jinsiyad.

2. Ubad kastaa wuxuu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo dhaqanxumo, dayacaad, xadgudub ama liiditaan.

3. Carruurta looma diri karo inay qabtaan hawl, ama adeegyo aan ku habboonayn da’dooda, ama halis gelin kara caafimaadkooda ama koritaankooda.

4. Carruurta waxaa la xiri karaa oo keliya muddo gaaban markii la waayo xal kale, lagumana hayn karo dadka waaweyn dhexdooda marka laga reebo xigtada ugu dhow, waana in lagu hayaa xaalado ku habboon. Xigtada ugu dhow carruurta waa in sida ugu dhaqsaha badan oo suurtogal ah loo war-geliyaa.

5. Ubadku waxay xaq u lee yihiin inay helaan kaalmo qareennimo oo kharajkeeda ay Dawladdu bixiso, si ay uga bedbaadaan dacwad kasta oo caddaaladarro u keeni karta.

6. Carruurtu waxay xaq u lee yihiin in laga ilaaliyo, loona adeegsan dagaallada hubaysan.

7. Danta carruurta ayaa mar walba mudnaan leh markay joogto arrin kasta oo maslaxaddooda khusaysa.

8. Ereyga “carruur” ee qodobkan ku xusan waxaa looga jeedaa qof da’diisu ka yar tahay 18-jir.

Qodobka 30aad

Waxabarashada

1. Waxbarashada waa xuquuqda aasaasiga ay leeyihiin dhammaan muwaadiniinta Soomaaiiyeed.

2. Dhammaan muwaadiniinta waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho lacag la'aan ah ilaa iyo dugsi sare.

3. Dowladda waxay mudnaan sinaysaa horumarinta, baahinta iyo fidinta waxbarashada dadweynaha.

4. Waa in lagu dhisaa dugsiyada gaarka ah, machadyada iyo jaamacadaha si sharciga waafaqsan isia markaana la socdaan barnaamijyada iyo manaahijta waxbarashada dalka.

5. Dowladdu waxay dhiirigelineysaa sare-u-qaadidda cilmi-baarista, halabuurka iyo farshaxanka, horumarinta ciyaaraha hiddaha & dhaqanka, isboortiga iyo dhaqanka suuban ee dadka Soomaaiiyeed.

6. Dowladda waxay dugsiyada dalka oo dhan ka hirgelinaysaa manhaj midaysan, waxayna hubinaysaa dhaqangelkiisa.

7. Dowladda waxay kobcinaysaa waxbarashada sare, machadyada farsamada, tiknoolijiyadda iyo xarumaha cilmi-baarista.

8. Waxaa qasab ah in la baro diinta Islaamka caruurta dugsiyada dowladda iyo kuwa gaarka ah. Arrimmahan laguma dabaqi karo dugsiyadda ay leeyihiin dadka aan Muslimka ahayn.

Qodobak 31aad

Dhaqanka iyo Afka

1. Dawladdu waa in ay horumarisaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee Shacsiga Soomaaliyeed, iyadoo ku dadaaleysa in ay bulshada ka suuliso caadooyinka haraaga ah iyo kuwa dhowaan soo baxa ah ee wax u dhimaya midnimada, ilbaxnimada iyo caafimaadka bulshada.

2. Dawladdu waa in ay ururisaa, ilaalisaa, kaydisaa waxyaabaha iyo xarumaha taariikhiga ah ee dalka, iyadoo horumarinaysa aqoonta iyo farsamada xilkaas lagu gudan karo.

3. Dawladdu waa in ay hormarisaa dhaqammada iyo afguriga dadka laga tira badan yahay.

4. Xuquuqda qodobkan ku xusan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan xuquuda asaasiga ah ee Dastuurkan lagu aqoonsaday.

Qodobka 32aad

Xaqa helidda macluumaadka

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo macluumaadka ay dawladdu hayso.

2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay helitaanka macluumaadka ay cid kale hayso oo loogu baahan yahay in lagu fuliyo ama lagu ilaaliyo xuquuq kastoo kale daw loo leeyahay.

3. Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci lagu hirgelinayo xaqa macluumaad helidda.

Qodobka 33aad

Go’aannada Maamulka

Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in go’aamada kasoo fula maamullada ay ahaadaan kuwo ku dhisan sharci, maangal ah, go’aan gaaristoodana loo maray hannaan caadil ah.

Qodobka 34aad

Xaqa Dacwadda iyo Isdifaaca

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad sharciga waafaqsan ka furto maxkamadaha awoodda u leh

2. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu helo garsoor madax bannaan, caaddil ah, aan eex lahayn, laguna qaadayo maxkamad dadweynaha u furan, laguna galo waqti macquul ah, ama golihii kale ee awood go’aan gaaris ah u leh:

(a) Arrin kastoo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka madaniga; ama

(b) Fal dembiyeed kasta oo kale lagu soo oogay, ciqaabna lagu mutaysanayo.

3. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahey inuu iska difaaco dacwadda uu danaynayo, heer iyo darajo kasta oo ay taagan tahay.

4. Dawladdu waxay u kafaalo-qaadaysaa dadka aan awood dhaqaale lahayn inay difaac lacag la’aan ah helaan.

5. Dowladdu waxay u damaanad qaadeysaa difaac lacag la’aan ah shaqsiyaadka, bulshooyinka (communities) marka ay si sharci ah ay ugu raadinayaa danta guud.

Qodobka 35aad

Xuquuqda Eedaysanaha

1. Eedaysanuhu wuxuu la mid yahay qof barii’ ah ama oo aan dembi gelin ilaa maxkamadi si kama-dambeys ah ugu caddayso dembiga loo haysto.

2. Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in isla markiiba la ogeysiiyaa dembiga lagu tuhunsan yahay, looguna sheegaa af uu garanayo.

3. Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in xaaladdiisa la gaarsiiyo qoyskiisa ama eheladiisa.

4. Qofna laguma qasbi karo dembi-qirasho, xukunkiisana saldhig looga dhigin qiraal lagu qasbay.

5. Qof kasta oo la xiraa wuxuu xaq u leeyahay in 48 saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamad awood u leh.

6. Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaadaa wuxuu xaq u leeyahay in uu qabsado qareen difaaca, haddii uusan awood u lahaynna ay dawladdu u qabato.

7. Qof kasta oo maxkamad lagu soo taagey tuhun fal dembi-ciqaabeed waxa uu xaq u leeyahay garsoor caaddil ah.

8. Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu goobjoog ka ahaado dacwaddiisa.

9. Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco caddaymaha la soo hordhigay ee lidka ku ah.

10. Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in loo qabto turjubaan haddii uusan garanayn afka maxkamadda laga isticmaalayo.

11. Eedeysanaha laguma hayn karo goob aan sharcigu bannayn, waa in loo oggolaado booqashada eheladiisa, takhtarkiisa iyo qareenkiisa.

12. Masuuliyada ciqaabatu waa shakhsi, qofna looma ciqaabi karo fal-dembiyeed uu galay qof kale.

13. Qofna looma ciqaabi karo fal markii uu ku kacay uusan sharciga uusan dembi u aqoonsaneyn, haddii uusan ahayn dembi ka soo horjeeda banii’aadaminnimada, laguna cadeeyey qawaaniinta dawliga ah.

Qodobka 37aad

Isucelinta Eedaysanayaasha iyo Dembiilayaasha

1. Isucelinta eedeysanayaasha iyo dembiilayaasha waxaa lagu oggoolaan karaa oo keliya si waafaqsan sharciga, iyo uu jiro heshiis isu-celin ay Soomaaliya dhinac ka tahay iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dawladda Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha.

2. Isucelinta eedaysanaha iyo dembiilaha waa in ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka caalamiga ah, waana in baarlamaanku soo saaraa sharciga lagu maamulayo isucelinta dembiilayaasha.

Qodobka 38aad

Qaxootiga iyo Magangelyada

1. Qof kasta oo Soomaaliya ku soo gala qaxootinnimo wuxuu xaq u leeyahay in aan dib loo celin ama aan loo qaadin dal kale, haddii ay jirto cabsi muuqata oo ah in uu la kulmayo ciqaab.

2. Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci waafaqsan qaanuunka caalamiga ah; kaas oo nidaaminaya qaxootiga ama magangelyo-doonka.

Qodobka 39aad

Xaddidaadda Xuquuqda

1. Xuquuqda lagu sheegay qaybtan waxaa xaddidi kara sharciga, haddii sharcigaasi uusan si gaar ah u bar-tilmaameedsanayn shakhsiyaad ama kooxo.

2. Xuquuqdan waxaa xaddidaya sharciga, ama wax si gooniya looga soo reebay ama arrimo gaar ah oo lagu xusay cutubkan, waase haddii xaddidaaddaasi ay tahay maangal la caddayn karo, lamana aqbali karo, si waafaqsan qiyamka lagu qeexay Dastuurka.

3. Marka go’aan laga gaarayo in xadeynta xuquuqdu ay noqoto mid la aqbali karo oo maangal ah, waa in la tixgeliyaa dhammaan arrimha la xiriira xadeyntaas.

4. Arrimaha la xiriira waxaa ka mid ah dabeecadda iyo ahmiyadda xuquuqda la xaddidey iyo muhimmadda ujeeddo la rabo in lagu gaaro xaddidaadda; ha ahaato xadeyntaasi mid habboon in lagu gaaro ujeeddada ama ha ahaato mid isla ujeeddadaas lagu gaari karaayey iyadoo aan la xaddidin xuquuqdaas. Xaddididda suurtogalka ah ee xuquuqda asaasiga ah ee muwaaddinka xilliga xaaladda degdegga waxaa lagu sheegay Cutubka 14, qodobka 13aad .

Qodobka 40aad

Dib-u-xaqsooridda Ku-xadgudubka Xuquuqda

1. Sharcigu waa in uu qeexaa habraac habboon oo lagu saxayo xadgudubyada xaquuqda aadanaha.

2. Dib-u-xaqsooridda xadgudubyadaas waa in lagu galaa maxkamad ay dadku si fudud dacwad uga furan karaan.

3. Qof ama urur kastaa wuu tegi karaa maxkamad, si uu u difaaco xuquuqda dadka kale ee aan awoodin in ay iskood isu difaacaan.

Qodobka 41aad

Fasiraadda Xuquuqda Asaasiga Ah

1. Marka la fasiraayo xuquuqda ku xusan qaybtan waa in maxkamaddu ay raadiso gaaritaanka ujeeddooyinka laga leeyahay xuquuqdaas iyo qiyamka ay xambaarsan yihiin.

2. Fasiraadda xuquuqdan waxay maxkamaddu tixgelineysaa Shareecada, qaanuunka caalamiga ah iyo go’aannada maxkamadaha dalal kale, inkasta oo ayan qasab ku ahayn inay raacdo go’aannadooda.

3. Marka guud ahaan sharci la fasiraayo ama la dhaqan-gelinaayo, maxkamad kasta ama madal kaleba waa in ay tixgelisaa muhimmada qodobbada qaybtan, intii suurtagal ahna go’aannadooda ka dhigaan kuwo la socon kara qodobadani.

4. Xuquuqda asaasiga ah ee ku xusan qaybtan kama hor-imaaan karaan xuquuqda kale ee Shareecada Islaamku jideysey iyo xeer-dhaqameedka la jaanqaadi kara Shareecada iyo Dastuurka.

Qodobka 42aad

Guddiga Xuquuqda Aadanaha

1. Baarlamaanku waa inuu dhisaa Guddi Xuquuqda Aadanaha u qaybsan oo ka madax

bannaan maamulka dawladda, lehna ilo dhaqaale oo uu si habsami leh ugu fuliyo hawlihiisa.

2. Hawlaha Guddiga Xuquuqda Aadanaha waa in ay ku jiraan horumarinta aqoonta xuquuqda aadanaha iyo, gaar ahaan, Shareecada, asaga oo u dejinaaya halbeegyada dhaqangelinta lagu hirgelinaayo waajibaadka xuquuqda aadanaha; dabagelidda xuquuqda aadanaha ee dalka gudihiisa iyo baarista eedaha la xiriira xuquuqda aadanaha.

MADAXA SADDEXAAD

WAAJIBAADKA MUWAADDINKA

Qodobka 43aad

Waajibaadka Muwaaddinka

1. Sida Diinta Islaamku qabto, caddaaladda waxay ku jirtaa isu-dheellitirnaanta xuquuqda iyo waajibaadka .

2. Ku-dhaqanka sinnaanta, xorriyaadka iyo xuquuqda lagama sooci karo waajibaadka. Sidaas darteed, muwaaddin kasta waxaa waajib ku ah:

(a) In uu noqdo waddani daacad u ah horumarinta iyo wanaagga dalkiisa;

(b) In uu ka qayb-qaato hawlaha waxtarka u leh muwaaddinka, qoyska, wanaagga guud iyo in uu ka qayb-qaato horumarinta qaranka iyo bulshada uu la nool yahay;

(c) In uu horumariyo mas’uuliyadda waalidnimo;

(d) In uu dhiiriggeliyo midnimada qaranka, isaga oo kaashanaya muwaaddiniinta kale;

(e) In uu horumariyo mabda’a laxisaabtanka iyo talinta sharciga;

(f) In uu noqdo qof aqoon u leh qodobbada Dastuurka, si daacad ahna uu u taageero, una difaaco Dastuurka iyo shuruucda dalka;

(g) In uu ku dadaalo/kudadaasho codbixinta xilliyada doorashada;

(h) In uu noqdo canshuur-bixiye wanaagsan, si uu uga qayb-qaato kharajka Dawladda si waafaqsan awooddiisa waxbixineed iyo sharciga;

(i) In uu difaaco dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya.

QAYBTA SEDEXAAD

DHULKA, HANTIDA IYO DEEGAAN

Qodobka 44aad

1. Dhulku waa kheyraadka koowaad ee Soomaaliya iyo saldhigga nolosha dadka.

2. Dhulka waa in loo haystaa, loo adeegsada, loona maamulaa si caddaalad ah, waxtar leh iyo wax- soosaar joogto ahna leh.

3. Dawladda federaalku waa inay dejiso siyaasad dhuleed oo heer qaran ah oo si joogto ah dib-u-eegis loogu sameeyo. Siyaasadaasi waa in ay xaqiijiso:

a) U sinnaanshaha fursadaha helitaanka dhulka iyo ka faaiideysiga kheyraadkiisa .

b) Damaanad-qaadista xuquuqda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta;

c) Xaqiijinta ka faaiideysiga dhulka si waafaqsan mabaadii’da ka dheefsashada dhulka iyadoon dhibaato loo geysan.

d) In si degdeg ah oo lagu wada qanci karo loo xalliyo khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida.

e) In la xaddido dhulka uu qof ama shirkadi yeelan karaan;

f) In la nidaamiyo dhaqdhaqaaqa suuqa ka ganacsiga dhulka, si looga hortago ku-takrifalida xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.

g) Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka Somaliya waxay dejinayaan siyaasad-dhuleed oo heerkooda ah.

4. Lama bixin karo ruqsad la xiriirta isticmaalka abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyada Federaalka Somaliya. Sharci Baarlamaanka Federaalka soo saaro ayaa xaddidi baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalkooda.

5. Kala qeexidda awoodaha dawladda federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalkayada ee la xiriira maamulka iyo maaraynta waxay ku tilmaaman yihiin lifaaqa 2-aad.

6. Dowladda federaalka iyadoo latashaneysa dowladaha xubinta ka ah federaalka iyo cidii kale oo ay quseyso, waxay dajineysaa siyaasada dhulka iyo qaab lagu koontaroolo laguna isticmaalo dhulka.

Qodobka 45aad

Kheyraadka Dabiiciga ah

1. Wax qeybsiga kheyraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waxaa ka wadaxaajoon doona Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubinta ka noqon doona Dowladda Federaalka Somaliya iyadoo loomarayo qaab Dastuuri ah.

Qodobka 46aad

Deegaanka

1. Xukuumadda federaalku waxay mudnaan siinaysaa ilaalinta, keydinta iyo dhawrista deegaanka, iyadoo laga ilaalinayo wax kasta oo wax u dhimaya kala-duwanaanshaha noole ee dabiiciga ah iyo qaab-dhismeedka dabiiciga ah ee deegaanka.

2. Dhammaan dadka ku nool Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah ilaalinta iyo kobcinta deegaanka Iyo ka-qaybgalka horumarinta, fulinta, maareynta, xannaanaynta iyo dhawrista kheyraadka dabiiciga ah iyo deegaankaba.

3. Xukuumadda federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka ee waxyeellada deegaanku ay saameeyeen waa in ay:

a) Qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu dhaqangelinaayo nadiifinta wasakhda iyo haraaga sunta halista ah ee lagu shubay dhulka iyo biyaha Jamhuuriyada Federaalka ;

b) Dejiyaan sharci, qaaddaana tallaabooyinka lagama-maarmaanka ah ee looga hortegayo ku-daadinta iyo ku xabaalidda wasakhdaas; taasoo xeer-jebin ku ah qaanuunka dawliga ah iyo ku-xadgudub gobannimada Jamhuuriyada Federaalka .

c) Qaaddaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah in laga qaado magdhaw kuwa masuulka ka ah ku-daadingta iyo ku xabaalidda wasakhadaas; ha joogeen Jamhuuriydda gudaheeda ama meel kale.

d) Qaaddaan tallaabooyinka lagama-maarmaanka u ah dib-u-noolaynta, dib-u- dhiraynta, kor-u-qaadidda iyo ilaalinta deegaanka, iyo ka hortaga wixii waxyeellayn kara khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka dalka.

e) Xukuumadda Federaalka iyadoo latashaneysa dowladaha xubinta ka ah dowlada Federaalka waxay dejinayaan siyaasad guud ee deegaan ee Dowlada Federaalka.

QAYBTA AFRAAD

MATILAADDA SHACABKA

Madaxa Kowaad

Mabaadi’ida Guud ee Matilaadda Shacabka

Qodobka 47aad

Awoodda Shacabka

1. Awoodda isxukunka waxay ka bilaabataa kuna dhammaataa shacabka, asaga oo adeegsanaya awoodda ah in markasta oo loo baahdo uu hay’adaha iyo wakiillada shacabka uu ku oogi karo la xisaabtan.

