CUTUBKA KOOWAAD
BAAQA JAMHUURIYADDA
Qodobka 1aad
Jamhuuriyadda
1. Soomaaliya waa Jamhuuriyad leh gobannimo, federal ah, kuna dhisan matilaad
dadweyne oo loo siman yahay.
2. Allahu Subxaanahu wa Tacaalaa ka sokow (swt), awoodda oo dhan waxa leh Shacabka,
wuxuuna u isticmaalaa si toos ah iyo isagoo u adeegsanaya hayadihiisa uu u xilsaartay,
si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka.
3. Waxaa reeban in qof ama qayb ka mid ah bulshada sheegato gobannimada
Jamhuuriyadda ama u adeegsato danaysi gaar ahaaneed.
4. Gobannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya waa laguma xadgudbaan.
Qodobka 2aad
Diinta iyo Dawladda
1. Islaamku waa Diinta Dawladda.
2. Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.
3. Shareecada Islamku waa saldhig xagga sharcidejinta.
4. Lama soo saari karo sharci aan waafaqsanayn Shareecada Islaamka iyo Maqaasiideeda.
Qodobka 3aad
Mabaadi’da Asaasiga
1. Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada
Nabigeenna Muxammed (NNK), wuxuuna ilaalinayaa maqaasidda shareecada iyo
caddaaladda bulshada.
2. Soomaaliya waa dal Islaam ah, kana mid ah ummadaha Afrikaanka iyo Carabta.
3. Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhiirrigelinayaa xuquuqda aadanaha, talinta sharciga,
dhawrista xeerarka caalamiga ah, caddaaladda, xukuumad loo siman yahay, kalasoocnaanta
awoodaha sharcidejinta, fulinta iyo garsoor madaxbannaan, iyagoo leh
hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan ka jawaabaysa danaha dadweynaha.
4. Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee qaranka, gaar
ahaan jagooyinka laysu doorto iyo kuwa laysu magacaabo ee saddexda laamood ee
dawladda, Guddiyada iyo Xafiisyada Madaxbannaan ee Qaranka.
IFCC-COE
3
Qodobka 4aad
Sarraynta Dastuurka
1. Dastuurka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isagan ayeyna xukuumaddu u
hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee
qaybaha dawladda oo dhan.
2. Sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo horjeedda Dastuurka, maxkamad awood
u leh ayaa burrin karta, si waafaqsan Dastuurkan.
Qodobka 5aad
Afka Rasmiga ah
Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Af-Soomaaliga (Maay iyo Maxaatiri), Af-
Carabiguna waa afka labaad.
Qodobka 6aad
Calanka iyo Astaanta Qaranka
1. Calanka Jamhururiyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu muujiyey Qaybta A ee
Jadwalka koowaad, waa laydi buluug furan ah oo ay dhexda kaga taal Xiddig cad oo
shangees ah, madaxyo simanna leh.
2. Astaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu muujiyey Qaybta B ee
Jadwalka koowaad, waxay ka kooban tahay gaashaan buluug ah oo leh xiddaayad
dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shangees ah oo dheeh qalin ah leh. Gaashaanka
dushiisa waxaa ku yaal rukumo Carbeed oo xardhan, lehna Shan madax oo dahabi ah
oo labada geesba ku yaalliin ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa ka haya laba
shabeel oo isu tusmaysan, kuna kala taagan labo waran oo isku weydaarsan caaradda
hoose ee gashaanka, ayna weheliyaan laba caleen-cawbaar, diillin cadna ay ku
qoofalan tahay.
3. Heesta Qaranku waa “Qolobaa Calankeedu waa cayn” sida ku cad Jadwalka 1aad “C”
4. Baarlamaanka ayaa sharci gaar ah ka soo saaraya billadaha sharfta iyo maamuuska ay
mudan yihiin calanka iyo Heesta Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
5. Dawladaha xubnaha ah Dawladda Federaalka waxay yeelan karaan calankooda iyo
astaandooda u gaar ah si waafaqsan nidaamka federaalka.
IFCC-COE
4
Qodobka 7aad
Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
1. Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka
Jamhuuriyadda oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda
hoose, hawadooda sare, iyo geyi-qaaradeedka iyo sidoo kale, dhulka iyo biyo-goboleed
kasta oo ku soo biira Jamhuuruyadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu
Baarlamaanka Federaalku ansixiyo.
2. Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xadgudbaan lamana
qaybin karo.
Qodobka 8aad
Shacbiga iyo Jinsiyadda
1. Shacbiga Soomaaliyeed waa mid lamana kala qaybin karo, wuxuuna ka kooban yahay
dhammaan muwaadiniinta.
2. Jinsiyadda Soomaaliyeed waa mid qur ah, sharci gaar ah ayaana xaddidaya sida lagu
helayo, lagu laalayo ama lagu waayayo.
3. Qof leh jinsiyadda soomaaliyeed, haddii uu qaato jinsiyad dal kale lumin maayo
jinsiyadda soomaaliyeed.
4. Diidmada, laalista iyo ka qaadista jinsiyadda laguma xiri karo asbaabo siyaasadeed.
Qodobka 9aad
Magaalomadaxda Qaranka
1. Muqdisho oo loo yaqaanno Xamar waa Magaalomadaxda Jamhuuriyadda Federaalka
ee Soomaaliya.
2. Maqaamka ay Magaalomadaxdu ku leedahay qaabdhismeedka federaalka ee
Jamhuuriyadda, Baarlamaanka Federaalka ayaana sharci gaar ah ka soo saaraya.
CUTUBKA LABAAD
SALDDHIGGA SIYAASADDA DIBADDA
Qodobka 10aad
Mabda’a Aayo-ka-talinta iyo istaageeridda
1. Dawladdu waxay aamminsan tahay mabda’a aayo-ka-talinta ee shucuubta adduunka.
2. Waxay hormarinaysaa, ilaalineysaana danaha Qaranka Soomaaliya.
3. Waxay hormarinaysaa, dhiirigelineysaa guud ahaan istaageeridda dadweynaha
addduunka, gaar ahaanna ummadaha Afrikaanka, Carabta iyo Islaamka.
Qodobka 11aad
Siyaasadda nabad ku-wada-noolaanshaha
1. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u aqoonsan tahay mabda’a
nabad ku-wada-noolaanshaha shucuubta adduunka.
2. Waxay ka soo horjeeddaa in khilaafaadka caalamiga ah lagu dhammeeyo hab dagaal.
3. Waxay dhiirigelinaysaa in khilaafaadka caalamiga ah lagu xalliyo dariiq nabadeed.
Qodobka 12aad
Siyaasadda Wax-wada-qabsiga
1. Dawladdu waxay horumarinaysa siyaasadda wax-wada-qabsiga shucuubta iyo
dawladaha adduunka ee ku dhisan kala faa’iideysiga, sinnaanta iyo xurmaynta
gobannimada iyo habka siyaasadeed ee dal kasta u gaarka ah.
2. Dawladdu waa inay dhiirigelisaa kana qaybgashaa urur-goboleedyada Afrika, caalamka
Carabta iyo Islaamka ee la xiriira iskaashiga dhinacyada dhaqanka, dhaqaalaha iyo
siyaasadda, waana in ay ka qaybgasho ururrada caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee u
taagan nabadda, baraaraha iyo hor u kaca gobolka, qaaradda, caalamka carabta iyo
Islaamka iyo aadanaha oo dhan.
Qodobka 13aad
Xiriirrada Caalamiga ah
Qaanuunka Caalamiga ah ee guud ahaan la aqoonsan yahay iyo heshiisyada caalamiga oo
Jamhuuriyaddu dhinac ka tahay, oo loo meelmariyey, loona faafiyey si waafaqsan habraaca
sharcidejinta, waxay dalka ku yeelanayaan awood sharci.
CUTUBKA SADDEXAAD
XUQUUQDA ASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA MUWAADDINKA
QAYBTA KOOWAAD
MABAADII’DA GUUD EE XUQUUQDA AADANAHA
Qodobka 14aad
Karaamada Aadanaha
1. Karaamada aadanuhu waa deeq Ilaahey Subxaanahu wa Tacaalaa ku mannaystay qof
kasta oo Banii’aadam ah, xuquuqda aadanahuna deeqdaas ayey ka soo unkantaa.
2. Karaamada Aadanaha waa laguma xadgudbaan, dhowristeeduna waa waajib saaran
dadka oo dhan, iyo dawladda gaar ahaan.
3. Awoodda Dawladda waa in aan marnaba loo isticmaalin meel-uga-dhicidda karaamada
aadanaha.
Qodobka 15aad
Sinnaanta
1. Muwaaddiniinta oo dhan, iyaga oo aan loo eegin lab iyo dheddig, xaalad bulsho ama
dhaqaale, afkaar siyaasadeed, qabiil, naafanimo, xirfad, midab, af ama lahjad toona,
xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u siman yihiin sharciga hortiisa.
2. Waa fal takoorid ah haddi natiijada falku noqoto is-hortaag ama ciriirigelin xaqa qofka,
xataa haddii falka si ulakac ah aan loo samayn.
3. Waa in aan loo arkin fal takoorid ah barnaamijyada dawladda ee loo qorsheeyey in
sinnaan buuxda lagu gaarsiiyo dad ama kooxo horay loogu geystey takoorid ama laga
sadbursaday.
Qodobka 16aad
Dhaqangelinta Xuquuqda Asaasiga Ah
1. Xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadaha lagu aqoonsaday Cutubkan waa in la dhowraa marka
kasta oo sharci la dejinayo iyo marka la fulinayo.
2. Qof kasta, iyo hay’ad kasta oo Dawladeed ee heer kasta ah iyo hay’ad kastoo gaar ahaneed
iyo dhammaaan saraakiisha dawladdu marka ay gudanayaan xilalkooda waa in ay ilaaliyaan
kuna xadgudbin xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadaha qofka.
3. Waajibaadka Dawladdu kuma koobna keliya in ay dhawrto xuquuqda dadka, balse waa in ay
qaaddo tallaabooyin maangal ah oo ay ku ilaalineyso xuquuqda dadka in aan xadgudub uga
iman cid kale.
4. Xuquuqda lagu aqoonsaday Cutubkan sharci uun baa lagu xadeyn karaa, si waafaqsan
Dastuurkan.