2. Nidaamka matilaadda shacabka waa in uu ahaado mid furan oo qof kasta fursad u siinaya inu ka qayb-qaato, habraacoyadiisa iyo xeerarkiisana si fudud loo fahmi karo.

3. Nidaamka matilaado waa inuu ahaadaa mid si kufilan oo macquul ah uga hortegi kara qalalaase ka dhasha tartanka siyaasadda iyo natiijooyinka doorashada.

Madaxa Labaad

Doorashooyinka

Qodobka 48aad

Nidaamka Dorashooyinka iyo Xisbiyada

Shuruucda ku saabsan Xisbiyada, Diiwaangelintooda, Doorashooyinka iyo Guddiyada Madaxbanaan ee Doorashooyinka, waxaa lagu qeexi doonaa shuruuc gaar ah oo uu soo saaro Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya.

QAYBTA SHANAAD

BAAHSANAANTA AWOODDA DAWLADDA EE JAMHUURIYADA FEDERAALKA

MADAXA KOOWAAD

QAABDHISMEEDKA IYO MABADII’DA WADA-FALGELIDDA HEERKA DAWLADDA

QODOBKA 49aad

QAABDHISMEEDKA DAWLADDA

1. Qaab dhismeedka Dowladda Federaalka wuxuu ka kooban yahay 2 heer Dowladeed:

a) Heerka Dowladda Federaalka

b) Heerka Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka oo ay hoosimaanayaan Dowladaha Deegaanka.

2. Gobol gooni isu taagi karaa ma jiri karo, inta uu Gobol kale uu kuu biirayo, Dowladda Federaalka Somalia ayaa maamulaysa waxaana waajib ku ah gobalkaas inuu ku biiro gobol kale ama dowlad xubin ka ah Dowladda Federaalka mudo labo sano gudahood.

Qodobka 50aad

Tirada iyo Xuduudaha Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalkayada iyo Degmooyinka

1. Tirada iyo xuduudaha Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka cusub waxaa go’aaminaya Golaha Shacabka.

2. Golaha shacabku, inta aanu goyn tirada iyo xuduudaha Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, wuxuu magacaabayaa guddi heer qaran ah oo daraasad ka sameeya, warbixin ay la socdaan talooyinna u bandhigaan Golaha shacabka.

3. Magacaabidda guddiga, waa inuu ka horreeyo sharci Golaha Shacabku ansixyo oo qeexaya:

(a) Xilalka iyo awoodaha Guddiga

(b) Hal-beegyada uu u cuskanayo samaynta Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyo shruudaha qayb dalka ka mid ihi ku mutaysan karto inay noqoto Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka;

(c) Tirada xubnaha, shuruudaha xubinnimada iyo siyaabaha lagu magacaabayo xubnaha guddiga

(d) Muddada xilhayntooda

(e) Xuquuqdooda

4. Tirada iyo xuduudaha degmooyinka Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka waxaa goynaya sharci uu soo saaro baarlamaanka Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalkaka, Golaha shacabkuna oggolaado.

5. Xuduudaha Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalkayadu waxay ku saleysnaan doonaan xuduudihii gobollada ee jiray 1990-kii.

6. Ugu yaraan laba gobol iyo ka badan ayaa ku midoobi kara Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyaga xor u ah go’aankooda.

Qodobka 51aad

Mabaadi’da Federaalka ee Jamhuuriyada Federaalka

1. Heerarka kale duwan ee Xukuumaduhu marka ay dhexdooda ka macaamilayaan iyo marka ay ku gudo-jiraan adeegsiga awoodda sharci-dejinta iyo awoodaha kaleba, waa in ay ilaailyaan mabaadi’ida federaalnimada; kuwaas oo ah:

a. Heer kasta oo xukuumadeed waa in ay haysato kalsoonida iyo taageerada dadweynaha.

b. Awood walba waa in la siiyo hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-kuoolsan u fulin karta

c. Jiritaanka iyo joogtaynta xiriirro iskaashi iyo istaageerid labo-dhinacle ah oo ka dhexeeya dawlad- goboleedyada dhexdooda iyo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalkayada iyo Dawladda federaaliga ah, si uu u jiro dareen midnimo qaran.

d. Degaan kasta oo ka mid ah Jamhuuriyaddu waa inuu helaa adeegyo iyo waxqabad xukuumadeed isu dhigma.

e. Khayraadka dalka oo si cadaalad ah loo qaybsado.

f. Dakhli-ururinta oo loo xilsaaro hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-oolsan u fulin karta.

g. Khilaafaadka oo wadahadal iyo dib-u-heshiin lagu xalliyo.

Qodobka 52aad

Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha Federaalka

1. Heer kasta oo Dawladeed ha ahaato mid la heer siman ama tan Federaalka waa in ay la lahaato xiriir iskaashi.

2. Dawlad kasta waa in ay ixtiraamtaa, ilaalisaana xadka awoodaha ay leedahay iyo awoodaha ay leeyihiin dawladaha kale, waana in ay:

a) La yeelataa xiriir walaaltinimo oo waxa ku ool ah heerarka kale ee Dawladaha una horseedaa midnimada muwaadiniinta;

b) Heer kasta oo Dawladeed waa in ay ku wargelisaa heerarka kale siyaasadaha iyo hawlgallada ay ka fulineyso degaanadeeda oo saamayn ku yeelan kara degaanada heerarka kale;

c) Yeeshaan siyaasado u adeegaya qorsheynta iyo hirgelinta mashaariic hormarineed oo wadajir ah.

3. Si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo horumarinta xiriirada iskaashiga Federaaliga ah waa in la joogteeyo kulan sanadeed ay wada yeeshaan madaxda fulinta Dawladda Federaalka iyo Madaxda Fulinta Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalkayada si ay isula meeldhigaan:

a) Adkaynta Midnimada Qaranka;

b) Sugidda amaanka iyo Nabadgelyada Dalka;

c) Horumarinta dhaqan-dhaqaalaha qaranka iyo suuqa mideysan ee dalka;

d) Horuumarinta baraaraha shacabka;

e) Isdhaafsiga macluumaadka.

4. Dhammaan heerarka dawladaha waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa dastuurku siiyay.

5. Sharci baarlamaanku ansxiyay waa inuu xeeriyo:

(a) Samaynta hay’ado iyo habraacyo fududaynaya wada falgelidda heerarka dawladda;

(b) Samaynta habaraacyo fududaynya xallinta khilaafaadka ka dhex dhasha heerarka dawladda inta aanay u gudbin maxkamad.

Qodobka 53aad

Iskaashiga Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalkayada

1. Dawlada Federaalka ah iyo dawladaha xubnaha ka ah waxaa waa waajib ku ah:

a) Madaxweyneyaasha Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka Somalia iyo Mas’uuliyiintooda sare yeeshaan kulamo joogto ama kaltan ay kaga wada xaajoodaan arrimaha degaamadooda wada saameeya oo ay ka mid yihiin:

(i) ilaha biyaha,

(ii) beeraha,

(iii) xannaanada xoolaha,

(iv) daaqa iyo seereynta,

(v) la dagaallanka nabaadguurka iyo ilaalinta deegaanka,

(vi) Caafimaadka

(vii) tacliinta,

(viii) xiriirinta iyo wada xajoodka hoggamiyeyaal dhaqameedka, ilaalinta iyo horumarinta xeer-dhaqameedka,

(ix) Xiriirinta ogaalleyda diiinta, iyo

(x) Dhallinyarada.

2. Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalkayadu dhexdooda ama Dawladda Federaalka waxay isla geli karaan heshiisyo iskaashi oo ay ku wada hawlgalaan, aanse lahayn awood sharci, kana horimanayn Dastuurka Federaalka iyo kan dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

Qodobka 54aad

Wada-xaajoodyada Caalamiga

1. Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqeynayo, xukuumadda federalku waa in ay dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga.

2. Marka ay wada xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya dowlad-goboleedyada, xukuumadda federalku ergada wada-xaajoodka gelaysa

waxaa kaabaya wakiilo ka socda Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

3. Xukuumadda federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay isu aragtaa xilgudashadeeduna ka muuqdaa ilaaliyaha danaha Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

Qodobka 55aad

Kala qaybinta Awoodaha

1. Awood qeybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wadaxaajoon doona Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubinta ka mid noqonaya Dowladda Federaalka Somaliya marka laga reebo: A) Arrimaha Dibada; B) Difaaca Qaranka; C)jinsiyadda iyo Socdaalka iyo Siyaasadda Lacagta .

QAYBTA LIXAAD

BAARLAMAANKA FEDERAALKA

MADAXA KOOWAAD

QODOBBO GUUD

Qodobka 56aad

Golayaasha Barlamaanka Federaalka

1. Barlamaanka Federaalka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay:

(a) Golaha shacabka, iyo

(b) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

2. Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxay masuuliyadaha xeerdejinta u gutaan si waafaqsan Madaxa Afraad ee dastuurkan oo ku saabsan habaraaca xeerdejinta Heerka Qaran.

Qodobka 57aad

Xilgudashada Baarlamaanka Federaalka

Golayaasha baarlamaanka Federaalku:

(a) Xilalka ay wadaagaan waay u gutaan si wadajir ah,

(b) Xilalka uu gole waliba gaarka u leeyahay wxuuu u gutaa gaar ahaantiisa.

Qodobka 58aad

Xilka Xeerdejinta ay wadaagaan labada Gole

Xilka xeerdejinta ee ay wadaagaan labada gole waxaa ka mid ah:

1. Markii loo baahdo Aqalka Dadweynaha iyo Aqalka Dawladaha afederaalka ah waxay qabsanayaan fadhiyo wada jir ah, waxaana fadhiyadaa hoggaamin doona Guddoomiyaha Aqalka Sare ama xubin kale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah hadba ay xeerka iyo nidaamka aqalaladu dhigayaan.

2. Inta uu guddoominayo fadhiyada wadajirka ah, Guddoomiyaha Aqalka Federaalka ah, ama Guddoomiyaha Aqalka Dadweyeynaha ama xubintii kale ee laysla garto in ay guddoonka qabataa, kuma laha wax cod arrimaha loo codeynayo, marka laga reebo xaaladda ay cododkii tiro ahaan sinaadaan.

3. Iyadoo aan wax loo dhimeyn awoodda uu baarlamaanku ku habeynayo hawliihiisa iyo shaqo fulintiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaa laga yaabaa, marka uu u arko in ay ku haboon tahay, in uu ku codsado/ay ku codsato fariin loo diro labada guddoomiye ee aqalada in la qabto fadhi wada jir ah:

(a) Dejinta habraacyada haga hawlaha guddiyada isku dhafan ee labada Gole

(b) Dhaqangalin habraacayada meel-marinta go’aannada ay gaaraan guddiyada isku dhafan. (c) Wax kabadalida (amend) iyo dib u eegida dastuurka si waafaqsan qodobka XX iyo XX.

Qodobka 59aad

Shuruudaha Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka

1. Baarlamaanka Federaalka Waxaa loo dooran karaa:

(a) Qof kasta oo ah Muwaadin Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ah, dhimirkiisu dhan yahay, da'diisuna aanay ka yarayn shan iyo labaatan (25) sano, codbixiye ahaanna u diiwaangahsan yahay .

(b) Qof kasta oo aan xuquuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkmadeed lagu hakin shantii (5) sano ee ugu dambaysay.

(c) Qof kasta oo leh ugu yaraan aqoon dugsi sare iyo waaya aragnimo udhiganta

2. Ka hor inta aan qofka la oggolaan murashaxnimadiisa, Guddiga Doorashadu waa inuu hubiyo in musharraxu buuxiyey shurrudaha ku cad qodobkan.

Qodobka 60aad

Sababaha Lagu Lumiyo Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka

1. Xubinimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa:

(a) Xubinta oo Geeriyoota

(b) Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogta ah.

(c) Xubinta oo Istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay lagana oggolaado.

(d) Ka maqnaansho labo kal fadhi oo caadi ah iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.

(e) Haddi ay xubintu aqbasho xil dawladeed an wasiir ka ahayn

2. Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad dastuurka .

3. Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka doorashadii hore xubin suge u ahaa.

4. Sharciga doorashada ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo malinta xildhibaanka uu beddelayaa lumiyay xubinnimada Baarlamaanka.

Qodobka 61aad

Muddada xilhaynta

1. Muddada xil-haynta Baarlamaanka Federaalka waa afar sano oo ka bilaabata maalinta natiijada doorshada lagu dhawaaqo.

2. Xildhibaankasta oo Baarlamaanka kamid ah dib ayaa loo dooran karaa.

Qodobka 62aad

Xilka Xubnaha Baarlamaanka

1. Xubin kasta oo ka mid ah labada Aqala ee baarlamanka marka ay xilkeeda gudanayso waa in uu ku shaqaysaa si ay danta qaranku ku jirto.

2. Asaga oo oofinaya waajibaadka ku cad faqradda (1) ee qodobkan, xubin kasta oo ka mid ah Golaha Shacabka, xil gaar ah ayaa ka saaran matilaadda degaan-codbixiyaasha laga soo soo doortay iyadoo loo eegin siyaasad iyo taageerid xisbiyo kale.

3. Xubin kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxuu xil gaar ahi ka saaran yahay matalaadda danaha Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalkada uu matalayo iyo in uu ilaaliyo nidaamka federaalka, kuna shaqeeyo dareen iskaashi federaalnimo.

Qodobka 63aad

Guddiyada Wadaagga Baarlamaanka Federaalka

1. Labada Gole waxa ay dhisan karaan guddiyo wadaag ah hawlahooda u fududeeya.

2. Xeer-nidaamiye labada Gole ay wadajir u mariyaan ayaa lagu go’aaminaya tirada guddiyada iyo habraacyada xilfulintooda.

MADAXA LABAAD

GOLAHA SHACABKA

Qodobka 64aad

Awoodaha Xeerdejinta Golaha shacabka

Golaha Shacabku wuxuu matilaa dhamaan shacabka Soomaaliya, Awooda xeerdejinta ee Golaha shacabku kaligii leeyahay waxaa ka mid ah: (a) Kaqayb galka wax ka beddelidda dastuurka, si waafaqsan cutubka (Chapter) 15aad (b) Ansixinta, wax ka beddelidda, iyo diidmada sharciyada la horgeeyo, si waafaqsan cutubkan iyo cutubka 15aad.

(c) Ka baaraandegidda sharciyada uu ansixiyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

(d) U igmashada aqalka sare ee baarlamaanka federaalka awoodaha xeer dajinta marka lagareebo wax kabadalida dastuurka.

Qodobka 65aad

Tirada xubnaha Golaha Shacabka

1. Xubnaha golaha shacabka waxaa si toos ah, qarsoodi ah, iyo madaxabannaani ku dooranaya shacabka Jamhuuriyada Federaalka.

2. Tirada Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Baarlamaanka Federaalka Somalia waa 225-Xildhibaan.

3. Tirada guud ee xubnha Golaha shacbiga waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeshaan dhammaan qaybaha bulshada.

4. Qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa xildhibaan Golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xil-ka-qaadis lagu samayn ayadoo aanay muddadi xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka, tirada xildhibaanadana dheeraad ayuu ku yahay.

Qodobka 66aad

Afhayeenka iyo Ku-xigeenada Golaha Shacabka

1. Golaha shacabka, fadhigiisa koowaad oo uu guddominayo qofka ugu da’ad weyn, waa inuu doorto Afhayeen iyo laba Ku-Xigeen.

2. Haddii ay dhacdo waqtiyada qaar in ay maqanaadaan Afhayeenka iyo ku-xigeennadiisu, Goluhu waa in uu mid ka mid xubnihiisa u doortaa in uu noqodo shir-gudoomiye ku- meel-gaar ah.

3. Afhayeenku inta uusan qaban xilka waa in uu ka tanaasulo xil kasta oo uu ka hayo xisbi siyaasadeed, waana in uu noqdo dhexdhexaad marka uu gudanayo/gudaneyso xilalkiisa/xilalkeeda.

4. Afhayeenka iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqalabiyadda tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka, xilkana kaga qaada codbidxinta saddex dalool laba dalool xubnaha Golaha Shacabka.

Qodobka 67aad

Kal-Fadhiyada Golaha Shacabka

1. Golaha Shacabka ee cusub, fadhigiisa koowaad waa inuu ku qabsoomaa 30 maalmood gudahood, kaddib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada guud. Taariikhda fadhiga la qabanayo waxaa goynaya Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Xisbiyada siyasadda.

2. Golaha Shacabku waa inuu sannad kasta yeeshaa labo kalfadhi oo caadi ah oo ugu yaran midkiiba socodo affar (4) bilood.

3. Xeer Hoosaadka Golaha shacabka ayaa lagu xaddidayaa, waqtiyada iyo taariikhda kalfadhiyada caadiga ah ee Golaha Shacabka iyo xilliyada nasashada.

4. Golaha Shacabku wuu yeelan kara Kalfadhiyo aan Caadi ahayn haddii:

(a) Madaxweynuhu isgu yeero, ka dib marka helo codsi ka yimaada Golaha Wasirrada,

(b) Afhayeenka Goluhu isugu yeero

(c) Haddi ay codsi qoraal ku weydiistaan boqolkiiba labaatan (20%) xubnaha golaha Shacabka.

Qodobka 68aad

Kala-dirista Gololaha Shacbiga

Lama kala diri karo Golaha Shacbiga ka hor dhammaadka muddadiisa Afarta sano ah marka laga reebo haddii uu Goluhu awoodi waayo in uu ansixiyo golaha wasiirada iyo barnaamijka dowlada sida ku xusan Qodobka... 106(3).

Qodobka 69aad

Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka

1. Golaha Shacabku waa in uu samaystaa xeer-hoosaadkiisa, kaas oo siinaya ka-qaybgal buuxa xubnihiisa.

2. Golaha shacabku wuxuu isu qaybinayaa guddiyo u kala xilsaaran hawlihiisa.

3. Golaha Shacbka marka la horkeeno mashruuc sharci wuxuu u xilsaarayaa guddiga qaabilsan si uu uga soo baarandego talana uga soo jeediyo fadhiga loo dhanyahay ee Golaha.