QAYBTA LABAAD
XUQUUQDA IYO XORRIYADAHA QOFKA IYO XADDIDAADOODA
Qodobka 17aad
Xaqa Nolosha
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol.
Qodobka 18aad
Adoonsi, Midiidin iyo Ku-shaqaysi Qasab Ah
Sinaba qof looma addoonsan karo, midiidin lagama dhigan karo, lagama ganacsan karo,
qasabna looguma shaqaysan karo.
Qodobka 19aad
Xorriyadda iyo Nabadgelinta Qofnimada
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah iyo nabagelyada
qofnimadiisa.
2. Waxaa reeban qaab kasta oo jirdil ah, qaab kasta oo cunfi ah, xarig sharcidarro ah, iyo
kula-dhaqan si lid ku ah aadaminimada, xurmodarrayn ama ciqaab naxariis-darro ah.
3. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay bedqabka jirkiisa waana laguma xadgudbaan.
4. Qofna laguma qasbi karo in lagu sameeyo tijaabo takhtareed ama mid cilmibaariseed.
5. Gudniinka gabdhaha waa reeban yahay.
6. Soo rididda ilmuhu waa reeban tahay haddii ayan jirin xaalad caafimaad oo uu sugay
xeeldheere caafimaad in soo rididda ilmuhu ay lagama maarmaan u tahay badbaadada
nolosha hooyada.
Qodobka 20aad
Xorriyadda Abuuridda iyo ka mid Noqoshada Ururrada
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ku biiro dad kale ama urur. Xaqaas waxaa ka mid ah
inuu abaabulo ama ka mid noqdo ururro shaqaale iyo axsaabta siyaasiga. Wuxuu kaloo xor u
yahay in uusan cidna ku biirin.
Qodobka 21aad
Xorriyadda Caqiidada iyo Diinta
Qof kasta oo aan Muslim ahayn kuna sugan Soomaaliya wuxuu xor u yahay ku dhaqanka
diintiisa iyo caqiidadiisa.
Qodobka 22aad
Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ra’yigiisa soo bandhigo iyo in uu qaab kasta u
gudbiyo warka iyo afkaarta uu qabo.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu raadsado, helana afkaar.
3. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal-abuurkiisa faneed.
Qodobka 23aad
Xorriyadda Warbaahinta
1. Warbaahintu waa xor, lamana faafreebi karo.
2. Sharci uu soo saaro Barlamaanka Federaalka ayaa xeerinaya nidaamka warbaahinta.
Qodobka 24aad
Xurmada Hoyga
1. Qofna gurigiisa ama meelaha kale ee u gaarka ah lama geli karo, lama baari karo
lamana basaasi karo amar garsoore oo sababaysan la’aantiis.
2. Waxaa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo degenaha hoyga amarka garsooraha,
baarahana waxaa ka reeban ku xadgudbka sharciga.
Qodobka 25aad
Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa iyo Cabashada
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama
bannaabaxyo oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha
Dawladda, jawaabna helo.
3. Sharci gaar ah oo Baarlamaanka Federaalku soo saaro ayaa xeerinaya nidaamka iyo
muddeynta ka jawaab-celinta cabashooyinka.
Qoobka 26aad
Xorriyadda Isu-socodka iyo Degitaanka
1. Qof kasta oo si sharci ah ku deggan dhulka Jamhuuriyadda wuxuu xaq u leeyahay in uu
si xor ah u degi karo, ugu dhex-socon karo dalka, kana bixi karo.
2. Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay soo-gelidda iyo joogitaanka waddanka iyo
inuu helo warqadaha safarka.
Qodobka 27aad
Xaqa Ka-qaybgalka Siyaasadda
1. Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato arrimaha dadweynaha.
Xaqani waxaa ka mid ah:
(a) inuu samaysan karo ama ka mid noqon karo xisbi siyaasadeed, kana qaybqaadan
karo hawlihiisa.
(b) in xisbi siyaasadeed gudihiisa looga dooran karo jago kasta;
2. Muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha sharcigu tilmaamo wuxuu xaq u leeyahay
inuu wax doorto, lana doorto.
3. Xuquuda ku xusan faqradaha (1) iyo (2) ee qodobkan waa in loogu dhaqmaa si
waafaqsan Dastuurkan iyo sharci Baarlamaanku soo saaro.
Qodobka 28aad
Xorriyadda xirfadda, Shaqada iyo Mihnadda
Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u doorto xirfadda, shaqada ama
mihnadda uu rabo.
Qodobka 29aad
Xiriirka Shaqada
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xiriir shaqo oo caadil ah.
2. Qof kasta oo shaqaale ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu abuuro, kuna biiro urur
shaqaale, kana qayb-galo hawlaha ururkaas.
3. Shaqaale kastaa wuxuu xaq u leeyahay shaqo-joojin.
4. Urur shaqaale, ama mid loo-shaqeeyeyaasha amase loo-shaqeeyaha waxay xaq u
leeyihiin inay galaan gorgortan-wadareed oo ku saabsan arrimaha shaqada.
Qodobka 30aad
Deegaanka
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo deegaan aan waxyeello u lahayn
caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed oo laga ilaaliyey wasakhda iyo walxaha halista
ah.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu wax ka helo khayraadka dabiiciga ah ee dalka,
iyadoo laga ilaalinaayo ka faa’ideysi xad-dhaaf ah oo waxyeello u geysan kara
deegaanka.
Qodobka 31aad
Hantida
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahy in uu hanti yeesho, ku dhaqmo, ku naalloodo, iskana
gado ama iska wareejiyo markuu doono.
2. Dawladdu waxay si qasab ah hanti kula wareegi kartaa oo keliya marka ay jirto dan
guud ee dadweyne.
3. Qof kasta oo hantidiisa dan guud awgeed loola wareegey wuxuu Dawladda xaq ugu
leeyahay magdhaw caadil ah oo lagu heshiiyey ama ay maxkamadi go’aamisey.
Qodobka 32aad
Dhaqaalaha iyo Xuquuqda Bulshada
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo heer-nololeed oo habboon oo ay ka mid
yihiin cunto ku filan, biyo nadiif ah iyo hoy.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay daryeel bulsho oo dhammaystiran.
3. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay daryeel caafimaad.
4. Xuquuqda lagu aqoonsaday qodobkan waxaa ka mid ah xaqa qof kastaa uu u leeyahay
inuu si sharciga waafaqsan u ilaashado, raadsado, si buuxdana xuquuqdaas u gaaro,
iyadoo aanay dawalddu ama cid kale ka hor-istaagin.
5. Dawladda waxa waajib ku ah in ay dejiso barnaamij hormarineed oo xuquuqdan lagu
fulinayo, hadba intii awooddeeda dhaqaale u suurraggelin karto.
Qodobka 33aad
Daryeelka Qoyska
1. Guurka dhexmara lab iyo dheddig waa aasaaska qoyska oo ah saldhigga bulshada,
daryeelkiisuna waa waajib saaran Dawladda.
2. Dowladdu waa in ay daryeeshaa Hooyada iyo Dhallaanka.
3. Ubad kastaa wuxuu waalidkiis xaq ugu leeyahay xannaano ay ka mid tahay barbaarin
iyo waxbarasho. Haddiise xannaanadaas uu ka waayo degaanka qoyskiisa waa in loo
yeelo cid kale oo daryeesha. Isla xuquuqdan oo kale ayey leeyihiin carruurta dariiqjoogga
ah iyo kuwa aan waalidkood la aqoonnin, dawladda ayaana si gaar ah ugu
xilsaaran inay xuquuqdooda ilaaliso, si buuxdana ay u helaan.
4. Waalidka aan iskood isugu filnayni waxay dhashooda qaangaarka ah xaq ugu leeyihiin
inay daryeelaan.
Qodobka 34aad
Carruurta
1. Ereyga “Carruur” ee qodobkan ku xusan waxaa loola jeedaa dadka da’dooda ka yar
tahay 15-jir.
2. Ubad kastaa markuu dhasho wuxuu xaq u leeyahay inuu helo magac suuban iyo
jinsiyad.
3. Ubad kastaa wuxuu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo dhaqanxumo, dayacaad, xadgudub
ama liiditaan.
4. Carruurta looma diri karo inay qabtaan hawl, ama adeegyo aan ku habboonayn
da’dooda, ama halis gelin kara caafimaadkooda iyo koritaankooda.
5. Carruurta waxaa la xiri karaa oo keliya muddo gaaban markii la waayo xal kale,
lagumana hayn karo dadka waaweyn dhexdooda marka laga reebo xigtada ugu dhow,
waana in lagu hayaa xaalado ku habboon.
6. Xigtada ugu dhow ee carruurta waa in sida ugu dhaqsaha badan oo suurtogal ah
xiridda caruurta loogu wargeliyaa.
7. Ubadka aan waalidiintoodu awoodi karin waxay xaq u leeyihiin inay helaan kaalmo
qareennimo oo kharajkeeda ay Dawladdu bixiso, si ay uga badbaadaan dacwad kasta
oo caddaalad-darro u keeni karta.
8. Carruurtu waxay xaq u leeyihiin in laga badbaadiyo dirir hubaysan, iyo in aan loo
adeegsan dagaallada hubaysan.
9. Danta carruurta ayaa mar walba mudnaan leh markay joogto arrin kasta oo
maslaxaddooda khusaysa, ayadoo xuquuqda waalidiintana aan lagu xadgudbayn.
Qodobka 35aad
Waxbarashada
1. Waxbarashadu waa xaq aasaasi ah oo ay leeyihiin dhammaan muwaadiniinta
Soomaaiiyeed.
2. Dhammaan muwaadiniintu waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho lacag la'aan ah
ilaa iyo dugsi sare.
3. Dawladdu waxay mudnaan siinaysaa horumarinta, baahinta iyo fidinta waxbarashada
dadka waaweyn.
4. Dawladdu waxay dhiirigelineysaa sare-u-qaadidda cilmi-baarista, hal-abuurka fanka iyo
farshaxanka, horumarinta ciyaaraha hiddaha iyo isboortiga.
5. Heer kasta oo waxbarasho wuxuu lahaanaya manhaj qaran oo u adeegaya horumarka
tayada aqooneed ee dadka.