4. Mashruuc sharci oo Goluhu diiday dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay ka soo wareegato lix bilood maalinta Goluhu diiday.

5. Fadhiyada Golaha Shacabka iyo guddiyadiisaba waa inay u furan yihiin dhegeysiga dadweynaha iyada oo maanka lagu hayo mabaadi’da guud ee daahfurnaanta dawladda. Xeer-hoosaadka Golaha waa inuu qeexo mararka ay lagama maarmaan noqonaysa in Golaha Shacabku yeesho fadhiyo ay albaabadu u xiranyihiin.

Qodobka 70aad

Awoodaha Golaha Shacabka

1. Golaha Shacabka wuxuu leeyahay awood xerdejin oo ah:

(a) Inuu ansixiyo, wax ka beddelo ama diido sharciyada la horkeeno;

(b) Inu curiyo sharci kasta oo cusub oo aan ka ahayn kan la xariira maaliyadda.

2. Inuu ogalaado gudiyada madaxa banaan ee Ra’iisal Wasaaraha horkeeno Golaha Shacabka.

3. Awoodda la xisaabtaanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha dawladda ee Heerka Qaranka gaar ahaan dhinaca hubinta dhaqangleinta sharciyada dalka.

4. U yeeridaa Rai’iisul wasaaraha, xubnaha golaha wasiirrada, Gudoomiyayaasha Guddiyada Qaranka iyo Xafiisyada madaxabannaan. Mas’uul kasta oo uu u hoggansami waaya u yeeridda, wuxuu Golaha shacabku awood u leeyahay inu dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa.

5. Inuu Rai’isul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiayadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1.

6. Inuu cod aqlabiyada tirada guud ee golaha shacabka 50% +1 oo gacan-taag ah kalsoonida golaha shacabka ugala noqdo Ra’iisul Wasaraha iyo ku xigeenka/kuxigeenada Rai’isul Wasaaraha.

7. Doorashada iyo xilka qaadida Madaxweynaha sida kucad dastuurka.

8. Hirgalin mudiimadaha kale ee uu u ogolaaday dastuurka si loo hubiyo dhaqan galin haboon iyo dib u eegid dastuurka.

Qodobka 71aad

Mudnaanta Xildhibaannada Golaha Shacabka

1. Xildhibaan Golaha Shacabka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto Golaha iyo guddiyadiisa.

2. Haddii aan laga haysan oggolaansho Golaha Shacbiga, Xildhibaanka Laguma qaadi karo dacwad ciqaabeed; lama xiri karo lamana baari karo qof ahaan, hoygiisa ama meeshii kale u gaar ah, haddaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ay tahay in laga soo saaro amar qabasho; sidoo kale haddii aan laga helin oggolaansho Golaha Xildhibaanka lama qaban karo, xabsina laguma hayn karo iyadoo la fulinaayo xukun maxkamadeed oo xataa kama dambays noqday.

3. Dacwad aan ahayn mid ciqaabeed Xildhibaanka waa lagu furi karaa, iyadoo aan oggolaansho la weydiisan Golaha Shacbiga.

4. Sharci gaar ah ayaa qeexyaya xasaanadda Xilidhibaanada Golaha Shacabka.

5. Gunnooyinka iyo daryeelka kale ay xaqa u leeyihiin Xildhibannada Golaha Shacabka waxaa laga bixinaya Sanduuqa Dhexe ee Xukuumadda Federaalka.

MADAXA SADDEXAAD

AWOODA XEERDEJINTA IYO AWOODAHA KALE EE AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA

Qodobaka 72aad

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu matalaa Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, masuuliyadihiisa xeerdejinta waxaa ka mid ah: (a) Ka qaybqaadashada wax ka beddelidda dastuurka, si waafaqsan Qodobka ….. (b) Ansixinta, wax-ka-beddelidda iyo diidmada sharciyada la horkeeno, si waafaqsan Qodobka ….. (c) Eegidda sharciyada loo igmaday si waafaqsan Qodobka ….... (d) Ka qayb qaadashada doorashada Madaxweynaha si waafaqsan Qoddobka…….. (e) xil ka qaadida Madaxweynaha si waafaqsan Qoddobka……. (f) Ka qayb qaadashada hab raaca ku dhawaaqista xaalad dagaal si waafaqsan Qoddobka……

(g) Hirgalin mudiimadaha kale ee uu u ogolaaday dastuurka si loo hubiyo dhaqan galin haboon iyo dib u eegid dastuurka. (h) Ka qayb qaadashada hab raaca ku dhawaaqa xaalad deg-deg ah si waafaqsan Qoddobka….

(i) Ka qayb qaadashada nidaamka lagu magcaabayo xubnaha hay’adaha dawladda ee soo socda: i. Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka si waafaqsan Qoddobka….

ii. Guddoomiyayaasha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurka si waafaqsan Qoddobka …..

iii. Xubnaha Guddiga ku Mel Gaadhka ah ee Doorashooyinka ee Madaxa Bannaan si waafaqsan Qoddobka…. iv. Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta si waafaqsan Qoddobka…

v. Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka eek a Dhexeeya Dawladaha si waafaqsan Qoddobka….

(j) In ay gutaan waajibaadka kale ee Dastuurku ku farad yeelayo si loo sugo in dastuurku si habsami ah u hirgalo.

Qodobka 73aad

Tirada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa si toos ah, qarsoodi ah oo madaxbannaan u dooranaya shacabka Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, tiradoodana waa ugu badnaan 54-Xildhibaan oo ka imaanaya 18kii gobol Somaliya lahayd ka hor 1991-kii, iyada oo saldhig looga dhigayo:

(a) Tirada Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka;

(b) Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalkayadu waxay Aqalka Sare ku yeelanayaan xubno tiro isle’eg ah;

(c) Tirada guud ee xubnaha Golaha Aqalka Sare waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeshaan dhammaan qaybaha bulshada.

Qodobka 74aad

Afhayeenka iyo ku-xigeenada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

Afhayeenka iyo Ku-xigeenada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa loo doortaa xilkana looga qaada habraaca la mid ah kan Golaha Shacabka.

Qodobka 75aad

Kalfadhiyada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

1. Golaha cusub ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, fadhigiisa koowaad waa inuu ku qabsoomaa 30 maalmood gudahood, kaddib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada guud. Taariikhda fadhiga la qabanayo waxaa goynaya Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Xisbiyada siyasadda.

2. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waa inuu sannad kasta yeeshaa labo kalfadhi oo caadi ah oo ugu yaran midkiiba socodo affar (4) bilood.

3. Xeer Hoosaadka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu xaddidayaa, waqtiyada iyo taariikhda kalfadhiyada caadiga ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo xilliyada nasashada.

4. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka wuu yeelan kara Kalfadhiyo aan Caadi ahayn haddii:

(a) Ra’iisul-wasaaraha isgu yeero;

(b) Afhayeenka Goluhu isugu yeero;

(c) Haddi ay codsi qoraal ku weydiistaan ugu yaraan laba (2) Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

Qodobka 76aad

Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

1. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waa in uu samaystaa xeer-hoosaadkiisa, kaas oo ka-qaybgal buuxa siinaya xubnihiisa.

2. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu isu qaybinayaa guddiyo u kala xilsaaran hawlihiisa.

3. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka marka la horkeeno mashruuc sharci wuxuu u xilsaarayaa guddiga qaabilsan si uu uga soo baarandego talana uga soo jeediyo fadhiga loo dhanyahay ee Golaha.

5. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo guddiyadiisaba waa inay u furan yihiin dhegeysiga dadweynaha iyada oo maanka lagu hayo mabaadi’da guud ee daahfurnaanta dawladda.

Qodobka 77aad

Go’aan-qaadashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

1. Haddii aan dastuurku si kale u sheegin, xubin walba oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ihi waxay yeelaneysaa hal cod.

2. Haddii aan Dastuurku si kale u sheegin, go’aamada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ihi waxay ku ansaxayaan codad aqlabiyad ah marka loo eego tirade guud ee xubnaha aqalka.

Qodoka 78aad

Ka-qaybgalka Wasiirrada ee Fadhiyada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

1. Wasiirradu waxay ka soo qayb-geli karaan fadhiyada, kana hadli karaan, ayaga oo aan cod ku lahayn. Xeer-hoosaadka Golaha Shacbigu wuxuu oggolaan karaa in kalfadhiyada caadiga ah ay wasiirradu, qoraal ama tiraab, kaga jawaabaan su’aalaha xubnaha.

2. Golaha Aqalka Sare ama Guddiyada Golaha waa ay u yeeri karaan Ra’iisul Wasiiraha iyo xubnaha Golaha wasiirada si ay wax uga weydiyaan arriimaha xilkooda la xiriira.

3. Golaha Aqalka Sare ama Guddiyadiisa waa in ay si qoraal ah ugu diraan arrimaha ay ugu yeeranayaan ugu yaraan toddobaad ka hor maalinta ay u muddeeyeen.

Qodoka 79aad

Mudnaanta iyo Xasaanadda Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

1. Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxay leeyihiin mudnaan iyo xasaanad la mid ah tan xubnaha Golaha Shacabka sida ku xusan dastuurkan.

2. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka lama kala diri karo.

MADAXA AFRAAD

HABRAACA SHARCIDEJINTA BARLAMAANKA

Qodobka 80aad

Mashruuc sharci-dejin

1. Si waafaqsan dastuurka, hab raaca sharci dajintu waa hindise sharciyeed qabyo ah oo kusaabsan:

(a) Dib u eegidda iyo soo jeedinta waxkabeddelka Dastuurkan dib ugu noqoshada dastuurkan;

(b) Qoridda iyo soo jeedinta;

(c) Hindise Sharci qabyo oo cusub;

(d) Dib u eegid sharci hore u jiray.

2. Ka doodidda mashruuc sharci oo la xariira wax ka beddelka dastuurkan waxay ka billabanayaa Golaha Shacabka.

3. Ka doodidda sharci kasta oo qabyo ah wuxuu kabilaaban karaa mid kasta oo kamid ah labada aqal ee baarlamaanka fedraalka.

Qodobka 81aad

Curinta sharciyada

1. Mashruuc Sharci oo heer qaran ah, waxaa curin karaa:

(a) Golaha Xukuumadda; ama

(b) Ugu yaraan 10 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, marka laga reebo mashruuc sharci oo la xiriira arrimaha miisaaniyadda sanadlaha ah., oo Golaha xukuumadda keliya curin kara,

Qodobka 82aad

Go’aamo siyaasadeed (Policy Decisions):

1. Sharci Dejintu Labada Aqal ee Baarlamaankuba wey curin karaan

2. Aqalka Dadweynaha oo keliya ayaa leh awoodda diidmada mashruuc sharci

3. In la helo qoddob saamaxa iswaafajin iyo isu soo jiidka labada aqal, haddii aan wax heshiis ihi dhicin

4. Aqalka Dadweynaha oo keliya ayaa mashruuc sharci u diri kara madaxweynaha si uu u ‘saxiixo una faafiyo’.

Hindise sharciyeed sharci dajin oo kabilawday golaha Shacabka

1. Golaha Shacabka marka la horkeeno handise sharci qabyo ah waxaa u furan inuu sameeyo mid kamid ah sida soo socota:

(a) Inuu u ansixiyo sharcigaas sida uu yahay ama inuu ansaxiyo isagoo wax ka badalay, markaa loo diro aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka si uu u ansaxiyo.

(b) In uu diido, kuna wargaliyo aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka isagoo raacinaya sababaha loodiiday.

2. Marka aqalka sare uu soo gaarto sharci qabyo ah oo uu soo ansixiyay golaha shacabka, waxaa u furan mid kamid ah arimaha soo socda:

a. Inuu u ansaxiyo sida Golaha shacabgu ugu soo gudbiyay sharcigaas ka dibna dib ugu diro Golaha Dadweynaha;

b. In ay ku sameeyaan isbeddelo iyagoo sababeynaya isbeddeladaa;

c. Inay diidaan una gudbiyaan golaha shacbiga iyagoo raacinaya sababaha ay u diideen.

3. Marka Golaha Shacabka uu soo gaaro mashruuc sharci oo u soo ansixiyay Aqalka Sare ee

Baarlamaanka Federaalka ihi, waxay u dirayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, uguna soo saaro faafinta rasmiga ah.

4. Marka golaha shacabka uu soo gaarto sharci qabyo ah kaasoo uu soo beddelay aqalka sare waxaa ufuran inuu sameeyo arimaha soo socda nidkood.

a. Inuu ogolaado isbddelkaa lagu sameeyay sharciga qabyada ah, ka dibna u gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu Saxiixo uguna soo saaro faafinta rasmiga ah;

b. Inuu diido isbeddelada la sameeyay uuna ku baal maro go’aanka Aqalka Sare aqlabiyad 2/3 ah marka la eego tirade guud ee xubnaha aqalka, ka dibna uu u diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo uguna soo saaro faafinta rasmiga ah.

5. Marka Aqalka Dadweynaha uu soo gaaro sharci qabyo ah oo uu soo diiday aqalka Sare, Aqalkaasi wuxu samyn karaa arrimahan midkood:

a. Inuu uu aqbalo diidmada, sharcigaana uu faraha ka qaado;

b. In uu ku baal maro diidmaddii aqalka sare aqlabiya 2/3 ah marka la eego tirade guud ee xubnihiisa, ka dibna uu u diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo uguna soo saaro faafinta rasmiga ah.

Qodobka 83aad

Hindise Sharci oo Qabyo ah oo ka kabilowday Aqalka Sare.

1. Markuu aqalka sare soo gaaro hindise sharci oo qabyo ah, waxaa u furan inuu sameeyo mid kamid ah, arimaha soo socda:

(a) Inuu ku ansixiyo sharcigaas sida uu yahay ama isagoo wax kabadalay kadibna u gudbiyo golaha shacbiga si uu u ogolaado;

(b) Inuu diido sharcigaas kuna wargaliyo golaha shacbiga isagoo raacinaya sababaha uu ku diiday.

2. Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, marka uu helo hindise sharci oo qabyo ah, kaasoo aqalka sare ogolaaday, waxaa u furan inuu sameeyo mid kamid ah arimaha soo socda:

a. Inuu u ogolaado sharcigaas sida uu yahay sida uu ugu soo gudbiyay aqalka sare, kadibna uu u gudbiyo Madaxweynaha Dowlada Federaalka si uu ugu ogolaado, u saxiixo looguna soo saaro faafinta rasmiga;

b. Inuu wax kabadalo sharcigaas dibna ugu celiyo aqalka sare isagoo raacinaya sababaha uu wax ugu badalay;

c. Inuu diido dibna uga celiyo aqalka sare, isagoo raacinayo sababaha uu u diiday.

3. Markuu aqalka sare soo gaaro sharci qabyo ah, kaasoo uu wax kabadalay golaha shacabku, waxaa u furan inuu sameeyo mid kamid ah arimaha soo socda:

a. Inuu aqbalo wax kabadalida sharciga qabyada ah, isagoon codayn una gudbiyo madaxweynaha Dowlada federaalka si uu u ogolaado, u saxiixo looguna soo saaro faafinta rasmiga ah;

b. Inuu diido wax kabadalka sharcigaas, kagana gudbo/ku baalmaro go’aanka golaha shacabka cod aqlabiyad ah oo 2/3rd tirade xubnihiisa ah, dibna ugu celiyo Golaha shacabka.

4. Markuu aqalka sare soo gaaro sharci qabyo ay, kaasoo uu diiday golaha shacabku, waxaa u furan inuu sameeyo mid kamid ah arimaha soo socda:

a. Inuu aqbalo ama diido sharcigaas isagoon u codayn, joojiyana sharciga qabyada ah;

b. Inuu kaga gudbo/kubaalmaro diidmada golaha shacabka cod aqlabiya 2/3 tirada xubnaha aqalka ah, dibna ugu celiyo golaha shacabka.

5. Haduu golaha shacabka soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaasoo uu horay wax uga badalay, isbeddeladdii uu hore u sameeyayna uu Aqalka Sare ee Federaalku aqbalay, waa in uu Hindisahaa Sharci u diraa Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxeexo, faafinta rasmiga ahna ugu soo saaro.

6. Haddii Aqalka Dadweynaha uu soo gaaro Hindise Sharci, kaasoo ay hore wax uga beddeleen ama ay hore u diideen, go’aankooda horena uu baal maray Aqalka Sare, Golaha Shacabku wuxuu sameyn karaa arrimahan midkood:

a. In ay ku baal maraan go’aanka Aqalka Sare cod aqlabiyad 2/3 tirada xubnahooda ah, halkaa ayeeyna ku joojin karaan hindisahaa sharci;

b. In ay aqbalaan go’aanka Aqalka Sare, ka dibna Hindisahaa Sharci u gudbiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, faafinta rasmiga ahna ugu soo saaro.

7. Haddii ay ku kala aragti duwanaadaan Hindise Sharci Lbada Aqalk ee Baarlamaanka Federaalka ah marka uu marayo Hindisahaa Sharci heerka lagu qeexay Qaybta 4aad ama 6aad, labada aqal midkood ayaa dalban karaa in la saaro guddi wada jir ah oo labada aqalba ka kooban si laysugu dayo in la xalilo khilaafkaa, loona helo Hindise Sharci oo labada aqalba isla waafaqsan yihiin, iyadoo laga duulayo iskaashiga dawladaha ka dhexeya sida ku cad Qoddobka……

Qodobka 84aad

Faafinta iyo Xafidaadda Sharciyada

Kaydka sharciyadda Dowladda waxaa mas’uul ka’ah xog hayayaasha labada aqal iyo Garyaqaanka Guud ee jamhuuriyada federaalka oo faafinta rasmiga ah kusameynaya.

Qodobka 85aad

Dhaqangelidda Sharciyada

Hindise sharci wuxuu dhaqangalayaa kaddib marka uu maro habraaca sharcidejinta ku xusan qaybtan Madaxwenaha Jamhuuriyadduna saxiixo , laguna soo saaro Faafinta Rasmiga.

Qodobka 86aad

Durid Sharci

1. Sharci maray habraaca ansixinta sharciyada iyo dhaqangeliddaba waxaa lagu duri karaa oo keliya inuu kasoo horjeedo dastuurka.