6. Dawladdu waxay dhiirigelineysaa jiritaanka iyo horumarinta dusgsiyo, machadyo iyo
Jaamacado gaar loo leeyahay oo si sharciga waafaqsan lagu dhiso.
7. Dawladdu waa in ay kobcisaa waxbarashada sare, machadyada farsamada, machadyada
tiknoolajiyadda, jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baarista.
8. Barashada tacliinta Diinta Islaamka waa ku qasab ardayda dhigata dugsiyada Dawladda
iyo dugsiyada gaarka ah.
9. Dugsiyada ay leeyihiin dadka aan Muslim ahayn kuma qasbana arrinka ku xusan faqradda
8-aad ee qodobkan.
Qodobak 36aad
Horumarinta Dhaqanka iyo Hiddaha
1. Dawladdu waa in ay horumarisaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee Shacbiga
Soomaaliyeed, lagana faa’ideysto aqoonta caalamiga ah iyo horumarka ay bulshada
aadanuhu gaartay.
2. Waxay dhiirrigelineysaa, horumarineysaa fanka, suugaanta iyo ciyaaraha waddaniga
ah.
3. Dawladdu waa in ay ururisaa, ilaalisaa, kaydisaa waxyaabaha iyo xarumaha taariikhiga
ah ee dalka, iyadoo horumarinaysa aqoonta iyo farsamada xilkaas lagu gudan karo.
4. Dawladdu waa in ay hormarisaa dhammaan dhaqammada, afafka iyo lahjadaha dalka.
5. Waxay dhowreysaa caadooyinka wanaagsan waxayna tiigsanaysaa in ay bulshada ka
dhex baabi’iso caadooyinka wax u dhimaya midnimada, ilbaxnimada iyo caafimaadka
bulshada.
Qodobka 37aad
Xaqa helidda macluumaadka
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo macluumaadka ay dawladdu hayso.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay helitaanka macluumaadka ay cid kale hayso oo loogu baahan yahay
in lagu fuliyo ama lagu ilaaliyo xuquuq kasta oo daw loo leeyahay.
3. Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci lagu hirgelinayo xaqa macluumaad-helidda.
Qodobka 38aad
Go’aannada Maamulka
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in go’aamada kasoo fula maamullada ay ahaadaan
kuwo ku dhisan sharci, maangal ah, go’aan gaaristoodana loo maray hannaan caadil
ah.
Qodobka 39aad
Xaqa Dacwadda iyo Isdifaaca
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad sharciga waafaqsan ka furto
maxkamadaha awoodda u leh
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo garsoor madaxbannaan, caaddil ah, aan
eex lahayn, laguna qaadayo maxkamad dadweynaha u furan, laguna galo waqti
macquul ah.
3. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahey inuu iska difaaco dacwadda uu danaynayo, heer iyo
darajo kasta oo ay taagan tahay.
Qodobka 40aad
Xuquuqda Eedaysanaha
1. Eedaysanuhu wuxuu la mid yahay qof barii’ ah ilaa maxkamadi si kama-dambeys ah
ugu caddayso fal-dambiyeedka lagu soo oogay;
2. Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in isla markiiba la ogeysiiyaa
dembiga lagu tuhunsan yahay, looguna sheegaa af uu garanayo.
3. Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in xaaladdiisa la gaarsiiyo
qoyskiisa ama eheladiisa.
4. Qofna laguma qasbi karo dembi-qirasho, xukunkiisana saldhig looga dhigin qiraal lagu
qasbay.
5. Qof kasta oo la xiraa wuxuu xaq u leeyahay in 48 saac gudahooda lagu horgeeyo
maxkamad awood u leh.
6. Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaadaa wuxuu xaq u leeyahay in uu
qabsado qareen difaaca, haddii uusan awood u lahaynna ay dawladdu u qabato.
7. Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu goobjoog ka ahaado dacwaddiisa.
8. Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco caddaymaha la soo hordhigay
ee lidka ku ah.
9. Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in loo qabto turjubaan haddii uusan garanayn
afka maxkamadda laga isticmaalayo.
10. Eedeysanaha laguma hayn karo goob aan sharcigu bannayn, waana in loo oggolaado
booqashada eheladiisa, takhtarkiisa iyo qareenkiisa;
11. Masuuliyada ciqaabatu waa shakhsi, qofna looma ciqaabi karo fal-dembiyeed uu galay
qof kale.
12. Qofna looma ciqaabi karo fal markii uu ku kacay sharcigu uusan dembi u aqoonsaneyn,
haddii uusan ahayn dembi ka soo horjeeda banii’aadaminnimada, laguna cadeeyey
qawaaniinta caalamiga ah.
Qodobka 41aad
Xuquuqda Qofka Xukuman
1. Qofka ay maxkamadi xukuntay oo xiran waxa uu xaq u leeyahay ilaalinta
nabadgelyadiisa iyo sharaftiisa aadaminimo.
2. Xukumanuhu waxa uu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan eheladiisa, qareenkiisa,
dhakhtarkiisa iyo saaxiibadiis.
3. Qodka maxbuuska ahi waxa uu xaq u leeyahay daryeel caafimaad, cunto iyo
waxbarasho.
4. Qofka maxbuuska ahi waxa uu xaq u leeyahay xuquuqda caalamiga ah ee maxaabiista.
Qodobka 42aad
Isucelinta Eedaysaneyaasha iyo Dembiileyaasha
1. Isucelinta eedeysanayaasha iyo dembiilayaasha waxaa lagu oggoolaan karaa oo keliya
si waafaqsan sharciga, iyo in uu jiro heshiis isu-celin ay Soomaaliya dhinac ka tahay
ama heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dawladda Soomaaliyeed celinta
eedaysanaha ama dembiilaha.
2. Isucelinta eedaysanaha iyo dembiilaha waa in ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka
iyo qaanuunka caalamiga ah, waana in Baarlamaanku soo saaraa sharciga lagu
maamulayo isucelinta dembiilayaasha.
Qodobka 43aad
Qaxootiga iyo Magangelyada
1. Qof kasta oo Soomaaliya ku soo gala qaxootinnimo wuxuu xaq u leeyahay in aan dib
loo celin ama aan loo qaadin dal kale, haddii ay jirto cabsi muuqata oo ah in uu la
kulmayo ciqaab.
2. Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci waafaqsan qaanuunka caalamiga ah; kaas
oo nidaaminaya qaxootiga ama magangelyo-doonka.
Qodobka 44aad
Xaddidaadda Xuquuqda
1. Xuquuqda lagu sheegay Cutubkan waxaa xaddidi kara sharciga, haddii sharcigaasi
uusan si gaar ah u bar-tilmaameedsanayn shakhsiyaad ama kooxo. 252699 306665
2. Xuquuqdan waxaa xaddidaya sharciga, ama wax si gooniya looga soo reebay ama
arrimo gaar ah oo lagu xusay cutubkan, waase haddii xaddidaaddaasi ay tahay
maangal la caddayn karo, lana aqbali karo, si waafaqsan qiyamka lagu qeexay
Dastuurka.
3. Marka go’aan laga gaarayo in xadeynta xuquuqdu ay noqoto mid la aqbali karo oo
maangal ah, waa in la tixgeliyaa dhammaan arrimha la xiriira xadeyntaas.
4. Arrimaha la xiriira waxaa ka mid ah dabeecadda iyo ahmiyadda xuquuqda la xaddidey
iyo muhimmadda ujeeddo la rabo in lagu gaaro xaddidaadda; ha ahaato xadeyntaasi
mid habboon in lagu gaaro ujeeddada ama ha ahaato mid isla ujeeddadaas lagu gaari
karaayey iyadoo aan la xaddidin xuquuqdaas. Xaddididda suurtogalka ah ee xuquuqda
asaasiga ah ee muwaaddinka xilliga xaaladda degdegga waxay ku xusan tahay Cutubka
15-aad, qodobka 178.
Qodobka 45aad
Dib-u-xaqsooridda Ku-xadgudubka Xuquuqda
1. Sharcigu waa in uu qeexaa habraac habboon oo lagu saxayo xadgudubyada xaquuqda
aadanaha.
2. Dib-u-xaqsooridda xadgudubyada waa in lagu galaa maxkamad ay dadku si fudud
dacwad uga furan karaan.
3. Qof kastaa ama urur kastaa waa uu tegi karaa maxkamad, si uu u difaaco xuquuqda
dadka kale oo aan awoodin in ay iskood isu difaacaan.
Qodobka 46aad
Fasiraadda Xuquuqda Asaasiga Ah
1. Marka la fasiraayo xuquuqda ku xusan Cutubkan waa in maxkamaddu ay raadiso
gaaritaanka ujeeddooyinka laga leeyahay xuquuqdaas iyo qiyamka ay xambaarsan
yihiin.
2. Fasiraadda xuquuqdan waxay maxkamaddu tixgelineysaa Shareecada, qaanuunka
caalamiga ah iyo go’aannada maxkamadaha dalal kale, inkasta oo ayan qasab ku ahayn
inay raacdo go’aannadooda.
3. Marka guud ahaan sharci la fasiraayo ama la dhaqan-gelinayo, maxkamad kasta ama
madal kaleba waa in ay tixgelisaa muhimmada qodobbada Cutubkan, intii suurtagal
ahna go’aannadooda ka dhigaan kuwo la socon kara qodobadani.
4. Xuquuqda asaasiga ah ee ku xusan Cutubkan kama hor-imaaan karaan xuquuqda kale
ee Shareecada Islaamku jideysey iyo xeer-dhaqameedka la jaanqaadi kara Shareecada
iyo Dastuurka.