2. Sharci maray shuruudaha ku xusan faqradda (1) ee qodobkan waxaa duri kara:

(a) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, asagoo isu dhan ama ergo hal Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka oo ka mid ah;

(b) Saddax meelood meel ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka;

(c) Golaha Wasiirada Federaalka;

(d) Muwaaddiin kasta oo danaynaya una diiwaangashan codbiye ahaan 10,000.

3. Duridda sharci waxaa la horgeeyn karaa go’aanna ka gaari karta Makamadda Dastuuriga oo keliya.

4. Haddii Maxkamadda Dastuuriga ay jebiso duriddii sharciga, kharajka ku baxay waxaa bixinaaya dhinicii hindisaha duridda Maxkammadda Dastuuriga hor keentay.

5. Habraaca loo marayo duridda iyo go’aan ka gaarista waa in lagu qeexaa nidaamka garsoorka.

QAYBTA TODOBAAD

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA FEDERAALKA

Qodobka 87aad

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya

1. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya:

a. Waa Madaxa Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya;

b. Waa astaanta midnimada qaranka;

c. Waa ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka.

2. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka wuxuu xilkiisa u gudanaya si waafaqsan Dastuurkan iyo sharciyada kale ee dalka.

Qodobka 88aad

Shuruudaha Doorashada Madaxweynenimada

1. Waxaa loo dooran karaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Muwaaddin kasta oo:

a. Soomaali ah, Muslim ah;

b. Da’adiisu ka yareyn afartan sano;

c. Leh aqoon ama waayo aragnimo u qalanta xilkaas;

d. Dhimirkiisu dhan yahay;

e. Gelin danbi culus oo ay maxkamadi xukuntay.

Qodobka 89aad

Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka

1. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya.

2. Ugu yaraan saddax meelod labo tirada guud ee Gole walba ee Baarlamaanka Federaalka waa inay joogaan u codaynta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka , waxaana guddoominaya afhayeenka Golaha shacabka.

3. Waa in ay musharaxnimadiisa u soo jeediyaan fadhiga labada Gole ee Baarlamaanka ugu yaraan toban 20) xildhibaan Golaha Shacabka ama ugu yaaraan hal (1) Dowlad Goboleed.

4. Xubnaha Golaha Aqalka Sare markii ay u codeynayaan dorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka wuxuu qof kasta leeyahay hal cod.

5. Murashax Madaxweyne kasta waa in uu ku dhawaaqa oggolanshaha musharaxnimada waana in uu soo bandhigaa barnamjkiisa doorashada.

(a) Codeynta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka waa qarsoodi;

(b) Labada Gole ee Barlaamanka Federaalka waxay Madaxweyne u dooranayaa murashaha ku guleeysta seddax meelod laba xubnaha Laba Gole;

(c) Haddii murash ku guuleeysan waayo waxaa codeyn labaad loo qaadayaa afarta murash ee ugu cod badan waxayna ku kala guleeysanayaa seddax meelood laba;

(d) Haddii murashna ku guleeysan waayo codbixinta laabad waxaa codbixin seddaxaad loo qaadayaa laba murashaxiin ee ugu cod badan waxaan Madaxweynenimada ku guleeysanaaya murashaha hela a aqlabiyada tirada guud ee xubnaha Barlaamanka.

Qodobka 90aad

Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka

Awoodaha iyo xilka Madaxweynuhu waxaa ka mid ah:

1. Wuxuu ku dhawaaqaa Xaaladda Degdegga ah iyo Xaalada dagaal, si wafaaqsan sharciga.

2. Wuxuu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.

3. Wuxuu magacaabaya Taliyeyaasha Ciidamada Heer Federaal, markii ay soo jeediyaan

Golaha Wasiirada, shaqadana wuu ka qaadi karaa.

4. Xil ka qaadista Saraakiisha Dowladda Federaalka waxay ku imaanaysaa sidii markii hore lagu magacaabay.

5. Wuxuu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa Xukuumadda Federaalka hadii ay waydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal-dheeri ah (50%+1).

6. Wuxuu xilka ka qaadayaa Wasiirada, Wasiiru-dowlayaasha, iyo Wasiir-ku-xigeenada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.

7. Wuxuu saxiixaa sharciyada uu soo ansixiyo Baarlamaanka Federaalka, si sharci looga dhigo.

8. Wuxuu furaa Golaha Shacabka.

9. Wuxuu la hadlaa fadhiga gaarka ah ee Golaha Shacabka sanadkiiba mar.

10. Wuxuu la hadli karaa Golaha Shacabka mar kasta oo kale.

11. Wuxuu magacaabaa Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga, Maxkamada Sare, iyo Garsooyayaasha kale Heer-Federaal, soo jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib.

12. Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dowladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirada.

13. Wuxuu magacaabaya jagooyinka danjireyaasha iyo qunsuliyadaha guud, markuu Golaha Wasiirada soo jeediyo.

14. Wuxuu qaabilaa diblomaasiyiinta shisheeye iyo wakiilada qunsuliyadaha dalalka shisheeye.

15. Wuxuu gudoonsiiyaa abaalmarinta Xushmada Qaranka (State Honor) markuu Golaha Wasiirada soo jeediyo.

16. Madaxweynaha wuxuu kala diri karaa golaha shacabka marka ay mudadiisa xilka dhamaato si doorasho ay u aadaan.

17. In uu cafis u fidiyo ama ciqaab ka dhimo dembiilayaal marka uu ka talo-qaato Guddiga Adeega Garsoorka.

18. In uu saxiixo heshiisyada caalamiga ah kadib markii Golaha Wasiirada soo jeediyo, Golaha Shacabkuna ansixiyo.

Qodobka 91

Muddada Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka wuxuu xilka haynayaa muddo shan (5) sano oo ka bilaabata maalinta xilka loo dhaariyo.

Qodobka 92aad

Maxkamadeynta iyo Maamus Ka-qaadis Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka

1. Xilka qaadida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa soo jeedinkara Golaha Shacabka marka lagu eedeeyo khiyaano- qaran, xadgudub culus oo dastuuri ah ama kuxad gudub sharciyada kale ee dalka.

2. Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka waxaa golaha hor-keeni kara uguyaraaan saddex dalool hal dalool 1/3 xubnaha Golaha Shacbiga, Maxkamadda Dastuuriga ayaa galaysa dhageysiga eedeyntu inay sal leedahay.

3. Hadii ay go’aamiso maxkamadu inay eedayntu sal leydahay, sedex dalool labo ee labada aqal ee baarlamaanka ayaa madaxweynaha xilka kaqaadaya.

4. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka waxaa laga joojinayaa xilka xafiiska haddii soo-jeedinta sharci ee maxkamadayntiisa ay taageeraan uguyaraan saddex dalool labo xubnaha 2/3 Golaha Shacabka, waxaana xilka la wareegaya Afhayeenka Golaha Shacabka.

Qodobka 93aad

Iscasilaadda Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka

Madaxweynuhu wuxuu u gudbinayaa istiqaaladiisa Barlamaaanka Federaalka, isaga oo marsiinaya Afhayeenka Golaha Shacbiga.

Qodobka 94aad

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka

1. Haddii Madaxweynuhu ka maqan yahay dalka ama caafimaad-darro darteed uusan awoodin inuu guto xilkiisa ama sabab kasta oo kale, Afhayeenka Golaha Shacabka ayaa xilkiisa sii qabanayo ilaa inta uu Madaxweynuhu xilkiisa dib ugu soo noqonayo.

2. Kuxigeenka koowaad ee afhayeenka Baarlamaanka ayaa si kumeelgaar ah uhaynaya Xilka afhayeenka Baarlamaanka.

Qodobka 95aad

Bannaanaanta Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka

1. Haddii uu bannaanaado xafiiska Madaxweyne, waxaa qabanaya xilka Afhayeenka Golaha Shacabka ilaa laga soo dooranayo Madaxweyne cusub muddo aan ka badnayn soddon (30)maalmood gudahood.

2. Haduu Madaxweynaha asiibo xanuun aan ka reysasho lahay mudo kabadan sedex bilood oo ay cadeeyeen qubaro caafimaad waxaa sharciyan banaanaanaya xilka xafiiska Madaxweynaha.

3. Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka beddelaya Madaxweyne mansabkiisi bannaanaaday waxaa loo maraya habraaca doorashada Mdaxweynaha ku xusan Qodobk a 89aad.

4. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka lagu doorto si waafaqsan faqradda (2) ee Qodobkan wuxuu dhamaystiraya muddada xilhaynta ee u harsanayd Madaxweynihii ka horeeyey.

Qodobka 96aad

Dhaarinta Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka

Inta uusan xilka bilaabin, Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka wuxuu Barlaamanka Federaalka hortiisa ku marayaa dhaarta, waxaana dhaarinayaa Gudoomiyaha Maxkamad Sare, dhaartaas oo ah sidan:

Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay inaan xilkeyga ugudanaayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diinta kujirto dhowrana dastuurka qaranka iyo sharuucda kale oo dalka uyaala”.

QAYBTA SIDEEDAAD

LAANTA FULINTA

Qodobka 97aad

Golaha Wasiirada

1. Awoodda fulinta ee Jumhuuriyadda waxaa leh Golaha Wasiirada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman.

2. Golaha Wasiirada waa hay’adda fulinta maamulka ugu sarrayaa ee Dawladda wuxuu ka kooban yahay Ra’iisul Wasaare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen/ku-xigeenno, Wasiiro, Wasiiro Dawlayaal iyo Wasiirro Ku-Xigeenno.

3. Ra’iisul wasaarahu wuxuu magacaabayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeeno, wasiirro, wasiirro Dawlayaal iyo wasiirro ku-xigeeno. Golaha Wasiirada waa ka iman karaan xubin kamid ah Golaha Shacbiga iyo xubin aan ka mid aheyn Golaha Shacbiga.

4. Xil banneeynta jagada Ra’iisul-Wasaaraha oo sababaysa dhicitaanka Golaha Wasiiradda, waxay ku imaan kartaa istqaalad, ka qaadid, xil gudasho la’aan iyo geeri.

Qodobka 98aad

Shuruudaha Xubinnimada Golaha Wasiirada

1. Qofka qabanaaya xilka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Ku-xigeenkiisa:

(a) Waa in aan da’diisu ka yaraan afartan (40) sano;

(b) Waa in Aqoontiisu ka yarayn heer jaamacadeed.

2. Qofka loo magacaabayo Wasiir ama Wasiir Dawlo ama Wasiir-ku-xigeen:

(a) Waa in uu yahay da’diisu ka yaraan soddon (30) sano;

(b) Aqoontiisuna gaarsiisan tahay heer jaamacadeed.

3. Xubnaha Golaha Wasiirada muddada ay xilka hayaan, waxaa ka reeban:

(a) In ay qabtaan xilal kale oo aan ahayn xilka xildhibaannimada Golaha Shacbiga;

(b) In ay qabtaan meherad madaxbannaan, hawl ganacsi, maaliyadeed ama warshadeed oo u gaar ah;

(c) In ay iibsadaan ama ijaartaan hanti dawladeed;

(d) In ay hantidooda ka gadaan ama ka ijaaraan Dawladda.

Qodobka 99aad

Xilalka Golaha Wasiirrada

1. Golaha Wasiirradu waxa uu leeyahay awoodaha soo socda:

(a) Dejinta siyaasadda guud ee Xukuumadda iyo dhaqangelinteeda;

(b) Ogolaanshaha iyo fulinta xeerarka maamulka, si waafaqsan shuruucda;

(c) Diyaarinta hindiso sharciyadeed (draft law) iyo soo-hor-dhigiddooda Golaha Shacbiga;

(d) Diyaarinta miisaaniyad-sannadeedka iyo xisaab-xirkooda;

(e) Dejinta qorshaha guud oo lagu hormarinaayo dalka;

(f) Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka iyo ilaalinta danaha Dawladda;

(g) Magacaabidda iyo xil-ka-qaadidda saraakiisha sare ee Dawladda;

(h) Golaha Wasiiradda waxay soo jeedinayaan magacaabidda/ xil kaqaadidda danjirayaasha, qunsiliyadda guud iyo diblomaasiyiinta.

2. Awoodaha kale ee Dastuurka ama shuruucda lagu siiyey.

Qodobka 100aad

Xilka iyo Awooda Ra’iisul Wasaaraha

1. Awoodaha Ra’iisul Wasaaraha waa

a. Madaxa Xukuumadda;

b. Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha wasiirada;

c. Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirada iyo Barnaamajka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni.

2. In uu qabto hawlaha kale ee loogu loogu xilsaaray dastuurkan ama sharci kale ee waafaqsan dastuurkan iyo qiyamkiisa.

Qodobka 101aad

Ku-Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha

Ku-Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha wuxuu qabtaa xilka Ra’iisul wasaaraha marka uu dalka ka maqan yahay, iyo Xilalka kale uu u igmado Ra’iisul Wasaaraha.

Qodobka 102aad

Xilka Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo Wasiir Dawlaha

1. Wasiir kasta wuxuu si shakhsi ah mas’uul uga yahay hawlaha Wasaaraddiisa.

2. Wasiir ku-xigeen kasta wuxuu qabta xilka wasiirka wasaaraddu u igmado.

3. Wasiiru Dawluhu wuxuu qabtaa xil gaar ah oo uu Ra’iisul Wasaaruhu u xilsaaro.

Qodobka 103aad

Xukuumadda Xil Gaarsiinta

Inta u dhaxaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul Wasaare cusub la dhaarin doono Raisul Wasaarihii hore ee xilka hayay iyo Golihiisa Wasiiradu waxay sii haynayaan xilka waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee dowlada si xilgaarsiin ah.

Qodobka 104aad

Dhaarta

Raisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiiradu markay helaan codka kalsoonida Inta aysan xilkooda bilaabin, waxa lagu dhaarinayaa kalfadhi gaar ah ee Golaha Shacabka, waxaana dhaarinaya . Gudoomiyaha Maxkamadda sare, Dhaarta waa sidatan:

a) Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay inaan xilkeyga ugudanaayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diinta kujirto dhowrana dastuurka qaranka iyo sharuucda kale oo dalka uyaala.

QAYBTA SAGAALAAD

AWOODDA GARSOORKA

Qodobka 105aad

Awoodda Garsoorka Jamhuuriyada Federaalka

1. Awoodda Garsoorka waxaa u xil saran Maxkamadaha.

2. Qaab dhismeedka garsoorka waxaa xeer gaar ah kasoo saaraya baarlamaanka.

Qodobka 106aad

Madaxbannaanida Garsoorka

1. Garsoorku wuxuu ka madax bannaan yahay laamaha dawladda ee Sharci dejinta iyo fulinta marka ay gudanayaan xilkooda. Xubnaha garsoorku waxay u hoggaansamayaan oo keliya sharciga.

2. Garsooraha laguma oogi karo dacwad ciqaab ah ama madani ah oo ka dhalatay fal la xiriira gudashada xilkiisa garsoorenimo.

3. Garsooraha lama baari karo qofnimadiisa ama hoygiisa, haddii aan oggolaansho laga haysan Golaha Adeegga Garsoorka.

Qodobka 107aad

Habka Dacwad Qaadista

1. Dacwad-qaadistu waxay u furan tahay dhegeysiga dadweynaha, hase yeeshee maxkamaduhu waxay go’aansan karaan in dacwadda lagu dhegeysto qol ka xiran dadweynaha sababo la xiriira anshaxa, nabadgelyada qaranka, badbaadinta markhaatiga, iyo haddii dacwaduhu khuseeyaan dhallaan ama kufsi.

2. Go’aan maxkamadeed lama gaari karo hadii aan la siinin dhinacyada fursado isku mid ah oo ay ku soo bandhigaan doodahooda.

3. Go’aan kasta oo maxkamadeed waa inuu ku qotomo sababo sharciyeed.

Qodobka 108aad

Qaabka Maxkamadaha Dalka

Garsoorka dalku wuxuu noqonayaa sadex Heer oo kala ah:

(a) Maxkamada Dastuurka;

(b) Maxkamadaha Heer Federaal; iyo

(c) Maxkamadaha Heerka Dowladaha xubinta ka ah Dowlada Federaalka, waxaana ka dhaxaynaysa Maxkamada ugu saraysa dalka ee Heer Federaal, iyadoo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyaguna yeelanayaan Maxkamad Sare oo iyagu u gaar ah

Qodobka 109aad

Qaabdhismeed Maxkamadaha Qaranka

1. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay yeelaneysaa hal qaabdhismeed oo Maxkamadeed, oo ka koobmaya maxkamadda Dastuurka, iyo maxkamadaha kale ee heer federal iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka.

2. Maxkamad hadii la horgeeyo dacwad oo ay sharci ahaan dacwadaas quseyso Dowladda Fedraalka oo kaliya, maxkamadaasi waa inay u celisaa dacwadaas maxkamad heer federaal ah.

3. Maxkamad hadii la horgeeyo dacwad oo ay sharci ahaan dacwadaas quseyso arin dastuuri ah, maxkamadaasi waxay u celin kartaa dacwadaasi maxkamada Dastuuriga.

4. Gudiga Adeega Garsoorka (The Judical Service Commission)

5. Wax abuurayaa gudiga adeega Garsoorka, wuxuu kakoobmaa 9 (Sagaal) xubnood oo kala ah:

a. Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga;

b. Gudoomiyaha Maxkamada Sare;

c. Xeer ilaaliyaha Guud;

d. Laba xubnood oo aqoon iyo waaya aragnimo uleh sharciga kana mid ah ururka Garyaqaanada Soomaaliya, oo uu soo magacaabo ururka Garyaqaanada mudo dhan afar (4) sano;

e. Gudoomiyaha gudiga xuquuqda bini’aadanka;

f. Golaha Wasiiraddu waxay Madaxweynaha usoo jeedinayaa 3 Qof oo sumcad ku leh bulshadda si uu u magacaabo;

g. Gudiga adeega Garsoorku wuxuu dhexdiisa kadooranayaa Gudoomiye.

h. Xubnaha gudiga adeega garsoorka waxay shaqeynayaan mudo dhan afar (4) sano oo lacusbooneysiin karo hal xili.

i. Sharci ay meel mariyeen gudiga adeega garsoorka oo ku saabsan anshaxmarinta, ayaa qabanaya xubin kasta oo kamid ah gudiga adeega garsoorka.