QAYBTA SADDEXAAD
WAAJIBAADKA MUWAADDINKA
Qodobka 47aad
Waajibaadka Muwaaddinka
1. Sida Diinta Islaamku qabto, caddaaladdu waxay ku jirtaa isu-dheellitirnaanta xuquuqda
iyo waajibaadka
2. Ku-dhaqanka sinnaanta, xorriyaadka iyo xuquuqda lagama sooci karo waajibaadka.
Muwaaddin kasta waxaa waajib ku ah :-
(a) in uu noqdo waddani daacad u ah horumarinta iyo wanaagga dalka,
(b) in uu ka qayb-qaato hawlaha waxtarka u leh muwaaddinka, qoyska, wanaagga guud
iyo in uu ka qayb-qaato horumarinta qaranka iyo bulshada uu la nool yahay,
(c) in uu horumariyo mas’uuliyadda waalidnimo,
(d) in uu dhiiriggeliyo midnimada qaranka, isaga oo kaashanaya muwaaddiniinta kale,
(e) in uu horumariyo mabda’a isla-xisaabtanka iyo talinta sharciga,
(f) in uu noqdo qof aqoon u leh qodobbada Dastuurka, si daacad ahna uu u taageero,
una difaaco Dastuurka iyo shuruucda dalka,
(g) in uu guto waajibka codbixinta xilliyada doorashada,
(h) in uu noqdo canshuur-bixiye wanaagsan, si uu uga qayb-qaato kharajka Dawladda si
waafaqsan awooddiisa wax-bixineed iyo sharciga, iyo
(i) in uu difaaco dhulka Jamhuuriyadda.
CUTUBKA AFRAAD
DHULKA, HANTIDA IYO DEEGAANKA
Qodobka 48aad
Dhulka
1. Dhulku waa kheyraadka koowaad ee Soomaaliya iyo saldhigga nolosha dadka.
2. Dhulka waa in loogu dhaqmaa, loo adeegsadaa, loona maamulaa si caddaalad ah,
waxtar iyo wax- soosaar joogto ahna leh;
3. Dawladda federaalku waa in ay dejiso siyaasad dhuleed oo heer qaran ah oo si joogto
ah dib-u-eegis loogu sameeyo. Siyaasadaasi waa in ay xaqiijiso:
(a) u sinnaanshaha fursadaha helitaanka dhulka iyo ka faaiideysiga khayraadkiisa,
(b) damaanad-qaadista xuquuqda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta;
(c) xaqiijinta ka faaiideysiga dhulka si waafaqsan mabaadii’da ka dheefsashada dhulka
iyadoon dhibaato loo geysan.
(d) in si degdeg ah oo lagu wada qanci karo loo xalliyo khilaafaadka ka dhasha dhulka
iyo hantida.
(e) in la xaddido dhulka uu qof ama shirkadi yeelan karaan;
(f) in la nidaamiyo dhaqdhaqaaqa suuqa ka ganacsiga dhulka, si looga hortago kutakrifalida
xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.
4. Lama bixin karo ruqsad la xiriirta isticmaalka abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada
sare ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Sharci Baarlamaanka Federaalka soo saaro ayaa
xaddidi baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalkooda.
5. Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay dejinayaan siyaasad dhuleed
heerkooda ah iyagoo ilaalinaya mabaadii’da ku xusan faqradaha 1aad, 2aad 3aad iyo
4aad ee qodobkan.
6. Kala qeexidda awoodaha Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada ee la xiriira
maamulka iyo maaraynta waxay ku tilmaaman yihiin lifaaqa 2-aad.
Qodobka 49aad
Khayraadka Dabiiciga
1. Khayraadka dabiiciga ah ee dalka sida macdanta, shidaalka, biyaha, dhirta, daaqa iyo
duur-joogtada waa hantida Dawladda Federaalka. Waa in uu Baarlamaanka Federaalku
dejiyaa sharci tilmaamaya habka looga faa’ideysanayo khayraadkaas, si ay ku jirto
danta guud.
2. Baarlamaanka Federaalka waa inuu dejiyaa sharci qeexaya sida ay kala yeelanayaan
Dawladda Federaalka, Dawlad Goboleedyadaiyo Maamulada Degaanada dakhliga ka
soo baxa shidaalka, macaadiinta iyo rukhsadaha kalluumaysiga.
Qodobka 50aad
Deegaanka
1. Xukuumadda federaalku waxay mudnaan siinaysaa ilaalinta, keydinta iyo dhawrista
deegaanka, iyadoo laga ilaalinayo wax kasta oo wax u dhimaya kala-duwanaanshaha
noole ee dabiiciga ah iyo qaab-dhismeedka dabiiciga ah ee deegaanka.
2. Dhammaan dadka ku nool Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa waajib ku ah ilaalinta iyo
kobcinta deegaanka Iyo ka-qaybgalka horumarinta, fulinta, maareynta, xannaanaynta
iyo dhawrista khayraadka dabiiciga ah iyo deegaankaba.
3. Xukuumadda federaalka iyo xukuumadaha dawlad goboleedyada ee waxyeellada
deegaanku ay saameeyeen waa in ay:
(a) qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu dhaqangelinaayo nadiifinta wasakhda iyo
haraaga sunta halista ah ee lagu shubay dhulka iyo biyaha Jamhuuriyadda,
(b) dejiyaan sharci, qaaddaana tallaabooyinka lagama-maarmaanka ah ee looga hortegayo
ku-daadinta iyo ku xabaalidda wasakhdaas; taasoo xadgudub ku ah gobannimada
Jamhuuriyadda, xeer-jebinna ku ah qaanuunka caalamiga ah,
(c) qaaddaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah in laga qaado magdhaw kuwa
mas’uulka ka ah ku-daadingta iyo ku xabaalidda wasakhada meel kasta oo ay
joogaanba,
(d) qaaddaan tallaabooyinka lagama-maarmaanka u ah dib-u-noolaynta, dib-u- dhiraynta,
kor-u-qaadidda iyo ilaalinta deegaanka, iyo ka hortaga wixii waxyeellayn kara
khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka dalka.
Qodobka 51aad
Khayraadka Dalka
Mabaadi’da ilaalinta khayraadka iyo qaybinta dakhliga ka soo xerooda ilaha khayraadkaas,
kuwa dabiicigaa iyo kuwa kaleba waa:
(a) In dadka degaanka la siiyo dhiiriggelin ay ku ilaaliyaan, kuna maamulaan kheyraadka
dabiiciga ah si masuuliyadi ku jirto.
(b) In xukuumadaha heer kastaa ay haystaan dhiiriggelin iyo dhaqaale lagu horumariyo,
laguna fuliyo siyaasadaha maamulka kheyraadka aan la cusbooneysiin karin, iyo in
sida ugu habboon looga fa’iideysto kheyraadkaas.
(c) Bulshada qaybaheeda ka faa’ideysata kheyraadka dabiicga ah waa in loo xilsaaraa
xannaanaynta, maaraynta iyo ka-faa’ideysiga kheyraadkaas.
CUTUBKA SHANAAD
MATILAADDA SHACABKA
QAYBTA KOOWAAD
Mabaadi’ida Guud ee Matilaadda Shacabka
Qodobka 52aad
Awoodda Shacabka
1. Awoodda talintu waxay ka bilaabataa kuna dhammaataa shacabka, wuxuuna
awoodaasi u adeegsadaa in uu la xisaabtan ku soo oogo hay’adaha Dawladda iyo
wakiillada u xilqaaman adeegga dadweynaha, hadba markii loo baahdo.
2. Nidaamka matilaadda shacabka waa in uu ahaado mid furan oo qof kasta fursad u
siinaya inu ka qayb-qaato, habraacyadiisa iyo xeerarkiisana si fudud loo fahmi karo.
3. Nidaamka matilaadu waa inuu ahaadaa mid ka hortegi kara qalalaase ka dhasha
tartanka siyaasadda iyo natiijooyinka doorashada.
Qodobka 53aad
Axsaabta Siyaasadeed
1. Axsaabta siyaasadeed waxay si nabadgelyo iyo dimoqraaddi ah ugu tartamayaan
hogaaminta siyaasadda dalka.
2. Axsaabta siyaasadeed, ha ahaadeen kuwa xukunka haya ama kuwa mucaaradka ah,
waxaa loo aqoonsan yahay tiir ka mid ah tiirarka nolosha siyaasadda iyo
dimoqraaddiyada ee dalka.
Qodobka 54aad
Shuruudaha Axsaabta
1. Dhammaan Axsaabta siyaasaddu waa in ay buuxiyaan shuruudaha soo socda:
(a) Waa in hawlgalkoodu u taagan yahay adkaynta iyo horumarinta midnimada qaranka,
(b) waa in ay u taagan yihiin xurmeynta, qaddarinta, horumarinta iyo difaacidda xuquuqda
aadanaha,
(c) waa in axsaabtu ku dhisnaadaan nidaamka xubunnimada iyo isdoorasho xor iyo
caddaaladba ah,
(d) waa in xisbi kastaa maraa habraaca diiwaangelinta Axsaabta iyo xurmaynta xeerdhaqanka
Axsaabta siyaasadda.
2. Waxaa reebban xisbi kasta oo siyaasadeed oo:
(a) qarsoodi ah, ama qaab ciidan ama ciidan-u-yaal leh ama abaabula colaad si uu
ujeeddoyinkiisa ku gaaro ama qaab hubaysan xukun ku qabsado ama leh magac iyo
astaamo qabiil,
(b) u ololeeyo kala googo’a dalka;
(c) adeegsada maaliyad ka timid ilo aan sharci ahayn.
(d) Sharci gaar ah ayaa tilmaamaya nidaamka axsaabta siyaasadeed.
QAYBTA LABAAD
DOORASHOOYINKA
Qodobka 55aad
Nidaamka Doorashooyinka
1. Hay’adaha sida tooska ah loo doorto waa:
(a) Baarlamaanka Federaalka oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare,
(b) Goleyaasha xeerdejinta Dowlad Gobaleedyadda, iyo
(c) Goleyaasha degaanka heer degmo.
2. Nidaamka doorashooyinka Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa saldhig u ah
isudhignaanta tirada kuraasta uu xisbi ka helo Goleyaasha ku xusan faqradda koowaad
ee qodobkan iyo boqolkiiba inta isla xisbigaasi ka helo tirada guud ee codbixinta heer
kasta oo doorasho.
Qodobka 56aad
Mabadi’ida Doorashooyinka
Nidaamka doorashadu waa inuu dammaanad qaadaa ku-dhaqanka xuquuqda siyaasadda ee
muwaaddiniinta oo ku xusan qodobka 27-aad ee Dastuurkan, waana inuu ku dhisnaadaa
mabaadi’da soo socota:
1. In geeddisocodka doorashadu noqdo mid sahlan, la fahmi karo xeerarkiisa,
qaababkiisa iyo habraacyadiisaba.
2. Dhammaan muwaadiniinta maalinta codbixinta sideed iyo toban (18) jirsaday,
buuxiyeyna shuruudaha sharcigu tilmaamay xaq siman ayey u leeyihiin in ay codkooda
dhiibtaan.
3. In dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliya ay helaan matalaad caaddil ah.
4. In laga hortago hurinta colaadaha.
Qodobka 57aad
Sharciga Doorashooyinka
Baarlamaanka Federaalka ayaa soo saaraya sharciga doorashooyinka ee heerarka qaranka,
Dawlad Goboleedyadaa iyo Goleyaasha Degaanka, sharcigaas waa in uu xaqiijiyaa:
(a) habka diiwaangelinta codbixiyeyaasha,
(b) in doorasho kasta codbixiyeyaashu ay helaan macluumaad ku filan oo ku saabsan
nidaamka doorashada, habraacyada iyo cidda ay dooranayaan,
(c) in nidaamka Diwaangelinta codbixiyeyaasha uu ahaado mid u suurtagelinaaya in
codbixiye kastaa is’hortaag iyo takoorid la’aan u dhiibto codkiisa,
(d) nidaamka xisbiyadu u marayaan xulidda murashaxiinta,
(e) habka xisbiyadda siyaasada u bandhigayaan liisaska murashaxiintooda iyo qaabka ay
ugu gudbinayaan liisaskaas Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta,
(f) in qof kasta oo codaynayaa uu awood u yeesho inuu codkiisa u dhiibto si waafaqsan
damiirkiisa, iyadoo uusan jirin cadaadis uga imanaya cid kale,
(g) in xilliga ololaynta doorashada Axsaabta siyaasadda iyo musharraxiintu ay helaan
fursado siman oo caddaalad ku dhisan.
(h) xaddidaada saamaynta ay lacagtu ku yeelan karto ololaha iyo natiijada
doorashooyinka,
(i) in nidaamka codbixintu uu ahaado mid sahlan, hufan, la hubin karo, xasilloon, islaxisaabtan
leh, oo daahfuran,
(j) nidaamka iyo habka lagu xaqiijin karo xafidaadda agabka doorashooyinka, loogana
hortegi karo maamulxumo, iyo
(k) xeerinta qaab habboon oo lagu xalliyo murannada ka dhalan kara doorashooyinka.
CUTUBKA LIXAAD
BAAHSANAANTA AWOODDA DAWLADDA EE JAMHUURIYADDA
QAYBTA KOOWAAD
QAABDHISMEEDKA IYO MABADII’DA WADA-FALGELIDDA HEERARKA DAWLADDA
Qodobka 58aad
Qaabdhismeedka Dawladda
1. Qaab dhismeedka Dowladda Federaalka Soomaliya, oo shacbigu gobannimadiisu si
dimuqraadi ah ugu adeegsanaayo hay’adaha wuxuu ka kooban yahay 3 heer dowladeed:
(a) Heerka Dowladda Qaranka
(b) Heerka Dowladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka;
(c) Heerka Maamullada Degaannada.
Qodobka 59aad
Xuduudaha iyo Tirada Dawladaha xubnaha ka Dawladda Federaalka
1. Tirada iyo xuduudaha dawladaha xubanaha ka ah Dawladda Federaalka iyo
degmooyinka cusub, inta uu socdo geeddisocodka federaalaynta dalku, waxaa
go’aaminaya Golaha Shacabka, isagoo go’aankiisa saldhig uga dhigaaya warbixin uu
soo gudbiyey guddi heer qaran ah oo madaxbannaan, oo lagu dhiso sharci loona
xilsaaro soohdimaynta xuduudaha maamuleed ee Jamhuuriyadda.
2. Xuduudaha degmooyinka dawladaha xubanaha ka ah Dawladda Federaalka waxaa
goynaya sharci uu soo saaro Baarlamaanka dawladaha xubanaha ka ah Dawladda
Federaalka, Baarlamaanka Federaalkuna ansixiyo.
3. Xuduudaha maamul goboleedyada iyo maamulada degaanadu, intii suurtogal ah,
waxay ku saleysnaan xuduudihii gobollada iyo degmooyinka ee jiray 1990-kii.
Qodobka 60aad
Mabaadi’da Federaalka ee Jamhuuriyadda
1. Heerarka kala duwan ee Xukuumaduhu marka ay dhexdooda ka macaamilayaan iyo
marka ay ku gudo-jiraan adeegsiga awoodda sharci-dejinta iyo awoodaha kaleba, waa
in ay ilaailyaan mabaadi’ida federaalnimada, sida:
(a) heer kasta oo xukuumadeed waa in ay haysato taageerada dadweynaha,
(b) awood walba waa in la siiyo hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-kuoolsan
u fulin karta,
(c) jiritaanka iyo joogtaynta xiriirro iskaashi iyo istaageerid labo-dhinacle ah oo ka
dhexeeya dawladaha xubanaha ka ah Dawladda Federaalka dhexdooda iyo
dawladaha xubanaha ka ah Dawladda Federaalka iyo Dawladda federaalka ah, si
uu u jiro dareen midnimo qaran,
(d) degaan kasta oo ka mid ah Jamhuuriyaddu waa inuu helaa adeegyo iyo
waxqabad xukuumadeed isu dhigma,
(e) khayraadka dalka oo si caadil ah loo qaybsado,
(f) dakhli-ururinta oo loo xilsaaro hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-oolsan
u fulin karta, iyo,
(g) khilaafaadka oo wadahadal iyo heshiisiin lagu xalliyo.
Qodobka 61aad
Iskaashiga Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada
1. Heer kasta oo Dawladeed ha ahaadeen kuwo isla heer ah ama Dawladda Federaalka
waa in ay wada lahaadaan xiriirro iskaashi.
2. Dawlad kasta waa in ay ixtiraamtaa, ilaalisaana xadka awoodaha ay leedahay iyo
awoodaha ay leeyihiin dawladaha kale, waana in ay:
(a) la yeelataa xiriir walaaltinimo oo wax-ku-ool ah heerarka kale ee Dawladaha una
horseedaa midnimada muwaadiniinta,
(b) heer kasta oo Dawladeed waa in ay ku wargelisaa heerarka kale siyaasadaha iyo
hawlgallada ay ka fulineyso degaanadeeda oo saamayn ku yeelan kara degaanada
heerarka kale,
(c) la yeelataa dawladaha kale siyaasado u adeegaya qorsheynta iyo hirgelinta
mashaariic hormarineed oo wadajir ah.
3. Baarlamaanka Federaalka waa in uu soo saaraa sharci xaqiijiya jiritaanka iyo
horumarinta xiriirada iskaashiga Federaaliga ah, lana joogteeyo kulan sanadeed ay
wada yeeshaan madaxda fulinta Dawladda Federaalka iyo Madaxda Fulinta dawladaha
xubanaha ka ah Dawladda Federaalka si ay isula meeldhigaan:
(a) xoojinta Midnimada Qaranka,
(b) sugidda ammaanka iyo nabadgelyada Dalka,
(c) horumarinta dhaqan-dhaqaalaha qaranka iyo suuqa mideysan ee dalka,
(d) horumarinta baraaraha shacabka,
(e) isdhaafsiga macluumaadka
(f) isuduwidda qorsheyaasha Dawladda Federaalka iyo dawladaha xubanaha ka ah
Dawladda Federaalka,
4. Dhammaan heerarka dawladaha waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan
Dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurka
iyo sharciyadu siiyeen.
5. Sharci Baarlamaanku ansxiyay waa inuu xeeriyo:
(a) Samaynta hay’ado iyo habraacyo fududaynaya wada falgelidda heerarka dawladda;
(b) Samaynta habaraacyo fududaynya xallinta khilaafaadka ka dhex dhasha heerarka
dawladda inta aanay u gudbin Maxkamadda Dastuurka.
Qodobka 62aad
Iskaashiga Dowlada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka
1. Madaxda Dawlad Goboleedyada iyo Mas’uuliyiintooda sare waxa waajib ku ah in ay
yeeshaan kulamo joogto ama kaltan ah oo ay kaga wada xaajoodaan arrimaha
degaamadooda wada saameeya.
2. Dawlad Goboleedyada dhexdooda ama Dawladda Federaalka ah waxay isla geli karaan
heshiisyo iskaashi oo ay ku wada hawlgalaan, aanse lahayn awood sharci, kana
horimanayn Dastuurka Federaalka.
Qodobka 63aad
Wada-xaajoodyada Caalamiga
1. Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqeynayo, Xukuumadda Federalku
waa in ay Dowlad Goboleedyadda kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada
dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada
caalamiga.
2. Marka ay wada xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya
dawlad/dawlado xubno ka ah Dawladda Federaalka, Xukuumadda Federalku ergada
wada-xaajoodka gelaysa waa in ay ku dartaa wakiillo ka socda dawladdaas ama
dawladdahaas.
3. Xukuumadda Federaalku marka ay ka hawlgelayso wada-xaajoodyada, waa in ay isu
aragtaa xil-gudashadeedana ka muuqataa in ay tahay ilaaliyaha danaha Dowlad
Gobaleedyadda.
CUTUBKA TODDOBAAD
BAARLAMAANKA FEDERAALKA
QAYBTA KOOWAAD
QODOBBO GUUD
Qodobka 64aad
Goleyaasha Barlamaanka Federaalka
1. Barlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay:
(a) Golaha Shacabka, iyo
(b) Golaha Aqalka Sare
2. Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare waxay xilalkooda xeerdejinta u gutaan si
waafaqsan Qaybta Afraad ee Dastuurkan.
Qodobka 65aad
Shuruudaha Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka
1. Baarlamaanka Federaalka waxaa loo dooran karaa:
(a) qof kasta oo ah Muwaadin Jamhuuriyadda Soomaaliya ah, dhimirkiisu dhan yahay,
da'diisuna aysan ka yareyn Shan iyo labaatan (25) sano, codbixiyena u
diiwaangahsan,
(b) qof kasta oo aan xuquuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkmadeed lagu hakin
shantii (5) sano ee ugu dambaysay,
(c) qof kasta oo leh ugu yaraan aqoon dugsi sare, ama waayoaragnimo u dhiganta.