6. Sida sharci iyo xeer ay soo saareen gudiga adeega garsoorka, waxaa gudiga adeega garsoorka sameyn karaa:

a. Macaabis, anshax marin, badalid xubin kasta oo kamid ah garsoorka heer federal;

b. Go’aan kagaarid mushaarka iyo howl gabka;

c. Go’aan kagaarida xaalada shaqo ee garsoorka.

QAYBTA TOBNAAD

GUDDIYADA MADAXABANNAAN

Qodobka 110aad

Mabaadi’da Guud

1. Guddi Madaxabannaan waa hay’ad ka madax banaan xukuumadda ama xakamayn siyaasaded, Awoodna u leh adeegsiga aqoontooda xirfadeed ee la xiriira hawlahooda u gaarka ah.

2. Guddi madaxabannaan marka uu ku jiro gudashada waajibaadkiisa iyo hawlgalkiisa waa in ay ka muuqataa in uu ku shaqaynayo dareenka dhawrista xuquuqda aadanaha, dimuqoraaddiyad iyo soobandhigid (transprancy).

3. Guddi madaxbannan marna ma hoos imanayo kamna amarqaadanyo qof ama hay’ad awood xukun leh midna.

4. Maaliyadda Guddikasta oo madaxa banaan la siinayaa waxay ahaanaysaa madax gaar ah oo ka tirsan miisaaniyadda qaranka.

Qodobka 111aad

Samaynta Guddiyada Madaxabannaan

1. Dalku wuxuu yeelan doonaa Guddiyo Madaxbanaan oo Heer Federaal iyo Heer Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka Somalia, waajibaadkooda, xilkooda, iyo tiradooda waxaa lagu qeexayaa Xeer gaar ah oo laga ansixiyo labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya.

2. Iyadoo la tixgalinayo duruufaha gaarka ah oo Guddiyadaas loo xilsaaray, xubnaha ka qeybgalayaa waa in lagala tashadaa inay ka qeybqaataan Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka Somaliya.

A. Golaha Adeegga Garsoorka:

Waa inuu jiraa Golaha Adeegga Garsoorka, Golahaasoo kala talinaya Cadaaladda iyo Federaal dowladda arrimaha ku sabaasan cadaaladda maamulka cadaaladda oo ay ka mid tahay qoritaanka, shaqo ka saaridda and ama talaaboyo ka qaadista Xaakimadda.

Golaha Adeegga Garsoorka waa inay madax banaanaataa, dhexdhexaad noqotaa ayna hal dhinac u xaglin una hogaqqansanaataa madax banaanidda cadaladda.

Waa inay guddigu ka koobnaataa xubno aan ka badneyn sagaal ay ka mid yihiin kuwa ugu khibradda badan ee Cadaaladda, xubnaha Wasiiradda ee mas’uul ka ah maaamulka cadaaladda , xubnaha gar-yaqaanadda, Macalamiinta dugsiyadda sharciyadda iyo Xubnaha Ururadda Bulshada ee ku hawlan arrimaha xuquuqda Aadamiga.

Golaha Adeegga Garsoorka waxay lahaanayaan awood, iyo hawlo loo xilsaaray oo ku sheegan Dastuurka iyo Sharciyadda Qaranka.

B. Golaha Xuquuqda Aadamiga:

Waa inuu jiraa Golaha Xuquuqda Aadamiga oo loo xilsaaro:

a. Horumarinta xushmeynta xuquuqdda aadmigga iyo xuquuqda dhaqanka aadmigga;

b. Horumarinta ilaalinta, sameynta iyo adkeynta xuquuqda aadmiga; iyo

c. Baaritaanka iyo qiimeynta hab dhaqanka xuquuqda aadmiga ee Jamhuuriyadda.

C. Golaha Xuquuqdda Aadmiga:

Iyadoo la tixraacayo Dastuurka, Golahu Xuquuqda Aadmiga, wuxuu yeelahanayaa awood uu ku fuliyo hawlahan:

a) Inay baaritaan ku sameeyaan, warbixina ka soo saaraan sida loogu dhaqmayo xuquuqdda aadmiga;

b) Inay si ku habboon xal ugu raadiyaan meelaha lagu xad gudbiay ee xuquuqda aadmiga

c) Inay cilmi baaris ku sameeyaan; iyo

d) Inay cilmi geliyaan dadweynaha iyo saraakiisha xukuumadda heerarka caalamiga ah ee ku saabsan xuquuqdda aadmiga. Awoodaha iyo hawaha dheeraadka ah ee Golaha waa inuu ku dhignaadaa Sharciyadda Xuquuqda Aadmiga. Golaha Xuquuqda Aadmiga waa inuu madax banaanaadaa, waa ineyna hal dhinac u xaglin, waa in lagu wada jiraa waana inaanu ka badnaan sagaal (9) xubnood /qof.

D. Guddiga La dagaalanka Musqmaasuqa (AC):

1. Waa inuu jiraa Guddi la Dagaalanta Musuqmaasuqaq waana in awoodoodu noqotaa inay baaraan eedaha ku saabsan musuqmaasuqa lagu soo oogo qaybaha Dowladda

2. Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa waxay sameyn karaan baaris marka ay rabaan, kuma eka keli ah hawshoodu marka cabasho loo soo gudbiyo.

3. Mas’uuliyadaha Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa waxa ka mid ah:

a) Horumarinta iyo adkeynta tallaabooyinka lagu joojinayo lagulana dagaalamayo

Musuqmaasuqa ee ugu fiican uguna habboon.

b) Horumarinta, fududeynta iyo taageeradda Iskaashiga ee Caalamiga iyo taageeradda farsamadda

c) Horumarinta daacadnimadda, xisaabinta, iyo habsami u maamulka arrimaha dadweynaha iyo hantida dadweynaha.

4. Mas’uulliyadaha Guddiga La Dagaalanka Musqmaasuqa waxa ka mid ah:

a) Ka hortaga, baarista, daabacaadda dacwooyinka musuqmaasuqa;

b) Xayiraadda, qabashada, la wareegga qaadashada iyo celinta faa’iidada fal danbiyeedka;

c) Taageerista iyo hirgelinta sharciyadda iyo tallaabooyinka ku habboon ee lagu joojinayo laguna xukumayo dambiyadda la xiriira musuqmaasuqa.

5. Halka ay gaarsan tahay awoodda Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa waxa ka mid ah arrimaha la xiriira:

a) Musuqmaasuqa qaranka ama dibeddea ee saraakiisha Dowladda (public officials and officials of International Organization);

b) Boobka, sixun u meeleynta iyo leexashada sarkiisha dowladda ee hantida dowladda iyo hantidda xubnaha madaxbanaan;

c) Ku shaqeysashada awoodda;

d) Si xun ugu dhaqanka hawlaha shaqada iyo istaajirinta (illicity enrichment?)

6. Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa waa inuu madax banaanaadaa, dhedhexaad ahaadaa , waa in lagu wada jiraa, waana in aanu ka badan sagaal (9) xubnood (qof).

E. Guddiga Adeega Baarlamaanka:

1. Mudadda bilowga ah ee Aqalka Dadweynaha, waa in labada aqal ee Federaalku sameeyaan Guddiga Adeega Baarlamaanka taasoo shaqeyneysa mudadda Aqalka Dadweynuhu jiro.

2. Guddiga Adeega Baarlamaanku waa inuu ka koobnaadaa:

a) Guddoomiyaha (speaker) Aqalka Dadweynaha oo ah guddoominaya fadhiyada

b) Guddoomiyaha Aqalka Sare oo noqonaya guddoomiye ku-xigeen;

c) Afar xubnood oo lagu soo magacaabay Aqalka Dadweynaha kuwaasoo ay ugu yaraan ka mid yihiin laba haween ah;

d) Laba xubinood laga soo magacaabay Aqalka Dadweynaha kaasoo ay midkood tahay haweenay;

e) Hal xubin oo ay soo magacaabay Aqalka Dadweynaha oo ah shakhsi khabiir ku ah arrimaha dadweynaha hase yeeshee aan ka mid ahayn xubnaha baarlamanka.

3. Xubin ka mid ah Guddiga Hawlaha Baarlamaanka waa inuu baneeyaa xafiiska:

a) Marka ay dhamaato mudadda Aqalka Dadweynahu

b) Haddii xubintaasi ay ka mid ahayd Baarlamanka Federaalka ayna dhamaato xubinnimadiisii baarlamaanku; ama

c) Hadii ay xubin la magacaabay; magacaabistii kala noqodaan Aqalka Dadweynuhu

4. Guddiga Hwalaha Baarlamanku waa inuu mas’uul ka noqdaa:

a) Khidmadaha iyo fududeynta si loo hubiyo wanaaga iyo hawgalka fiican ee Baarlamaanka Federaalka;

b) Abuuris xafiisyadda ee hawlaha baarlamaanka iyo magacaabidda iyo kor ka maamulka masuuliyiinta xafiisyada;

c) Diyaarintqa qiyaasta kharashyadda hawlaha baarlamanka ee sannadkiiba hal mar iyo u gudbintooda Aqalka Dadweynaha si ay u ansixiyaan iyo inay xisaabin lagu sameeyo hawalha maaliyadda;

d) Inay sameeyaan hawlaha kale ee loo baahdo kuwaasoo lalgu daryeelayo xubinaha shaqaalaha ee baarlamaanka federaalaka kuna cad sharciga federaalka ah.

5. Marka laga helo ansixin Aqalka ay khuseyso, Guddiga Hawlaha Baarlamaanku waa inay u magacaabaan karaani aqalka kasta oo qah baarlamanka federaalka . Xafiisyaddaq karaaniinta iyo xafiisyadda xubinaha shaqaalaha ee karaaniinta waa inuu noqdaa xafiisyo hawlaha baaarlamaanka.

F. Guudiga Xuduudaha iyo Federaalka:

1. Waa inay jiraan Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka si ay u taageeraan isbeddeladda deegaanadda ee Soomaaliya una noqdaan xukuumaddo federal ah oo xoogan.

2. Guddiyadda Xuduudaha iyo Federaalka waxa dejin kara khubaro ka mid ah qaranka ama khubaro ka socda dibedda, iyadoo la sameeyo daraasad, in la sameeyo lana daabaco jadwalada iyo iyadoo la sameeyo baaritaan lagu taageerayo abuurista xukuumaddo wax ku ool ah.

3. Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka waa inay tixgeliyaan tirooyinka dadk, warbixinta cilmiga sawiradda dhulka iyo siyaasadda, dhaqaalaha iyo qaabka bulshada kuwaasoo ay taallooyin ahaan ugu soo jeediyaan baarlamanka fedeeraalka jeexista xuduudaha ee xukuumaddaha federaalka;

4. Guddigu waa inay madax banana tahay, dhexdhexaad tahahy, meteshaa qaybaha deeggaandda Soomaaliya oo dhan.

5. Qoondeynta kama dambeynta ah ee xuduudaha, xuduudah Xukuumaddaha Federaalka waa inay sameyaa baarlamanka federaalka , waana inuu ku saleyaa tallooyinka Guddiga Xuduuddaha Federaalka.

G. Guddiga Isku Xirka Xukuumaddaha:

1. Waa in sharci federaal ah lagu sameeyaa Guddi isku xirtaq xukuumaddaha

2. Guddiga isku xirka xukuumaddaha “ waa inay lahaadaan awoodaha federaalka baarlamaanka uu u arko daruuri sida:

a) Fududeynta is-kaashi iyo isla-xiriirka dowladda federaalka iyo xubinaha xukuumadaha federaalka dhexdooda iyo

b) Xalilinta wixii khilaafaad ku saabsan maamul ama siyaasadda ee awoodooda hoos yimaadda kuwaasoo soo kala dhexgeli kara dowladda federaalka iyo xub ama in ka badan dowladdaqha xukuumadaha federaalka ama xubnaha xukuumaddaha federaalka dhexdooda.

3. Guddiga Isku Xirkaq Xukuumaddaha waa inay ka koobnaataa xubnno uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaaruhu oo markay ugu yartahay la tiro ah xubnaha laga soo magacaaabay dowladda federaalka ee xubnaha xukuumadaha.

H. Guddiga Madax Banaan ee Doorashooyinka (IEC):

1. Waa in la dhisaa Gudddi Madaxbanaan ee Doorashooyinka taasoo loo tixraacayo dastuurka. Guddiga waa inay guddigu ka madax banaanaadaan maamulka sare waana inay maamushaan maaliyadooda u gaarka ah. Guddiga waa in ahaataa mid loo dhan yahay, waana inay noqotaa dhexdhexaad waana inayna ka badnaan tiro sagaal xubnood ah.

2. Masuuliyaddaha Guddiga Doorashooyinka waxa ka mid ah:

a) Inay maamulaan doorashooyinka madaxweynaha

b) Inay maamulaan dooorashooyinka federaalka

c) Inay si joogta ah u diiwaan geliyaancod-bixiyayaasha dib u eegisna ku sameeyaan xaashiyaha cod-bixiyayaasha

d) Inay diiwaan geliyaan musharaxiinta doorashooyinka

e) Qeexidda deegaanadda iyo jahooyinka

f) Sharciyeynta habka xisbiyadda siyaasadda

g) Xalilinta khilaafyadda doorashooyinka

h) Fududeynta kor-joogista, ilaalinta iyo qiimeynta doorashooyinka

i) Sharciyeynta lacagaha ay isticmaalaan musharaxiinta ama xisbi marka ay doorasho jirto

j) Sameynta hab asluubeedka musharaxiinta iyo xisbiyadda doorashooyinka

k) Ilaalinta in lagu dhaqmo sharciyadda magacaabista musharaxiinta ee xisbiyadda siyaasadeed

l) Waci gelinta cod-bixiyayaasha

3. Baarlamaanka Federaaalka waa inuu sameeyaa Guddi Madaxbanaan ee Doorashooyinka iyo sharciyadda loo baahan yahay inay taageeraan iyagoo siinaya ahmiyadda kowaad

I. Guddiga Amaanka ee Qaranka:

1. Guddi Amaanka ee Qaranka waa in lagu sameeyaa sharci federaal ah. Guddiga Amaanku ee Qarabja waa inay ka koobnaataa khubarro ka tirsan amaanka ee qaybaha oo dhan.

2. Mas’uuliyadaha Guddiga Amaanka ee Qaranku waa inuu noqdaa:

a) Inay darsaan oo ay sameeyaan hab isku xiran oo ah hawlwadeen shaqo kaasoo aabaaraya baahidda waqtiga la joogo iyo mustaqbalkaba ay Soomaaliya u qabto dib u eegista iyo ku dhaqanka baarlamanka federaalka;

b) Inay so bandhigaan tallooyin lagu hubsanayo in nabad geliyadda dadka la siiyo ahmiyadda kowaad iyo in la isku daro habaka shaqo ee Amaanka Qaranka;

c) In la sameeyo hab-shaqo oo dadweynaha amaanka ku ilaaliyaan; iyo

a) Ilaalinta amaanka ee la xiriira kharaqja;

b) In la raadiyo bogsiintga gaboodfalka ay geystaan shaqaalaha amaanku.

3. Ahmiyadda ugu horeysa waa inay ka koobnaataa:

a) Burcad Badeedda;

b) Ka saaridda ciidan ee kooxaha hubeysan iyo ku bulsho ku- darkooda taasoo ay ka mid tahay in la siiyo tababaro xirfadeed iyo diyaarin waxyaalaha lagu taageerayo iyo la-tallinta dhinaca cilmiga maanka/nafisiga;

a) Sharci dhowridda

b) In la hubsado in shicibku xakameeyo ciidamadda hubeysan

4. Guddi Hooseedka Ilaalinta ee Bulshada

a) Guddigu waa inuu sameeyaa Guddi Hooseed Ilaalinta ee Bulshada. Guddi hooseedku wuxuu ka koobnaanaadaa khubarradda ammaanka, xubnaha baarlamaanka, aqoonyahanno iyo wakiilo ka socda ururadda bulshada kuawaasoo qayb kasta Bulshada Soomaaliyeed

b) Mas’uuliyadaha Guddi hooseedka waa:

i) Inay soo bandhigaan tallooyin lagu hubsanayo in ahmiyadda kowaad la siiyo

amaanka dadka iyo in lagu daro nidaamka shaqada ee ammaanka qaranka;

ii) Sameyn habo-shaqo kaasoo ay dadweynaha siiyo ilaalin guudl

iii) Ilaalinta amaanka la xiriira kharajka;

iv) Il la helo daaweynta gaboodfalka ay sameeyaa shaqaalaha amaanku

J. Guddigga Is-cafiska iyo Dib u-heshiisiinta:

Waa in la sameeyaa Guddiga Is-cafiska iyo dib-u heshiisiinta si loo helo qaran bogsoon, heshiisya oo mideysan si loo hubsado in arrimaha xumaha laxiiriira, aargoosiga iyo kuwa kale ee colaaddaabuura in xal loo helo iyadoo la raacayo hab dowladeed oo sharciyeysan.

Guddigu waa inuu madax banaaanaadaa, dhexdhexaad noqdaa waa inay ku jiraan wakiiladda ay ka mid yihiin odayo dghaqameedku, iyo hogaamiyayaasha, xubnaha baarlamaanka, xubnaha ururadda bulshada ee la ixtiraamo, xaakinadda iyo shaqaalaha amaanka.

Mas’uuliyadaha Guddiga waxa ka mid ah:

a) Inay keenaan markhaatiyaal, qoraal iyo in dacwooyinka qaarkood ay cafis u fidiyaan dembiilayaashas, kuwaasoo la xiriira meel ka dhaca xuquuqda aadmiga iyo toosin iyo hagaajinta dembigalayaasha

b) Hirgelinta is-cafiska, dib u heshiisiinta iyo mideynta qaranka. Qodobka 137A. Gardoonka/Ilaaliyaha Dadweynaha:

1. Dastuurka ayaa dhisaya xafiiska Gardoonka Dadweynaha.

2. Gardoonka Dadweynuhu wuxuu u dhaqmaa sida uu qabo Dastuurkan iyo sharciga oo keliya.

a. Waa in xubin ka tirsan Golaha Wasiirrada, Sharcidejinta ama qof kale aanu Adeegaha Gardoonka Dadweynaha ku faragelin hawsha xafiiskaa;

b. Waax kasta oo ka tirsan Dowladda waa in ay Gardoonka Dadweynaha ku siisaa gacan-qabashada uu ugu baahan yahay ilaalinta madax-bannaanida, sharafta iyo wax-ku-oolnimada Gardoonka Dadweynaha.

3. Isaga oo ku dhaqmaya talada Golaha Adeegga Garsoorka, Madaxweynuhu waa in uu magacaabaa Adeegaha Gardoonka Dadweynaha.

a. Golaha Adeegga Dadweynaha waxaa uu ku talo-bixin karaa in Adeegaha Gardoonka Dadweynaha loo magacaabo oo keliya qof u qalma in loo magacaabo garsoore Maxkamadda Dastuur. Sare si waafaqsan Faqradaha 120(3) iyo 124(1) (ee ku saabsan shuruudaha garsooraha Maxkamadda Sare).

b. Adeegaha Gardoonka Dadweynaha waxaa uu shaqeynayaa muddo xilli toddoba sano ah, wuxuuna ku shaqeynayaa dhinaca shaqo ka fariisinta shuruuddo iyo nidaam la mid ah kan Garsooraha shaqada lagaga qaado ama fariisiyo oo mar keliya ah, taas oo ah mid la mid ah muddo xileedka xubin ka tirsan Maxkamadda Sare, sida lagu xusey Faqradahaa 125(2),(3),(4) iyo (5)(ee ku saabsan sababaha iyo habraacyada loo maro xil-ka-qaadista garsoore). 4. Faqradda (5) dhexdeeda, ereyga “Sarkaal” waxaa soo hoos gelaya sarkaal la soo doortey ama la magacaabey ama qof u shaqeeya hay’ad federaal, dowlad-goboleed iyo Dowlad Hoose, sarkaal ka tirsan ganacsi ay leedahay ama maamusho ama gacanta ugu jira Dowladda, oo ay Dowladdu wax weyn ku leedahay, ama sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca ama booliska, laakiin sooma hoos gelayo Garsoore Maxkamadda Dastuuriga ah, Maxkamadda Sare ama Maxkamad Sare, ama sarkiilkii kaleba intiiba ay cabashadu la xiriirto ka-soo-dhalaalidda hawl garsoor.

5. Adeegaha Gardoorka Dadweynaha waa in uu:

a. Baaraa cabashooyinka ku saabsan eedeyn ama xadgudub muuqda oo loo geysto xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah, ku-xadgudub awoodeed, hab-dhaqan caddaalad-darro, naxariis-darro, u-turid la’aan ama edeb-darro/ixtiraam la’aan ah oo qof deggan Soomaaliya uu kula kaco sarkaal Dowladda uga shaqeeya heerarkeeda kala duwan, hab-dhaqan uu ka muuqdo caddaalad darro, ama musuq-maasuq ama hab-dhaqanka sarkaalkaasi sameeyo oo bulsho dimuqraaddi ah ay si habboon ugu aragto in uu yahay mid sharci-darro, dulmi ama xaq-darro ah;

b. Baaro cabashooyinka la xiriira hawlaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda, hay’adaha maamulka ee Dowladda, iyo ciidamada difaaca iyo booliska intiiba ay cabashadaasi la xiriirto in lagu guuldarreystey in si miisaaman loo qaabeeyo adeegyadaas ama in dhammaan dadku ay si simman shaqaale loogu qoro adeegyadaas ama si xaq ah loo maamulo adeegyadaas;

c. Uu qaado tallaabo habboon oo uu ku baaqo daaweynta, sixidda ama beddelidda arrimaha lagu sheegey Faqradihii soo hormarey iyada oo loo marayo habab caddaalad ah sax oo ku habboon, oo ay ku jiraan laakiin aan ku koobneyn:

i. wada-hadal iyo wax isu-oggolaasho dhex mara dhinacyada ay khuseyso;

ii. ka warbixinta cabashada iyo waxyaabaha uu Adeegaha Gardoonka Dadweynaha ka ogaadey arrinta una gudbiyo madaxda qofka dembiga geystey;

iii. in uu arrinta u gudbiyo dacwad-oogaha guud;

iv. in uu arrinta hor keeno maxkamad xarraantinimeysa hab-dhaqan aan habbooneyn ee sarkaal;

v. ama in arrin looga shakisan yahay musuqmaasuq uu u soo gudbiyo dacwad-oogaha guud.

6. Dacwad-oogaha Guud waa in uu sanad kasta warbixin u soo gudbiyaa Golaha Shacbiga, Aqalka SareDowlad-goboleedyada, iyo guud ahaan dadweynaha.

Qodobka 112aad

Magacaabidda Guddiyada Heer Federaal

Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya Golaha Wasiirrada magacyada Guddiga. Haddii Golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) Haddii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro.

Qodobka 113aad

Shuruucda Guddiyada Madaxabannaan

Shuruucda la xiriirta Guddiyada Madaxbanaan waxaa lagu soo saari doonaa Xeer gaar ah oo ay soo saaraan golaha shacabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qodobka 114aad

Xafiisyadda Madaxabannaan

1. Waxaa jiri doona Hey’ado madaxbanaan oo ay yeelanayaan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, sida Garyaqaanka Guud, Hanti-dhowrka Guud, iyo Bangiga Dhexe oo noqonaya Heer Federaal ah.

QAYBTA KOW IYO TOBNAAD

SHAQAALAHA RAYIDKA EE DAWLADDA

Qodobka 115aad

Qiyamka Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah

Shaqada rayidka ee heeraraka kala duwan ee xukuumadda waa amaano ummadda loogu adeego waana in ay ku saleeysnaataa qiyamka dastuurka, naxariis, daahfurnaan, u-adeegga bulshada iyo dhawrista ku kala dambeynta darajooyinka maamul, dhegonugayl, sirxajin asluub-wanaag shaqo, howlkarnimo waxa-ku-ool ah, mihnadyahannimo, dhawrista mabaadii’da caadaaladda, sinnaan iyo habka xilgudashada ugu habboon.

Qodobka 116aad

Ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah

1. Shaqaalaha rayidka ah lagulama kicikaro:

a) Bahdilid (victimized) waajibaadkooda shaqo ay gudanayaan awgood.

b) Laguma sameynkaro xilkaqaadid, lagama wareejinkaro xafiiska, darajadooda hoos looma dhihi karo, inay jirti sabab maangal ah oo sharci kudhisan.

Qodobka 117aad

Magacaabista Saraakiisha Darajooyinka Sare

Hawlwadeennada iyo Saraakiisaha darajooyinka sare ee Dawladda uu sharcigu tilmaamo waxaa magacaabaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka, ka dib markuu arko soo jeedinta Golaha Wasiirada.

Qodobka 118aad

Hawlwadeennada iyo Shaqaalaha Dawladda

1. Hawlwadeennada iyo Shaqaalaha Dawladdu waxay xilkooda u gudanayaan si waafaqsan sharciga iyo danta guud oo keliya.

2. Hawlwadeennada iyo shaqaalaha Dawladdu kama mid noqon karaan hoggaamiyayaalka xisbiyada.

3. Waa in Sharci lagu xaddidaa qaybaha shaqaalaha Dawladda ee ka reebban in ay xubno ka noqdaan axsaab siyaasadeed iyo hawlaha aan la socon Karin xilalka ay hayaan.

4. Xaaladda qaanuun ee shaqaalaha Dawladda waxaa nidaaminaya sharciga.

5. Shaqada joogtada ah ee Dawladda, waxaa looga mid noqon karaa tartan furan oo keliya,

marka laga reebo xaaladaha sharcigu tilmaamay.

Qodobka 119aad

Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah

1. Xukuumadda federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalkayadu waxay shaqaalasanayaan hawl-wadeennadooda.

2. Waxaa jiraya Shaqaalaha Dowladda ee Rayidka ah ee Heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubinta ka ah DowladdaFederaalka, waxaana lasoo saarayaa xeer nidaaminaya oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee shaqaalaha oo ay soorayaan golaha shacabka ee federaalka iyo golaha sharci dejinta ee dawladaha xubanaha ka ah federaalka.

3. Dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah waxay iska kaashanayaan ka-wada- faa’ideysiga hawl-wadeennada heerarka kala duwan, si loo xaqiijiyo khibradda iyo waayo’aragnimadu in ay noqdaan mid laga heli karo heer kasta oo looga baahan yahay, iyada oo taasna lagu horumarinaayo midnimada qaranka.

4. Shaqaalaha rayidka ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waa inay kamuuqataa dheelitirnaan dadka wadadegan.

QAYBTA LABA IYO TOBNAAD

DOWLADAHA XUBINTA KA AH DOWLADDA FEDERAALKAYADA

Qodobka 120

Hay’adaha Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka

Dhismaha laamaha sharcdejinta iyo fulinta ee maamulada Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka waa arrimolagu nidaaminayo Dastuurrada maamul-goboleedyada oo lagu ansixiyo.

Qodobka 121aad

Mabaadi’da Dastuurrada

1. Mabda’iyan waa in la iswaafajiyaa Dastuurka Dowladda Federaalka Somaliya iyo Dastuurada Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

QAYBTA SADDEX IYO TABNAAD

MAALIYADDA GUUD

Qodobka 122aad

Mabaadi’da Maaliyadda Guud

1. Mabaadi’da Guud ee Maaliyadda waxaa kawada xaajoon doona Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ah Dowladda Federaalka si waafaqsan qaab Dastuuri ah.

Qodobka 123aad

Bangiga Dhexe ee Federaalka

1. Sharci baarlammaanka Federaalku ansixiyay ayaa lagu dhisiyaa Bangiga dhexe ee Federaalka ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

2. Bangiga dhexe ee Federaalka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa masuul ka ah dejinta iyo hirgelinta siyaasadda maaliyadda iyo lacagta bangiyada oo dhammina waxay u hoggaansmaaan xer-nidaamiyayaasha uu dhejiyo bangiga federaalka

3. Xilaalka ugu mudan hawlaha Bangiga Federaalka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waxa weeye:

(a) soo saaridda lacagta;

(b) hubinta negaanshaha ascaarta;

(c) negaanshaha herka sarrifka; iyo

(d) nidaam bangi oo maangal ah.

4. Siyaasadda maaliyaddu waa inay ku tiirsanaato dhaq-dhaqaaqa suuqa ee aan go’aanno maamul saldhig looga dhigin amah-bixinta;

5. Bangiga Dhexe ee Federaalka ee Jamhuuriyada Federaalka Federaalka Soomaaliya wuxuu leeyahay awood madaxbannaan oo dhammaystiran oo uu ku guto siyaasadda lacagta.

6. Bangiga Dhexe ee Federaalka waa Bangiga Keydka Qaranka.

Qodobka 124aad

Sharcidejinta Federaalka ee Arrimaha Maaliyadda

1. Sharci Baarlammaanka Federaalku ansixiyo ayaa qeexaya heykal maamul-maaliyadeed oo astaamihiisu ay ka mid yihiin:

(a) Habka loo soo bandhigo miisaaniyadda Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalkada iyo Jadwalka habraaca miisaaniyad-samaynta Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalkayada iyo degmooyinka kaasoo ay thay inuu ahaado mid daahfuran, la xissabtan leh, wax ku oolna ah.

(b) In dawladda Federaalku uu damaanad-qaad siisyo deymaha ay weydiistaan Dawlada Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalkayada;

(c) Habraaca Dawladdu u marayso Qandaraasyada Guud;

(d) Baarista xisaabaadka hay’adaha aan xukuumiga ahayn ee dawladda dhaqaale ka hela.

(e) Tallabooyinka guud e lagama maarmaanka u ah dhaqangelinta cutubkan

Qodobka 125aad

Kaydka Qaranka

1. Sharci uu ansixyo Baarlamaanka Federaalku waa in lagu dhiso hay’ad Qaran oo u adeegta kayd qaran ahaaan isla sharcigaasuna dejiyo hannaan sugan oo lagu hubin karo xalaalnimada dakhli xeraynta iyo kharash bixinta heer kasta ee hay’adha Jamhuuriyada Federaalka. Isla sharcigaasu waa inuu ku salaysnaado nidaam xisaabtan adduun ahaan la tijaabiyay lana aqoonsanyahay oo leh halbeegyo la xariira kaydinta iyo khrajbixinta maaliyadda oo si iskumid uga dhaqangala meel wlaba oo Jamhuuriyada Federaalka ka mid ah.

2. Hay’adda Kaydka Qaranku waa inuu hubiyo u hoggaansanaanta mabada’a ku xusan farqadda (1), waaa inay ka joojiso xawilladaha lacageed qayb kasta oo dawladda ka mid ah oo xadgubyo culus geysata ama si isdabajoog ah u garab marta sharciga Kayda Qaranka.

QAYBTA AFFAR IYO TABNAAD

NABADDA IYO AMNIGA

Qodobka126aad

Suggidda Amniga Jamhuuriyada Federaalka

1. Xukuumadda Federaalku waxay damaanad-qaadaysaa nabadda, gobannimada iyo ammaanka qaranka ee Jamhuuriyada Federaalka Somaliya iyo bedbaadinta shacbigeeda, iyadoo la adeegsanaayo loo marayo adeegyada cidammada amniga oo ka koobma: ay ku jiraan:

a) Ciidanka xoogga dalka;

b) Nabasugidda;

c) Ciidanka booliska;

d) Ciidamada Asluubta.

2. Adeegysiga ciidamada amniga waxaa lagu suggaya sharciga loo dejiyey.

3. Ciidammada qalabka sida ee Jamhuuriyada Federaalka waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta gobannimada iyo madaxbannaanida Qaranka iyo difaaca midnimada dhuleed.

4. Booliska Federaalka xilkiisu waa ilaalinta nolosha muwaaddiniinta iyo dadka kale ee deggan Jamhuuriyada Federaalka Somaliya. Waxaa kale oo uu ilaalinayaa ammaanka iyo nabadgelinta hantida muwaddiniinta iyo degganeyaasha.

5. Ciidanka booliska ee lagu abuuray sharciyada Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalkayada xilkiisu waa ilaalinta nolosha iyo hantida muwaaddiniinta iyo dhawrista xasilloonida iyo ammaanka degaannadooda iyagoo kaligood ah ama kaashanaya ciidammada booliska.

6. Hay’adaha amniga qaranka oo ah kuwa hubka sita waxaa kormeeraya oo koontaroolaya hay’adaha rayid ah.

Qodobka 127aad

Mabaadi’id Ciidamada Amniga

1. Waa in ay Ciidammada Amniga dhawraan mabaadi’da soo socota:

(a) Mihnadda ciidannimo, anshax-wanaag iyo waddaniyad;

(b) Dhawrista Talinta Sharciga, hay’adaha dimoqoraaddiga ah iyo xuquuqda asaasiga;

(c) U-heellanaanta ilaalinta Dastuurka;

(d) Furfurnaan iyo oggolaansho laxisaabtan;

(e) Dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed; iyo

(f) Xubnaha ciidanka waa in lagu tababara dhaqan gelinta Dasturkan, sharciyada dalka iyo heshiisyada caalamiga ee Jamhuriyada ay qeyb ka tahay

2. Muwaadin kasta oo Soomali waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato jagooyinka iyo jaranjarooyinka darajo ee Ciidammada iyadaoo aan la takooreyn, iyadoo la ilaalinaaya xuquuda haweenka.

Qodobka 128aad

Ku-tagrifalidda Awoodeed

Gaboodfallada xuquuqda aadanaha ee la tuhunsan yahay in ay xubno ka tirsan Ciidammada Amniga inay dad rayid ah ka galeen waa in dacwadooda lagu qaadaa Maxkamadaha rayidka ah,

Qodobka 129aad

Hay’adda Gardoonka

(Ombudsman)

1. Dastuurkan wuxuu dhisayaa xafiiska Gardoonka (Ombudsman) waa Hay’add ay dadweynuhu u geysan karaan cabashooyinkooda ku saabsan xadgudubyada xubno ka tirsan maamulka dowladda.

2. Hay’adda Gardoonku waxay baaritaan iskeed u bilaabi kartaa haddii ay jiraan tuhummo la xariira xadugubyo ay ciidammadu u geysteen qof amd koox ka mid ah bulshada, haddii ay qanacdo inu jiro faldembiyeedna waxa ka oogi karta dacwad maxkamadda ku habboon.

3. Sharci gaar ah ayaa xaddiidi doona awoodaha iyo waajibaadka Hey’adda Gardoonka

Qodobka 130aad

Sharciga Hay’adaha Amaanka

1. Labada aqal ee Baarlamaanka ayaa soo saaraya xeer maamulaya qaab dhismeedka, shaqada iyo heerarkooda (Stands) hay’daha amaanka ee Jamhuuriyada Federaalka.

Qodoboda 131 – 198

Dib ayaa loo dhigey (reserved)

CUTUBKA 15

QODDOBADA KAMA DAMBYSTA AH IYO KUWA KUMEEL GAARKA AH

CIWAANKA KOWAAD

WAXKA BADALKA DASTUURKA

Article 199. Qoddobada ku dabaqma wax ka badalka dastuurka ee lasoo jeediyay dhammadka xilliga koowaad ee Baarlamanka Federaalka

(1). Marka laga soo tago faqradda (2), ka hor ama ka damba inta aanu dhammaan muddo xileedka kowaad ee Baarlamanka Federaalka, MidkoodnaLabada aqal ee Baarlamaanka ma soo jeedin karo wax ka beddelka Mabaadi’da aasaasiga ah ee ku xusan cutubka 1aad ee dasturkan,

(2). Iyadoo shardi ahaan la eegayo Qoddobka 1aad, isla markaana laga reebayo wixii isbeddel ah ee lagu sameynayo xuduudaha maamul goboleedyada marka la eego s cutubka 7, Aqal ka mid ah Baarlamaanka Federaalku waxaa uu soo jeedin karaa wax ka beddelka dastuurka habka ee ku sugan qodob hoosaadyada iyadoo la raacayo nidaamka ay dhigayaan farcyada qoddobada(3) ilaa (9).