2. Ka hor inta aan qofka la oggolaan murashaxnimadiisa, Guddiga Doorashadu waa inuu
hubiyo in musharraxu buuxiyey shurrudaha ku cad qodobkan.
Qodobka 66aad
Sababaha lagu lumiyo Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka
1. Xubinimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa:
(a) xubinta oo geeriyoota,
(b) xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogta ah,
(c) xubinta oo Istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay lagana oggolaado,
(d) ka maqnaansho hal kal fadhi oo xiriir ah ayada oo aanay jirin sabab maangal ah,
(e) xubinta oo aqbasha xil dawladeed aan wasiir ka ahayn.
2. Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad qodobka xarafka (b) ee
faqaradda (1) ee qodobka 65aad.
3. Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa
baddelaya qofka doorashadii hore xubin suge u ahaa.
4. Sharciga Doorashooyinka ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin
sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo malinta xildhibaanka
uu beddelayaa lumiyay xubinnimada Baarlamaanka.
Qodobka 67aad
Muddada xilhaynta
1. Muddada xil-haynta Baarlamaanka Federaalka waa afar sano oo ka bilaabata maalinta
natiijada doorshada lagu dhawaaqo.
2. Doorashada Golaha cusub waxaa ku dhawaaqaya Guddiga doorashooyinka Qaranka
iyo diiwaangelinta Axsaabta, waxayna dhacaysaa 30ka malmood ee ugu dambeeya
gudahood ee muddada madasha sharci-dejintu socoto.
3. Xildhibaan Baarlamaanka dib ayaa loo dooran karaa.
Qodobka 68aad
Xilka Xubnaha Baarlamaanka
1. Xubin kasta oo ka mid ah labada Aqala ee Baarlamaanka marka ay xilkeeda gudanayso
waa in uu ku shaqaysaa si ay danta qaranku ku jirto.
2. Xubin kasta oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare waxaa xil gaar ahi ka saaran yahay
matilaadda danaha dawlad-goboleedda uu matilayo iyo in uu ilaaliyo nidaamka
federaalka, kuna shaqeeyo dareen iskaashi federaalnimo.
Qodobka 69aad
Hoggaamiyaha Mucaaradka
1. Madaxweynuhu waa in uu Hoggaamiyaha Mucaaradka u magacaabaa qofka ay u
doorteen xubnaha Golaha Shacabka ee aan ka tirsanayn xisbiga xukuumadda,
isbahaysina aan kula jirin.
2. Miisaaniyadda Xukuumadda Federaalka waa in lagu daro qoondo maaliyadeed oo u
suurta gelinaysa Xafiiska Hoggaamiyaha Mucaaradka inuu guto xilalkiisa Qaran.
Qodobka 70aad
Awoodaha Baarlamaanka
Awoodaha xeer-dejinta ka sokow, awoodaha kale Baarlamaanka Federaalka waxaa ka mid ah:
(a) doorashada Madaxweynaha,
(b) ansixinta xaaladda Dagaal iyo oggolaanshaha awoodaha lagama maarmaanka u ah,
marka uu Madaxweynuhu u soojeediyo fadhiga guud ee labada Gole ee Baarlamaanka,
(c) ansixinta xaalad deg-deg ah marka ay dalka la soo gudboonaadaan aafooyin dabiici ah,
duulaan dagaal uu ku soo qaado dal kale, kacdoon guddaha oo halis gelin kara
Gobannimada iyo Midnimada Jamhuuriyadda, waxaana soo jeedin kara
Madaxweynaha oo keliya,
(d) Madaxweynaha Jamhuuriyaddu marka uu horgeynayo Baarlamaanka Federaalka
ansixin xaalada deg-deg ah waa inay la socotaa tallaabooyinka meelmarineed ee
lagama maarmaanka u ah xaaladaas.
QAYBTA LABAAD
GOLAHA SHACABKA
Qodobka 71aad
Xilka Xeerdejinta Golaha Shacabka
Golaha Shacabku wuxuu matilaa dhamaan shacabka Soomaaliya, xilka xeerdejinta ay tahay
inay gutaanna waxaa ka mid ah;
(a) wax ka beddelidda Dastuurka, si waafaqsan qaybta 4aad ee Cutubkan,
(b) ansixinta, wax ka beddelidda, iyo diidmada sharciyada la horgeeyo, si waafaqsan
Qaybta 4aad ee cutubkan,
(c) ka baaraandegidda sharciyada uu ansixiyo Golaha Aqalka Sare.
Qodobka 72aad
Tirada Xubnaha Golaha Shacabka
1) Xubnaha Golaha Shacabka waxaa si toos ah, qarsoodi ah, iyo madaxabannaani ku
dooranaya shacabka Jamhuuriyadda
2) Sharci gaar ah oo uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka ayaa qeexaya tirada iyo
halbeegyada saldhigga looga dhigayo go’aaminta tirada xubnaha Golaha Shacabka.
3) Tirada guud ee xubnha Golaha Shacabka waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeshaan
dhammaan qaybaha bulshada.
4) Inta aan la go’aamin tirada xubnaha Golaha Shacabka waa in la sameeyo tirakoob
Qaran, oo tobankii sanaba dib-u eegis lagu sameeyo. Sharci gaar ah ayaa qeexaya
habka loo samaynayo tirakoobka Qaran.
5) Tan iyo inta ay suurtagal ka noqonayso tirakoobka qaran ee ku xusan faqrada (4) ee
qodobkan, tirada xubnaha Golaha Shacabka waxay sii ahaanaysaa laba boqol iyo
labaatan iyo shan xubnood (225).
6) Qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda, marka uu xilka banneeyo, wuxuu
noqonayaa xildhibaan Golaha Shacabka inta uu nool yahay, haddii aan xil-ka-qaadis
loogu samaynin sababaha ku xusan qodobka 98(1) ee Dastuurkan, tirada
xildhibaanadana dheeraad ayuu ku yahay.
Qodobka 73aad
Afhayeenka iyo Ku-xigeenada Golaha Shacabka
1) Golaha Shacabka, fadhigiisa koowaad oo uu guddominayo qofka ugu da’da weyn, waa
inuu doorto Afhayeen iyo labo Ku-Xigeen.
2) Haddii ay dhacdo waqtiyada qaar in ay maqnaadaan Afhayeenka iyo ku-xigeennadiisu,
Goluhu waa in uu xubnihiisa ka dhex-doortaa shir-gudoomiye ku-meel-gaar ah.
3) Afhayeenku inta uusan qaban xilka waa in uu ka tanaasulo xil kasta oo uu ka hayo xisbi
siyaasadeed, waana in uu noqdo dhexdhexaad marka uu gudanayo xilalkiisa.
4) Afhayeenka iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqlabiyadda
tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka, xilkana kaga qaada codbidxinta saddex
dalool labo dalool xubnaha Golaha Shacabka.
Qodobka 74aad
Kal-Fadhiyada Golaha Shacabka
1. Golaha Shacabka ee cusub, fadhigiisa koowaad waa inuu ku qabsoomaa 30 maalmood
gudahood, kaddib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada guud. Maalinta iyo
taariikhda fadhiga la qabanayo waxaa ku dhawaaqaya Guddiga Qaranka ee
Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Axsaabta siyaasadda.
2. Golaha Shacabku waa inuu sannad kasta yeeshaa labo kalfadhi oo caadi ah oo ugu
yaraan midkiiba socdo afar (4) bilood.
3. Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka ayaa lagu xaddidayaa, waqtiyada iyo taariikhda
kalfadhiyada caadiga ah ee Golaha Shacabka iyo xilliyada nasashada.
4. Golaha Shacabku waxaa Kalfadhiyo aan caadi ahayn ugu yeeri kara:
(a) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka,
(b) Afhayeenka Golaha Shacabka
(c) Codsi qoraal ah oo ka yimaada boqolkiiba labaatan (20%) xubnaha Golaha
Shacabka.
Qodobka 75aad
Kala-dirista Golaha Shacabka
Golaha Shacabka waxa kala diri kara Madaxweynaha ka dib marka ay muddada xilhayntiisu
dhammaato sida ku xusan qodobka 67(1).
Qodobka 76aad
Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka
1. Golaha Shacabku waa in uu samaystaa xeer hoosaadkiisa, kaas oo siinaya ka-qaybgal
buuxa xubnihiisa.
2. Golaha shacabku wuxuu isu qaybinayaa guddiyo u kala xilsaaran hawlihiisa.
3. Golaha Shacbka marka la horkeeno hindise sharci wuxuu u xilsaarayaa guddiga qaabilsan
si uu uga soo baaraandego talona uga soo jeediyo fadhiga loo dhan yahay ee Golaha.
4. Hindise sharci oo Goluhu diiday dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay ka soo
wareegato saddex (3) bilood maalinta Goluhu diiday.
5. Fadhiyada Golaha Shacabka iyo guddiyadiisaba waa inay u furan yihiin dhegeysiga
dadweynaha iyada oo maanka lagu hayo mabaadi’da guud ee daahfurnaanta dawladda.
Xeer Hoosaadka Golaha ayaa qeexaya mararka ay lagama maarmaan noqonayso in
Golaha Shacabku yeesho fadhiyo ay albaabadu u xiran yihiin.
Qodobka 77aad
Awoodaha Golaha Shacabka
1. Golaha Shacabku wuxuu leeyahay awood xeerdejin oo ah:
(a) inuu ansixiyo, wax ka beddelo ama diido sharciyada la horkeeno,
(b) inuu curiyo sharci kasta oo aan ka ahayn kan la xiriira maaliyadda.
2. Awoodda la xisaabtaanka iyo komeeridda hay’adaha dawladda ee Heerka Qaran, gaar
ahaan dhinaca hubinta dhaqangelinta sharciyada dalka.
3. U yeeridda Rai’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada, Guddiyada Qaranka iyo
Xafiisyada Madaxabannaan. Mas’uul kasta oo u hoggaansami waaya u-yeeridda,
Golaha Shacabku wuxuu awood u leeyahay inu dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa.
4. Inuu Rai’isul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda
kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha
Shacabka.
5. Inuu cod saddex meelood labo, oo gacan-taag ah kalsoonida kagala noqdo Ra’iisul
Wasaraha iyo ku xigeenka Ra'iisul Wasaaraha.