(3). Dawladda Federaalka ama tan gobolada, xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka ama codsi ay saxeexeen ugu yaraan 440,000 oo muwaadiniin ah ayaa lagu bilaabi karaa habraaca wax ka beddelka .

(4). Cidda dabada ka riixaysa wax ka beddelka Dastuurka hab waafaqsan qodob hoosaadka (2) waxay soo jeedin kartaa nooca wax ka beddelka ay rabaan iyaga oo hor keenaya mid ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

(5). Hadii badiba xunbaha aqalka wax ka beddelka la soo jeediyay ee dastuurka la horkeenaya ay aqbalaan wax ka beddelkaas marka koowaad ama marka xigta ee ay akhriyaan, gudoomiyaha aqalka shacabka iyo aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka ee Soomaalia waxay magacaabayaan guddi wadajir ah oo ka kooban labada aqal.

(6). Guddiga wadajirka ah ee lagu magacaabay hab waafaqsan qodob hoosaadka (5) waxay --

(a). dibu eegis ku samayn doonaan soo jeedinta ku saabsan wax ka beddelka;

(b). dadka ku wargalin doonaan soo jeedinta ;

(c). hubin doonaan in ay jirto fursad dad wayne oo ku filan in lagaga doodo;

(d). in lala tashado xubnaha dadwaynaha;

(e). hubin doonaan in xubnaha dadwaynuhu helaan fursad ku filan oo ay ugu soo bandhigi karaan faalooyinkooda iyo soo jeedinahooda guddiga wadajirka ah; iyo

(f). in la hawl galiyo sharcidejinta maamul Goboleedyada iyo in lagu daro wixii maamul Goboleedyadu soo gudbiyeen oo la is waafajiyay soo jeedinta wax ka badalka , goorta arrini taabanayso danaha gobolka .

(7). Laba bilood gudahood markii la magacaabay, guddiga wadajirka ahi waxay warbixin u gudbin doonaan midkasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka.

(8). Baarlamaanka Federaalku waxaa uu aqbalayaa wax ka beddelka la so jeediyay kaliya intii lagu ansixiyay cod kama danbaysa ka dib codkaasoo ay u qaadeen ugu yaraan sadex meelood laba meelood xubnaha jira aqalka shacabka, iyo cod kama dambays ah oo ay u qaadeen sadex meelood laba meelood xubnaha jira ee aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka.

(9). Aqalka Baarlamaan, waxa uu cod kama dambays ah u qaadi karaa sadex bilood iyo kabadan marka ay ka soo wareegto warbixinta Guddiga wadajirka ah sida uu dhigayo qodob-hoosaadka (7).

(10). Haddii barlamaanku ansixiyo hal iyo ka badan oo waxka badalada la soo jeediyay ah hab waafaqsan qodobka iyo qodobka 203 ee khuseeya dibu eegista dastuurka kama dambaynta ah, waxa loo qaadi doonaa afti dastuurka wax ka badalka lagu sameeyey.

Qodobka 200aad- Qoddobada ku dabaqma wax ka badalka dastuurka ku meel gaarka ah (Jawalka kowaad (A), ama sharci lagu xusay jadwalka kowaad (B) ee dastuurkan kahor inta aanay dhammaan xilliga koowaad ee Barlaamanka Federaalka: Guddida la socodka/kormeerka

(1).Qodobkan iyo Qodobka 201––

'Guddiga lasocodka’ waxaa loola jeedaa Guddiga ku meel gaarka ah ee dib u eegista iyo lasocodka hirgalinta dastuurka .

'Guddiga dibueegista iyo Hirgalinta' waxaa loola jeedaa Guddiga Madaxabannaan ee dibueegista iyo Hirgalinta Dastuurka ku meel gaarka ah

(2). Dastuurkani waxaa uu abuurayaa Guddi Lasocod kaasi oo ah Guddi katirsan Baarlamaanka Federaalka.

(a) Aqal kasta oo Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ka tirsan waxaa uu u dooranayaa shan ka mid ah xubnihiisu in ay ka qayb noqdaan xubnaha Guddiga Lasocodka. Intaa waxaa dheer, maamul kasta oo jira qaybna ka ah jamhuuriyadda federalka ee somaliya kaasoo u qalma in uu noqdo muul ka mid ah federaal marka la fiiriyo dastuurka somaliya waxa uu soo magacaabi doonaa hal ergay oo ka socda maamulka kaasoo xubin ka noqonaya gudida lasocodka

(b). Guddiga Lasocodku waxay la socon doonaan tilmaami doontaa ansixinna doontaa hawlaha Guddiga dib ueegista iyo Hirgalinta, iyo, guud ahaan hirgalinta Dastuurka.

(3). Xubnaha Guddiga lasocodku waxay dooran doonaan guddoomiyahooda iyaga oo ka dooranaya xubnaha Guddiga lasocodka.

(4). Muddo aan ka badnayn bil markii Guddiga la socodku ay doorteen Guddoomiyahooda, Guddiga Lasocodku waxay ku samaysan doonaan cod aqlabiyad ah xeerarka ay ku shaqaynayaan.

(5). Guddiga Lasocodka/Kormeerka waxaa uu muddo ka dibba, uu Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgelinta u xilsaarayaa mashruuc qoris shuruuc oo ku saleysan baahiyaha Jadwalka Koowaad (A) iyo Koowaad (B) iyo wixii kale ee baahiyo ah ee loo arko lagama maarmaan iyada oo la raacayo natiijada ka soo baxda ansaxinta ku-meelgaarka ah e Golaha Ansixinta Dastuurka ah ee Qaran sida uu dhigayo Borotokoolka Dhisaya Golaha Ansixinta Qaranka ee Qaran.

(6). Marka uu u xilsaarayo mashruuc qoris sharci ee lagu xusey faqradda (5), Guddiga Sixidda/Kormeerka waxaa uu mashruuca mudnaan u kala siinayaa sida soo socota: Waxaa uu --

(a). Lafagurayaa mashruuca isaga oo ka eegaya dhibaatada bulsho ee wax ka beddelka Dastuurka ee la soo jeediyey ama mashruuca-sharci uu wax ka qabanayo;

(b). siinayaa mudnaan sare mashruuc higsanaya in uu beddelo hab-dhaqan/dabeecad ah dhibaato bulsho oo la xiriirta --

(i). ammaanka qaranka, bedqabka dadweynaha, ilaalinta xuquuqaha aadanaha ee aasaasiga ah, ama deegaanka

(ii). sinnaan la’aan dhinaca tayada nolosha ah ee qaybaha kala duwan ee dadka Soomaalida ah haysata, oo ay ka mid tahay sinnaan la’aanta dakhli, u sinnaan la’aanta daryeelka caafimaadka, iyo u sinnaan la’aanta waxbarashada;

(iii). horumarka dhaqaale, oo ay ka mid tahay helidda shaqooyin, hubinta in qayb caddaalad ku dhisan oo ka mid ah faa’iidada ay helaan maalgeliyeyaasha ajnebiga ah dib loogu maalgeliyo Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyo hubinta in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan aqoonta ku saabsan, ayna helaan shaqooyin la xiriira adeegsiga tiknolojiyada cusub, iyo

(iv). in maaliyadda ummadda laga ilaaliyo musuq-maasuq iyo si xun u adeegsi.

(c). siinayaa mudnaan tan ka yar mashaariicda ku saabsan dhibaato bulsho oo la xiriirta mas’uuliyad Wasaarad jirta marka laga reebo kuwa la xiriira dhibaatooyinka bulsho ee mudnaanta sare leh;

(d). ilaa intii suuragal ah iyada oo sal looga dhigayo xisaabinta sax ah iyada oo la isu eegayo kharashka ku baxaya iyo faa’iidada bulshada ay ka heleyso, u qoondeeynayaa mudnaan isu dhiganta mashaariicda sharci-qorista u eg in mudnaantoodu ay isku mid tahay,

(e). Ku martiqaadayaa Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed in ay ka munaaqashoodaan kala mudnaan-siinta wax ka beddelka Dastuurka iyo mashaariic-shuruuc la soo jeediyey

(f). sanad kasta ay Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliyeed u gudbinayaa si uu u ansaxiyo, wax uga beddelo ama u diido, Barnaamij Qorista Shuruuc markaa jira ee mudnaanta leh ee ku saabsan wax ka beddel Dastuuri oo la soo jeediyey iyo mashaariic-sharci la soo jeediyey, si waafaqsan sida Guddiga Kormeerka/Sixidda uu mashaariicda u qoondeeyo in uu qoro Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgelinta, iyo in muddo ka dibba uu wax ku daro ama wax ka dhimo barnaamijkaa hadba sida xaaladda markaa jirta ay keeneyso.

(7). Inta Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgelinta, si waafaqsan faqradda (6), uu dhammeystirayo mashruuc la weydiistey in uu qoro, sida ku xusan Qodobka 201, waxaa uu Guddiga Kormeerka/Sixidda u soo gudbinayaa si uu dib ugu eego wax ka beddelka qabyada ah ee Dastuuriga ah ama mashruuca-sharci, oo ay la socoto Warbixinta lagu xusey baragaraafka-hoosaadka 201(7)(b).

(8) gudida la socodku waxa ay –

(a). dib u eegis gudaha ah ku sameynayaan Hindise Sharci oo la xiriira wax ka badalka dastuurka iyo warbixinta la socota hab waafaqsan qodob-hoosaadka (7)

(b). in dadwaynaha lagu wargaliyo soo jeedinta iyo warbixinta ;

(c). in la hubiyo in fursad ku filan oo dadwaynuhu kaga doodi karaan jirto ;

(d). In lala tashado xubnaha dadwaynaha iyo xubnaha kale ee Barlamaanka Federaalka ee Soomaaliyeed ;

(e) hawl gali golayaasha sharci dejinta kuna dar waxyaalaha ay soo gudbiyeen oo lays waafajiyay wax ka badalka la soo jeediyay, haddiii arrintu taabanayso danaha gobolka

(9). haddii wada tashi ka dib sida ku xusan qodob hoosaadka (8) guddiyadu la socodku go aamiyaan in ay ku daraan soo jeedino kala duwan wax ka badalka dastuurka ama xeerka e e la soo jeeiyay, shall return the proposed Constitutional amendment or bill and Report to the gudida dibu eegista iyo hirgalinta for redrafting, with instructions. (10). haddii marka kadib marka la sameeyo latashiga ku xusan qodob hoosaadka (8) guddida la socodku go aamiso in ay gudbiso waxka badalka dastuurka ee la soo jeediyay ama xeerka si loo ansixiyo, waxa ay u gudbin doontaa waxka badalka dastuurka ee la soo jeediyay afhayeenka aqalka shacabka, iyada oo warbixintuna la socota, si hore loogu sii socdo hab wafaqsan dastuurnkan. (11). gudida la socodku wax ay ku wargalin doontaa sadexdii biloodba mar labada aqal horumarka laga sameeyey dhamaystirka mashruuca lagu xusay jadwalka kobaad (A) iyo kow (B) iyo sida uu dhigayo marka la fiiriyo wixii ka soo baxay golaha dastuurka ee qaranka sida ku dhigan xeerka lagu abuurayo golaha dastuurka ee qaranka (12). Guddiga la socodka/kormeerka waxaa muddadiisu dhammaaneysaa marka lagu ansixiyo kala dirkiisa aqlabiyad fudud (50% lagu daray 1) tirade labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qodobka 201aad .

Qaybaha ku dabaqma wax ka badalka dastuurka ee lasoo jeediyay ka hor inta aanay dhammaan mudada kowaad ee wakhtiga Barlamaanka Federaalka ee Soomaaliya:

Guddiga dib u eegista iyo Hirgalinta

1). Dastuurkani waxaa uu abuurayaa Guddiga madaxabannaan ee dib u eegista iyo Hirgalinta iyaga oo ah guddi guddi hoos tagaya guddida la socodka ilaa inta laga kala dirayo gudidaas hab waafaqsan qodobka 200

(2) bilawga mudada xileed ee kowaad ee AqalkaBarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, Wasiirka u xilsaaran ayaa usoo magacaabi doona Ra’iisal Wasaaraha shan xubnood oo ka mid noqon doona Guddiga Dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka kuwaasoo wasiirka uxilsaaran uu kasoo xulayo liis ay diyaariyeen golaha wasiirada. Waxaa intaa dheer, dawlad goboleedyada jira ee federaalku waa in ay u soo magacaabaan mid waliba hal ergay oo kale oo dheeraad ah guddida dibu eegista iyo hirgalinta , taasoo ku salaysan isla shuruudda doorashada

(3). Wasiirka u xilsaaran waxaa uu doorandoonaa magacaabista qof aan xubin barlamaan ahayn, kaasoo buuxiya shuruudaha soo socda oo lagu magacaabaya Guddiga Dib u eegista iyo Hirgalinta:

(a). Leh anshax iyo sumcad wanaagsan

(b). Shahaado ka sita jaamacad la aqoonsanyahay ;

(c) ku muujiyey karti heerar sare dhinaca maamulka dadwaynaha ah ama xaga sharciga soomaliya dhexdeeda, ama

(d) in uu u leeyahay aqoon iyo khibradda ugu yaraan toban sanno arrimo la xiriira mid ka mid ah kuwan soo socda

(i) sharciga,

(ii) maamulka dadwaynaha ,

(iii) dhaqaalaha ,

(iv) jinsiga

(v) xuquuqda aadanaha , iyo

(e) ) in uu shaqo wanaagsan ka soo qabtay shaqadiisa ama majaalka uu ku takhasusay qofka la magcaabay.

(f). In uu leeyahay waayaaragnimo badan oo la xiidhiidha sharci qorist.

(4). Ra'isul Wasaaruhu waxaa uu soo hordhigi doonaa magacyada dadkii la soo magacaabay midkasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya 15 maalmood gudahood marka Golaha Wasiirada la abuuro, iyaga oo afar iyo toban cisho gudahood ku ansixin doona ama ku diidi doona mid ama ka badan oo ka mid ah dadka la soo magacaabay

(5). Haddii mid ka mid ah labada aqal diido qof lasoo magacaabay, Wasiirka u xilsaaran waxaa uu si waafaqsan qodob-hoosaadka (3) u soo magacaabi doonaa beddelkii qofkaas, intaa ka dibna waxaa uu raaci doonaa habraaca ku dhigan faracyada qodobada - (4) ilaa(6)

(6). Intii Baarlamaanku Federaalka ee Soomaaliya uu doortay shan qof oo lasoo magacaabay hab waafaqsan qodob-hoosaadka (4) iyo (5) , Ra'isulwasaaruhu waxaa uu u astayn doonaa mid ka mid ah dadkaas lasoo magacaabay Guddoomiye, waxaanu u diri doonaa magacyadooda madaxwaynaha isagoo isna u magacaabi doona Guddoomiye qofka Ra'isul wasaaruhu uu u asteeyey, labada kalena, Xubno ka tirsan Guddiga Dib u eegista iyo Hirgalinta.

(7) Guddiga Dib u eegista iyo Hirgalintu waa in ay:

(a). Sida laga yaabo in uu Guddiga La Socodku amro, waxaa loo baahan karaa in wax laga beddelo badallo dastuurka sida ku qoran Jedwelka Koowaad (A), ama la soo jeediyo mashruuc sharci sida lagu magcaabay Jadwalka (B), ama sidii kale ee hadba loo baahdo iyada oo dabasocota waxa ka soo baxa golaha ta’siisiga ah ee qaranka

(b). diyaari warbixin daraasadeed oo lagu lifaaqo wax ka badalka lasoo jeediyay ama xeerka. Warbixintaasoo, hab waafaqsan cadaymaha, sababaynaysa waxka badalka lasoo jeediyay ama xeerka kana saadaalinaysa ixtimaalka in waxka badalka lasoo jeediyay ama xeerka ay ka dhalan karto habdhaqankii la rabay, iyo in hab dhaqankaasi uu dibu qaabayn ku sameeyo dhibaatada bulsho ee wax ka badalka la soo jeediyay ama xeerku uu abbaarayo; (c). samee daraasadda sharci iyo ta xaqiiqo ee lama huraanka ah si aad u gudato xilalka ku xussan faqrad-hoosaadka (a) iyo (b); (d). hab waafaqsan qodob-hoosaadka 200(7), u gudbi guddiga la socodka wax ka qbadalka lasoo jeediyay oo dhamaystiran ama xeerka lasocda warbixininta lagu xusuy faqrad hoosaadk (b) ;

(e). in ay warbixin kasii sadexdii biloodba mar horumarka la sameeyey guddiga la socodka marka dib u eegista iyo hirgalinta lagu samaynayo dastuurkan iyo caqabad kasta oo ka hor imanaysa dib u eegista iyo hirgalinta

(f). in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha garsoorka ee maxkamadda dastuurka ; iyo

(g). iyada oo loo fiirinayo hadba inta miisaaniyaddu le’eg tahay, in la qoro shaqaalee ku filan in ay u guttaan xilkooda hab waafaqsan datsuurkan

Qoddobla 202aad.

Xilalka iyo Mudeynta Hay’adaha mudnaanta sare leh iyo Guddiyada Madaxa Bannan ee uu Baarlamaanka Federaalku Aasaasayo

(1). Haddii aan si kale loogu sheegin Dastuurkan, Baarlamaanka Federaalku wuxuu magcaabayaa xubno aan tiradoodu ka badnayn sagaal oo ay yeelan doonaan guddi walba oo Madax Bannaani.

(2). Baarlamaanka Federaalku wuxuu asaasayaa hay’adahan iyo Guddiyadan Madaxa Bannaan ee soo socda iyadoo muddeeynta halkan ku cadna la raacayo, kuwaasoo hirgelaya marka la aasaaso Golaha Wasiirada:

(a). Golaha Adeegga Garsoorka – 30 maalmood

(b). Maxkamadda Dastuurka

(c). Guddiga Xuquuqul Insaanka, Ilaaliyaha/kormeeraha (Ombudsman), Guddiga Ilaalinta/dabagalka nabadgelyada ee rayidka ah, Guddiga Amaanka Qaranka – 45 maalmood

(d). Guddiga Adeegga Baarlamaanka - 15 maalmood

(e). Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Guddiga Xuduudaha iyo Federaaleynta – 60 Maalmood.