Qodobka 78aad
Mudnaanta Xildhibaannada Golaha Shacabka
1. Xildhibaan Golaha Shacabka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka
hor dhiibto Golaha iyo guddiyadiisa.
2. Haddii aan laga haysan oggolaansho Golaha Shacabka, Xildhibaanka laguma qaadi karo
dacwad ciqaabeed; lama xiri karo lamana baari karo qof ahaan, hoygiisa ama meeshii
kale u gaar ah, haddaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab
ay tahay in la qabto, ama haddii aan laga helin oggolaansho Golaha Shacabka,
Xildhibaanka lama qaban karo, xabsina laguma hayn karo iyadoo la fulinayo xukun
maxkamadeed oo xataa kama dambays noqday.
3. Dacwad aan ahayn mid ciqaabeed Xildhibaanka waa lagu furi karaa, iyadoo aan
oggolaansho la weydiisan Golaha Shacabka.
4. Sharci gaar ah ayaa qeexaya xasaanadda Xildhibaanada Golaha Shacabka.
5. Gunnooyinka iyo daryeelka kale ee ay xaqa u leeyihiin Xildhibannada Golaha Shacabka
waxaa laga bixinaya Sanduuqa Dhexe ee Xukuumadda Federaalka.
QAYBTA SADDEXAAD
XILKA XEERDEJINTA AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA
Qodobaka 79aad
Xilka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu matilaa Dawlad Goboleedyada,
mas'uuliyadihiisa xeerdejinta waxaa ka mid ah:
(a) ka qaybqaadashada wax ka beddelidda Dastuurka,
(b) ansixinta, wax-ka-beddelidda iyo diidmada sharciyada saamaynta ku leh Dawlad
Goboleedyada,
(c) ka baaraandegidda sharciyada uu ansixiyo Golaha Shacabku.
(d) Xilka Aqalka sare ee Dawladaha xubnaha ka Dawladda Federaalka waxaa si buuxda u
sii fulinaaya Golaha Shacabka ilaa iyo inta ay ka soo dhismaayaan dawladaha xubnaha
ka Dawladda Federaalka, xubnahoodana si xor ah ay u soo doortaan shacabka
Gobaladu.
Qodobka 80aad
Tirada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
1. Xubnha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa si toos ah, qarsoodi ah oo
madaxbannaan u dooranaya shacabka dawladaha xunaha ka ah Dawladda Federaalka,
tiradoodana waa ugu badnaan 54-Xildhibaan oo ka imaanaya 18kii gobol ee Somaaliya
lahayd ka hor 1991-kii,
2. Dawlad Goboleedyada waxay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ku
yeelanayaan tiro isle’eg oo saldhigoodu yahay min saddex (3) xubnood gobol walba oo
jiray ka hor 1991, sida ku xusan faqradda (1) ee qodobkan.
3. Dhammaan qaybaha bulshada waa inay matilaad isu dheelli-tiran ku yeeshaan tirada
guud ee xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
Qodobka 81aad
Afhayeenka iyo Ku-xigeenada Golaha Aqalka Sare
Afhayeenka iyo Ku-xigeenka Aqalka Sare waxaa loo doortaa xilkana looga qaada habraaca la
mid ah kan Golaha Shacabka.
Qodobka 82aad
Kalfadhiyada Aqalka Sare
1. Aqalka Sare, fadhigiisa koowaad waa inuu ku qabsoomaa 30 maalmood gudahood, ka
dib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada guud. Maalinta iyo taariikhda fadhiga
la qabanayo waxaa goynaya Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta
Axsaabta siyasadda.
2. Aqalka Sare waa inuu sannad kasta yeeshaa labo kalfadhi oo caadi ah oo ugu yaraan
midkiiba socdo afar (4) bilood.
3. Xeer Hoosaadka Aqalka Sare ayaa lagu xaddidayaa, waqtiyada iyo taariikhda
kalfadhiyada caadiga ah ee Aqalka Sare iyo xilliyada nasashada.
4. Aqalka Sare wuu yeelan karaa kalfadhiyo aan caadi ahayn haddii:
(a) Madaxweynuhu isugu yeero,
(b) Afhayeenka Aqalku isugu yeero,
(c) Codsi qoraal ah oo ka yimaada ugu yaraan labo (2) Dowladaha xubnaha ka ah
Dawladda Federaalka.
Qodobka 83aad
Xeer Hoosaadka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
1. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waa in uu samaystaa xeer
hoosaadkiisa, kaas oo ka-qaybgal buuxa siinaya xubnihiisa.
2. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu isu qaybinayaa guddiyo u kala
xilsaaran hawlihiisa.
3. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka marka la horkeeno hindise sharci
wuxuu u xilsaarayaa guddiga qaabilsan si uu uga soo baaraandego talona uga soo
jeediyo fadhiga loo dhan yahay ee Golaha.
4. Hindise sharci oo Goluhu diiday dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay ka soo
wareegato Saddex (3) bilood maalinta Goluhu diiday.
5. Fadhiyada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo guddiyadiisaba waa inay u
furan yihiin dhegeysiga dadweynaha iyada oo maanka lagu hayo mabaadi’da guud ee
daahfurnaanta dawladda.
Qodobka 84aad
Go’aan-qaadashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
1. Haddii aan Dastuurku si kale u dhigin, Dawlad kasta oo xubin ka ah Dawladda
Federaalka waxay leedahay hal cod;
2. Go’aanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxay ku ansaxaan saddex dalool
labo tirada guud ee Dawlad Goboleedyadaa.
Qodoka 85aad
Ka-qaybgalka Wasiirrada ee Fadhiyada Golaha Aqalka Sare
1. Wasiirradu waxay ka soo qayb-geli karaan fadhiyada, kana hadli karaan, ayaga oo aan
cod ku lahayn. Xeer Hoosaadka Golaha wuxuu oggolaan karaa in kalfadhiyada caadiga
ah ay wasiirradu, qoraal ama tiraab, kaga jawaabaan su’aalaha xubnaha.
2. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ama guddiyadiisu waa ay u yeeri
karaan Ra’iisul Wasiiraha iyo xubnaha Golaha wasiirada si ay wax uga weydiyaan
arrimaha xilkooda la xiriira.
3. Aqalka Sare ama guddiyadiisu waa in ay si qoraal ah ugu diraan arrimaha ay ugu
yeeranayaan ugu yaraan toddobaad ka hor maalinta ay u muddeeyeen.
Qodoka 86aad
Mudnaanta iyo Xasaanadda Xubnaha Aqalka Sare
1. Xubnaha Aqalka Sare waxay leeyihiin mudnaan iyo xasaanad la mid ah tan xubnaha
Golaha Shacabka.
2. Golaha Aqalka Sare lama kala diri karo.
QAYBTA AFRAAD
HABRAACA SHARCIDEJINTA BARLAMAANKA FEDERAALKA
Qodobka 87aad
Hindise Sharci-dejin
1. Hindise sharci-dejin wuxuu Dastuurkani u aqoonsanyahay hindise sharci oo ku saabsan:
(a) waxkabeddelka Dastuurkan,
(b) hindise sharci cusub,
(c) wax kabeddelka sharci hore u jiray.
2. Ka doodidda hindise sharci oo la xiriira waxkabeddelka Dastuurkan waxay ka billabataa
Golaha Shacabka.
3. Ka doodidda Hindise kasta oo la xiriira sharci cusub ama waxkabeddelka sharci jirey ee
aan saamayn ku lahayn heerka Dawlad Goboleedyadawaxay ka bilaabataa Golaha
Shacabka.
4. Ka doodidda hindise sharci cusub ama waxkabeddelka sharci jirey haddii ay saamayn ku
leeyihiin dhammaan ama qayb ka mid ah Dawlad Goboleedyadawaxay ka bilaabataa
Golaha Aqalka Sare.
Qodobka 88aad
Curin Sharci
1. Hindise Sharci oo heer qaran ah, marka laga reebo waxkabeddelka Dastuurka Qaranka
waxaa curin kara:
(a) golaha wasiirada,
(b) ugu yaraan toban (10) xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka,
marka laga reebo hindise sharci oo la xiriira arrimaha maaliyadda, oo Golaha
Wasirada keliya ay curin karaan,
(c) ugu yaraan Ergo hal Dawlad xubin ka ah Dawladda Federaalka, ama guddi ka
mid ah Guddiyada Golaha Aqalka Sare ayaa Golaha horgeyn kara hindise sharci;
ama
(d) ugu yaraan toban Kun (10,000) muwaaddin oo codbixiye ahaan u
diiwaangashan.
Qodobka 89aad
Mashaariicda Sharci ee aan Saamaynta ku lahayn Dawlad Goboleedyada
1. Golaha Shacabka marka la horkeeno hindise sharci oo aan saamayn ku lahayn heerka
Dawlad Goboleedyada, waxaa u furan:
(a) inuu ku ansixiyo aqlabiyadda tirada guud ee Xubnaha Golaha Shacabka asaga oo
aan waxba laga beddelin ama asaga oo wax laga beddelay ka dibna u gudbiyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u ooggolaado, una saxiixo, ka dibna lagu soo
saaro Faafinta Rasmiga,
(b) in uu diido, una gudbiyo Xoghaynta Guud ee Baarlamaanka Federaalka si loogu
diiwaangeliyo hindise la diiday.
2. Golaha Shacabku marka uu diido hindisea sharci oo aan saamayn ku lahayn Heerka
Dawlad Goboleedyada, wa inuu ku celiyo dhinicii lahaa hor-keenidda hindisehaasiaas
Golaha nuqul hindisihiiii sharci oo bog walba ay uga dhufsan tahay shaabbad ay ku taal
“Golaha Shacabku Waa Diiday” oo uu la socdo qoraal sababaynaya arrimaha Golaha
Shacabku ku diiday meelmarinta hindisehaas.
Qodobka 90aad
Hindise Sharci oo Saamayn ku leh Heerka Dawlad Goboleedyada.
1. Golaha Shacabku marka la horkeeno hindise sharci oo saamayn ku leh heerka Dowlad
Goboleedyadda waxaa u furan:
(a) inuu ku ansixiyo aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka, ka dibna u
gudbiyo Golaha Aqalka sare oo ku ansixinaayo saddex meelood labo (2/3).