(f). Guddiga ka Dhexeeya Dawlad Goboleedyada – 1 Sanno

(g). Guddiga Isa Cafiga iyo Dib u Heshiisiinta – 30 Maalmood

(3) Si hadaba loogu sahlo Baarlamaanka Federaalka ah in uu hawlihiisaa guto, Guddiga dib u eegista ee Farsamo ayaa soo diyaarinaya qoraalka sharciga loogu baahan yahay in lagu abuuro guddiyadaa iyadoo la raacayo dastuurkan, si Guddiga Kormeerka iyo Guddiga dib u eegista iyo Hirgelintu ay u soo gabagabeeyaan uguna gudbiyaan baarlamaanka Federaalka si uu uga sii baaran dego , si aan looga dib dhicin waqtiyada kama danbeysta ah eek u cad farac qoddobeedka (2) kor.

Qodobka 203aad.

Qaadasha waxka ka badalka dastuurka inta lagu guda jiro muddo xileedka kowaad ee Aqalka Shacab; ansixinta dastuur kama dambays ah.

(1) inta lagu guda jiro muddo xileedka kowaad ee Barlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, barlamaanka federaalku waxaa uu qaadan doonaa waxkabadalka la soo jeediyay ee dastuurka ku meel gaarka ah kaliya intii lagaga ansixiyay kadib cod kama dambays ah aqalka shacabka codkaasoo u dhigma sadex meeloodow laba meelood , iyo codkama dambaysa ah oo ay u qaadaan aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka ah, codkaasoo ugu yaraan ah sadex meeloodow laba meelood xubnaha jira.

(2). Afti laqabtay taasoo khusaysa dastuurka ku meel gaarka ah wax laga badalay, oo la qabtay dhammaadka mudada xilka ee kowaad ee Golaha Shacabka, codbixiyayaasha jamhuuriyadda somaliya waxa ay ku qaadan karaan dastuurka cusub cod aqlabiyad ah oo ay ku taageeraan nuskhadda kama dambaysta ah ee dastuurkan .

Qodobka 204aad

Dib-u-eegidda Dastuurka jamhuuriyadda federaalka ee soomaaliya marka afti lagu ansixiyo ka dib

(1). Kadib dhamaadka muddada kowaad ee Barlamaanka Federaalka, Baarlamaanka Federaalku waxaa uu dhisayaa Guddi dib- u-eegis ku sameeya hirgelinta iyo shagaynta Dasturka jamhuuriyadda federaalka soomaliya, marka lagu ansixiyo hab waafaqsan qodobka 202 ee ku saabsan qaadashada dastuurka kama dambaysta ah, iyo in lala tashado maamulada federaalku ka koobanyahay iyo dadweynaha wax-ka-beddelidda in lagu sameeyaa ay suurtogalka tahay.

(2). Lixbilood gudahood intii la magacaabay ka dib, guddigu waxaa uu u soo gudbin doonaa warbixintiisa golaha Baarlamaanka Federaalka iyo , dowldaha federaalka ka midka ah iyo dadwaynaha.

(3). Kaddib markuu uruuriyo kana, baaraan-dego aragtiyada maamulada federaalka ka tirsan, dadwaynaha, iyo marka la qiimeeyo lalana socdo hirgalinta iyo dabaqaadda dastuurka kama dambaysta ah iyo muddo aan ka yarayn lix bilood ka hor inta aanay dhammaan mudada xilaka ee marka labaad ee baarlamaanka federaalka soomaliyeed, guddigu, iyaga oo la tashanaaya guddoomiyaha maxkamadda dastuuriga ah waxa ay hubin doonaan in eray iyo ujeedaba la ixtiraamo dastuurka, wuxuuna Baarlamaanka u soo gudbinayaa talooyinkiisa haddiiba ay jiraan, si uu wax uga beddelo Dastuurka

(4). haddii Barlamaanku ansixiyo mid ama ka badan oo wax ka badalka la soo jeediyay ah hab waafaqsan Qodobka 199 ___??, baarlamaanku waxa uu qaban doonaa afti loo qaado dastuurka jamhuuriyadda federaalka soomaliya ee wax laga badaly (5). hadii aqlabiyadda kuwa u codaynaya aftida lagu xusay qodob hoosaadka () ay u codeeyaan dastuurka wax ka badalka lagu sameeyey, dastuurkaasi waxa uu noqonayaa dastuurka jamhuuriyadda faderaalka ah ee soomaaliya .

CINWAANKA LABAAD QODOBBO QUBANE AH

Qodobada204aad

Dhaqangelinta Dastuurka

Dastuurkani waxa uu dhaqan galayaa maalinta ugu horaysa maalinta kowaad marka ay ansixiyaan Golaha qaran ee ta’siisiga ah oo isugu yimi hab waafaqsan khariidada nabadda, hashiisyadii Garawe 1 iyo Garowe II, Galkacayo, Addis Ababa, wareegtadii madaxwayanaha iyo kuwa kale ee khuseeya.

Qodobka 205aad

Sii Socoshada Shuruucda Horay u Jirtay

Dhammaan xeerarka dhaqangalka ah ka hor inta aanu hirgalin waxa ay ahaanayaan qaar sii shaqeeya waxaana laga dhadhansan doonaa laguna dabaqi doonaa waxka badaladaas, qaadashadaas, in la ciyimo iyo in wax laga soo reebo hadba sida looga maarmi waayo si loo waafajiyo dastuurkan ilaa goorta xeerarkaas wax ka badal lagu samaynayo ama meesha laga saarayo

Qodobka 206aad

Waajibaadka Caalamiga Ah

Inta heshiiska wax waajibinaya ee jirey taariikhda uu Dastuurkan dhaqangelayo uu waqtigiisu dhacayo ama wax laga beddelayo, waajibka heshiiskaa ka dhashey sidiisa ayuu u jirayaa

Qodobka 207aad

Aftiyaha

(1). Haddi ay noqoto in la qaado afti uu amray dastuurkan ama sharci kale ama sababo kaleba loo qaadayo, cidda hirgalinaysa aftidu waa in ay hubisaa in aftida lagu hubiyo in dhammaan dadka codbixin karaya ay fursad u helaan ay ku muujiyaan aragtidooda si xor ah, toos ah, qarsoodina ah si waafaqsan sharci Baarlamaanku ansixin doono kaasoo sugaya hab raaca aftida.

(2). Cidda hirgalinaysa aftidu waxay hubin doontaa in

(a). aftidu waa in ay u waydiisaa su’aasha si cad, hab loogu talagalay in lagu helo aragtida dhabta ah ee codbixiyaha iyada oo aanay daah saarayn arimaha ay tahay in cod bixiyuhu kala doorto; iyo

(b). Waa in aysan su’aalaha qaabka loogu dhigay warqadaha codeynta iyo habraaca aftiduba aysan ku hogaamineyn cod-bixiyaha inuu jawaab gaar ah ka bixiyo su’aasha ama su’aalaha.

Qodobka 208aad

Dowladaha federaalka ee ka jira Soomaaliya

(1)Ilaa inta laga gaarayo goorta dhammaan maamulada federaalka ee soomaliya laga samaynayo dastuurada maamuladana la waafajinyo dastuurka dawlad gobolkeedu federaalka, maamulada jira ka hor inta aan la qaadan dastuurkan ku meel gaarka ahi waxa ay sii haysanayaan awoodaha dastuurkoodu siinayo.

(2)Dawlad Goboleedyada jira ee Federaalku waa in lala tashadaa marka la qaadanayo go aanno la xiriira nidaamka fedeaalka, iyo qaabka nabadgalyada

Qodobka 209aad

Burinta Axdiga Federaalka Ku-meelgaarka

Axdiga federaalka ee ku meel gaarka ahi waxa ay mudadiisu dhammaanaysaa marka lakala diro Golaha Ansixinta Dastuurka ee Qaranka.

QODDOBKA 210aad

Qoddobada Iskhilaafsan

(1) Marka Dastuurkan ku Meel Gaarka ah lagu ansixiyo afti qaran, Guddiga Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurku, marka ay helaan ansixinta Guddiga Ilaalinta/Kormeerka, waxay sameyn karaan marka ay la noqoto hindise ay u gudbiyaan Baarlamaanka Federaalka ah oo la xiriira muraajacada loo baahna yahay ee lagu saxayo khaladaadka caddaanka ah ee higaadda, xarakeynta, naxwaha, tirooyinka, tilmaamaha tixraacyada, raacista nidaam mideysan, doorashada kelmadaha, is waafaqid la’aanta, iyo khalaadaadka kale ee la midka ah ee sida cad dhokomentiga uga muuqda. Haddii labada Aqal ee Baarlamaanka aan midkoodna ku diidin saxitaankaa iyo muraajacadda la soo jeediyay ee lagu sameynayo qoraalka dastuurka ku meel gaarka ah cod aqlabiyad ah afar toddobaad gudahooda, muraajacadaa la soo jeediyay waxaa loo dirayaa Madaxweynaha si uu u saxiixo uguna soo saaro faafinta rasmiga ah si arrintaa loo meel mariyo.

(2) Guddiga Dib u Eegista, marka ay helaan ansixinta Guddiga Ilaalinta/Kormeerka, waxay u diri karaan wixii ismaandhaaf ama khilaaf gudaha ah eek u jira dastuurka ku meel gaadhka ah Maxkamadda Dastuurka si Maxkamaddaasi u qeexdo/macneyso isla markaana iyadu tilmaanta jihada arrinka loo raacayo. Haddii afti lagu ansixiyo Dastuurka, Maxkamadda Dastuurku waxay, haddii loo arko arrin daruuri ah, baabi’in kartaa qoddobo khilaaf ka jiro ama is burinaya oo ku jira dastuurka ku meel gaarka ah.

JADWALKA KOOWAAD.

KALA-GUUR

(A)

ISDEDDALLADA LA SOO JEEDIYEY IN LAGU SAMEEYO DASTUURKA XILLIGA KOOWAAD EE BARLAMAANKA FADDARAALKA SOOMAALIYA

Sida waafaqsan qodobbada 200 iyo 201 aad, baarlamaanka fadaraalka Soomaaliya waxa uu soo jeedinayaa dhaqan-gelinayaana wax ka beddel ku aaddan dastuurka ku meel-gaarka, hab waafaqsan heshiiskii ay ka wada-xaajoodeen Dowlladda Fedderaalka ah iyo Maamullada Goboleedyada Federaalka ee jiro iyo kuwa cusub, oo ay ku jiraan, balse aanan ku koobnayn , qodobadan soo socda:-

1. Ku aaddan qodobka 22aad, oo qeexaya qaababka ka wada qayb-galka siyaasadda.

2. Ku aaddan qodobka 32aad, oo khusaysa xaq u lahaanshaha war-helidda.

3. Ku aaddan qodobka 40aad, oo dejinaya hanaanka xal-u-helidda xad-gudubyada xuquuqda aadanaha.

4. Ku aaddan qodobka 42aad, asaasidda Guddiga Xuquuqda Aadanaha.

5. Ku aaddan qodobka 44aad, oo khuseeya waxa uu noqonayo dhulka federaalka.

6. Ku aaddan qodobada 48 iyo 82aad oo ku saabsan xisbiyada siyaasadda iyo qaababka doorashooyinka.

7.

8. Ku aaddan qodobada 147 iyo 149aad, oo dejinaya waajibaadka, xilalka, tirada iyo hanaanka Guddiyada Madaxa-bannaan.

9. Ku aaddan qodobka 182 (1) (b) ku saabsan daamanad-qaadka dowladda federaalka ee amaahaha dowlad-goboleedyada.

10. Ku aaddan qodobka 182(1) (c) oo khuseeya hab-dhaqanka wax u soo iibinta dowladda.

11.

12. Ku aaddan qodobka 182 (1) (d) oo khuseeya hanti-dhowr ku sameynta xisaabaadka hay’adaha aan dowliga ahayn oo dowladda maal-gelinta ka helo.

13. Ku aaddan qodobka 183aad asaasidda Kayd Qaran iyo dejinta shuruuc iyo hantidhowr ku sameynta iyo xakamaynta dakhliga dowladda.

14. Ku aaddan qodobka 187aa oo ku saabsan xafiiska adeegaha gardoonka dadwaynaha (ombudsman)

15. Ku aaddan qodobka 189 (2) (h), xaaraantinimeynta maleeshiyaadka khaaska ah.

16. Ku aaddan qodobka 189 (2) (i) sharciyeenta shirkadaha ilaalada khaaska ah.

17. Xeer waafaqsan qodobbada 99 iyo 100, dejinaya shuruuc qaab-dhaqan oo ku aaddan Aqallada Dowladda goboleedyada.

B)

SHURUUCDA LA MUDNAANTA KOOWAAD LEH IN LA SAMEEYO XILLIGA KOOWAAD EE BAARLAMAANKA FEDDERAALKA AH

Guddiga qoraya waxa uu tixgelin gaar ah siinayaa qoritaanka mashaariic khuseeyo shuruuc cusub, hab waafaqsanna heshiiskii ay ka wada xaajoodeen dowladda federaalka ah iyo maamulada jira iyo kuwa cusub, oo ay ku jiraan, balse aanan ku koobnayn kuwan soo socda:

1. Xeer waafaqsan qodobka 8aad, oo dejinaya sida qofku uu u heli karo una waayi karo dhalashada waddanka Soomaaliya.

2. Xeer waafaqsan qodobka 9aad, oo dejinaya maqaamka magaala-madaxda.

3. Xeer waafaqsan qodobka 30aad, oo ku saabsan samaynta dugsiyada khaaska ah, mac-hadyada iyo jaamacadaha.

4. Xeer waafaqsan qodobka 34aad, oo khuseeya xaqa ay eedeysanayaasha u leeyihiin in ay helaan caawinaad sharci oo lacag la'aan ah marka lagu soo oogo fal-dembiyeed.

5. Xeer waafaqsan qodobka 37aad, oo khuseeya dhiibidda eedeysanayaasha iyo dembiileyaasha.

6. Xeer waafaqsan qodobka 38, oo ku saabsan qaxootiga iyo magangelyo-doonka.

7. Xeer waafaqsan qodobka 40aad, oo dejinaya qaab-dhaqanka xal u helidda ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha.

8. Xeer waafaqsan qodobka 46, oo khuseeya qubitaanka qashinka.

9. Xeer waafaqsan qodobada 64 iyo 76 oo khuseeyo tirada iyo xudduudaha dowlad goboleedyada iyo xallinta khilaafaadka xudduudaha.

10. Xeer waafaqsan qodobka 66aad, oo dejinaya shuruucda khuseeya xiriirka wada-shaqaynta heerarka kala duwan ee dowladda.

11. Xeer hab waafaqsan qodobka 72 iyo 85, oo khuseeya adeegsiga awoodaha wadaagga ah ee maamul-goboleedyada, iyo abuurista guddiyo wadaag ah oo labada aqal ah.

12. Xeer waafaqsan qodobka 88aad, oo dejinaya shuruuc ku aaddan tira-koobka qaranka.

13. Xeer waafaqsan qodobka 90aad, oo dejinaya shuruucda hab-dhaqanka Golaha Shacabka.

14. Xeer waafaqsan qodobka 95aad, oo qeexaya xasaannadda Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Federaalka ah.

15. Xeer waafaqsan qodobbada 99 iyo 100, dejinaya shuruuc qaab-dhaqan oo ku aaddan Aqalka Dowladda goboleedyada.

16. Xeer waafaqsan qodobka 157 soo aqoonsanaya oo dejinaya qaab-dhaqanka magacaabista shaqaalaha sar-sare ee dowladda iyo shaqaalahooda.

19. Xeer waafaqsan qodobka 158, oo dejinaya maqaamka shaqaalaha dowladda.

20. Xeer waafaqsan qodobka 180, asaasidda Banki Dhexe ee Jamhuuriyadda Fedderaalka ah.

21. Xeer hab waafaqsan qodobka 182(1)(a), khuseeya habka miisaaniyadda maamul goboleedyada loo soo bandhigayo, iyo jadwalka habraaca miisaaniyadda maamul goboleedyada ;

22. Xeer hab waafaqsan qodobka 182(1)(b), khuseeya damaanadda ay ka bixinayso dowladda federaalka ahi amaahda maamul goboleedyada;

23. Xeer waafaqsan qodobka 184 (2) iyo 189, oo khuseeya ciidamada amniga.

24. Xeerka maamul goboleedyada ee hab waafaqsan qodobka 184(5) iyo 189(3), khuseeya ciidamada boolisk ee maamul goboleedyada.

25. Xeer waafaqsan qodobka 189 (2) (a) asaasidda laamaha khaaska ku ah la dagaallanka argagixisada, bucad-badeedda, ta

25. Xeer waafaqsan qodobka 189 (2) (a) asaasidda laamaha khaaska ku ah la dagaallanka argagixisada, bucad-badeedda, tahriibinta dadka iyo dembiyada kale ee abaabulan.

26. Xeer waafaqsan qodobka 189 (2) (b), nidaaminta dhismaha iyo shaqooyinka booliska federaaliga ah.

27. Xeer waafaqsan qodobka 189 (2) (c) nidaaminta xiriirrada ka dhexxeeya adeegyada booliska federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

28. Xeer waafaqsan qodobka 189 (2) (d) oo qeexaya arrinta u hogaansamidda amarrada sharci-darrada ah.

29. Xeer waafaqsan qodobka 189 (2) (e) oo khuseeya asaasidda iyo shaqaynta guddiga baarlamaanka ee khaaska ku ah arrimaha ciidamada qalabka sida.

30. Xeer waafaqsan qodobka 189 (2) (f) oo khuseeya doorka dadweynaha ee dabagal ku samaynta adeegyada booliska federaalka.

31. Xeer waafaqsan qodobka 206, oo khuseeya u codeynta arrin khaas ah ee dadweynaha.

hriibinta dadka iyo dembiyada kale ee abaabulan.

Halkan ka Daalaco nuqulkii hore ee la soo saaray 2010

XS
SM
MD
LG