(b) inuu diido, ka dibna oggeysiiyo Golaha Aqalka Sare go’aankiisa diidmada oo uu la
socdo qoraal sababaynaya arrimaha uu u cuskaday diidmada hindisehaasaas.
2. Golaha Aqalka Sare, marka uu helo hindise sharci oo saamayn ku leh heerka Dawlad
Goboleedyadaoo uu ansixyay Golaha Shacabku waxaa u furan:
(a) inuu ku ansixiyo saddex dalool labo tirada Dawlad Goboleedyada asaga oo ah
sidii Golaha Shacabku ku ansixiyey, ama asagii oo wax laga beddelay, dibna ugu
celiyo Golaha Shacabka; iyo
(b) inuu diido.
3. Golaha Shacabku marka uu helo hindise sharci oo uu hore u ansixiyay, Aqalka Sarena
oggolaaday asaga oo aan wax isbeddel ah lagu samayn, waa inuu u gudbiyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u oggolaado, una saxiixo, ka dibna loogu soo
saaro Faafinta Rasmiga.
4. Golaha Shacabku marka uu helo hindise sharci oo saamayn ku leh heerka Dawlad
Goboleedyada , oo Golaha Aqalka Sare diiday ama uu ansixay asaga oo wax laga
beddeley, waxaa u furan:
(a) in diidmada ama waxkabeddelidda Golaha Aqalka Sare ku buriyo aqlabiyad saddex
dalool labo tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka, ka dibna u gudbiyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u oggolaado, una saxiixo, ka dibna loogu soo
saaro Faafinta Rasmiga,
(b) inuu Golaha Aqalka Sare ku raaco diidmada sidaasna ugu gudbiyo Xoghaynta Dhexe
ee Baarlamaanka Federaalka si loogu diiwaangeliyo hindise la diiday,
(c) inuu Golaha Aqalka Sare ku raaco isbeddellada uu ku sameeyay hindisahaa sharci
ka dibna u gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u oggolaado, una saxiixo,
ka dibna loogu soo saaro Faafinta Rasmiga.
Qodobka 91aad
Soo Saaridda iyo Faafinta Sharci
1. Sharci kasta oo mara dhammaan tallaabooyinka habraaca xeer-dejinta
Baarlamaanka Federaalka waxaa ku soo saaraya Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka soddon (30) maalmood guddahood.
2. Madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay muddada ku xusan faqradda laad ee
qodobkan dhexdeeda in uu sharcigaas dib ugu celiyo Baarlamaanka Federaalka,
isagoo sababta raacinaya, codsanayana in dib looga doodo, go’aanna laga gaaro.
3. Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, hadba golihii uu Madaxweynuhu ku
celiyo sharci, waxaa u furan inuu mar kale ansixiyo haddii saddex dalool labo
xubnaha Golaha uu sharcigaasu khuseeyo isku raacaan. Gole ka mid ah
Baarlamaanku haddii uu dib u ansixiyo sharci uu Madaxweynuhu ku celiyay,
Maxahweynuhu waa in uu ku soo saaraa soddon malmood guddahood.
4. Sharciga Goluhu isku raaco, Madaxweynuhuna saxiixo, waxaa lagu baahinaya
Faatinta Rasmiga, wuxuuna dhaqangelayaa shan iyo toban (15) maalmood kaddib
mar lagu soo saaro Faafinta Rasmiga, hadduusan sharcigu muddo ka duwan
sheegin.
5. Haddii Goluhu ku caddeeyo cod hal dheeri ah in sharcigu degdeg yahay, waa in lagu
soo saaro muddada Sharciga lagu tilmaamay oo aan marna ka yaraan karin shan (5)
maalmood.
Qodobka 92aad
Faafinta iyo Xafidaadda Sharciyada
Xafiiska Garyaqaanka Guud ayaa u xilsaaran Faafinta Rasmiga iyo kaydinta sharciyada.
Qodobka 93aad
Durid Sharci
1. Sharci maray habraaca ansixinta sharciyada iyo dhaqangeliddaba waxaa lagu duri
karaa oo keliya inuu ka soo horjeedo Dastuurka.
2. Sharci maray shuruudaha ku xusan faqradda (1aad) ee qodobkan waxaa duri kara:
(a) Golaha Aqalka Sare, asagoo isu-dhan ama ergo Dawlad ka mid ah dawladdaha
xubnaha ka ah Dawladda Federaalka,
(b) Saddex meelood meel xubnaha Golaha Shacabka,
(c) Golaha Wasiirada Federaalka,
(d) Muwaaddin kasta oo danaynaya una diiwaangashan codbixiye ahaan.
3. Duridda sharci waxaa la horgeyn karaa, go’aanna ka gaari kara Makamadda Dastuurka
oo keliya.
4. Haddii Maxkamadda Dastuurku ay jebiso durid sharci, kharajka ku baxay waxaa
bixinaya dhinicii hindisaha duridda Maxkammadda Dastuurka hor-keenay.
5. Habraaca loo marayo duridda iyo go’aan ka-gaarista sharci waa in lagu qeexaa
Nidaamka Garsoorka Dawladda.
CUTUBKA SIDDEEDAAD
LAANTA FULINTA
QAYBTA KOWAAD
MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA
Qodobka 94aad
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka:
(a) waa Madaxa Dawladda;
(b) waa Astaanta Midnimada Qaranka;
(c) waa Ilaaliyaha iyo Dhaqangeliyaha Mabaadi’da Asaasiga ah ee Dastuurka;
2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu xilkiisa u gudanayaa si waafaqsan
Dastuurkan iyo sharciyada kale ee dalka.
Qodobka 95aad
Shuruudaha Doorashada Madaxweynenimada
1. Waxaa loo dooran karaa xilka Madaxweynaha muwaaddin kasta oo:
(a) Soomaali ah, Muslim ah,
(b) da’diisu ka yareyn afartan sano,
(c) leh aqoon gaarsiisan heer jamacadeed ama waayo arragnimo u dhiganta,
(d) inuusan gelin dembi culus oo maxkamadi ku xukuntay.
2. Musharaxa Madaxweynenimadda ku guulaysta, haddii uu haysto jinsayad dal ama
dalal kale waa inuu ka tanasulaa jinsiyadaha shishiyeeye ka hor inta uusan u dhaaran
xilka Xafiiska Madaxwenenimada.
Qodobka 96aad
Doorashada Madaxweynaha
1. Madaxweynaha waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya.
2. Ugu yaraan saddex meelood labo tirada guud ee Gole walba ee Baarlamaanka
Federaalka waa inay joogaan u codaynta doorashada Madaxweynaha, waxaana
guddoominaya Guddomiyaha Maxkamadda Dastuurka.
3. Waa in ay musharaxnimadiisa u soo jeediyaan fadhiga labada Gole ee Baarlamaanka
ugu yaraan toban (10) xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
4. Golaha Aqalka Sare marka uu codeynayo doorashada Madaxweynaha waxay xubin
kastaa leedahay hal cod.
5. Musharax kastaa ee Madaxweyne waa in uu ku dhawaaqa oggolaanshaha
musharaxnimada, waana in uu soo bandhigaa barnaamijkiisa doorashada.
6. Habka doorashada Madaxweynuhu waa:
(a) codeynta doorashada Madaxweynaha waa qarsoodi,
(b) labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka waxay Madaxweyne u dooranayaan
murashaxa ku guleysta saddex meelood labo xubnaha labada Gole,
(c) haddii murashaxu ku guuleysan waayo waxaa codeyn labaad loo qaadayaa
afarta murashax ee ugu cod badan, waxayna ku kala guuleysanayaan saddex
meelood labo,
(d) haddii murashaxu ku guuleysan waayo codbixinta labaad waxaa codbixin
saddexaad loo qaadayaa labada murashaxiin ee ugu cod badan, waxaana
Madaxweynenimada ku guuleysanaya murashaxa hela aqlabiyada tirada guud
ee xubnaha Baarlamaanka.
7. Doorashada Madaxweynuhu waa inay qabsoonto 30 maalmood ka hor inta aysan
dhammaan muddada xil-haynta Madaxweynaha xilka haya, waxaana taariikhda
maalinta doorashada si rasmi ugu dhawaaqaya Afhayeenka Golaha Shacabka.
8. Sharci gaar ah oo Baarlamaanka Federaalku soo saaro ayaa tilmaamaya tafaasiil
dheeraad ah ee la xiriira habraaca doorashada.
Qodobka 97aad
Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha
Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah:
1. Inuu maalinta bilashada sannadka Hijriyeed, Milaadiyada, iyo ciidaha Soon-fur, Carafa,
Ciidaha Qaran iyo mar kasta oo ay la haboonaato dadweynaha u jeediyo hadal ku
saabsan xaaladaha dalka iyo adkaynta geedisocodka midnimada Qaranka.
2. Magacaabista Ra'iisul Wasaaraha xil-ka- qaadistiisa marka Golaha Shacaku kala noqdo
kalsoonida.
3. Inuu oggolaado, saxiixana sharciyada uu ansixiyey Baarlamaanka Fedraalku, laguna soo
saaro Faafinta Rasmiga.
4. Inuu magacaabo Danjireyaasha iyo Ergooyinka dibolomaasiga ah, soojeedinta Golaha
Wasiirada kadib.
5. Waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida.
6. Ku dhawaaqidda xaalada dagaal, ka dib marka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalku.
7. Ku dhawaaqidda xaaladda deg-degga ah, ka dib marka uu ansixiyo Baarlamaanka
Federaalka.
8. Inuu warqadaha aqoonsiga ka aqbalo Danjireyaasha iyo Ergooyinka kale ee caalamiga
ah.
9. Meelmarinta Heshiisyada Caalamiga ee ay dhinac ka tahay Dawladda Federaalka,
Golaha Shacabkuna ansixiyay.
10. Inuu bixiyo billad-sharafeedyada iyo aqoonsiyada mudnaanta leh iyo shahaado
sharafyada.
11. In uu cafis u fidiyo ama ciqaab ka dhimo xukumanayaasha
12. Inuu Golaha Shacabka horgeeyo murashixiinta garsoorayaasha Maxkamadda Sare,
Maxkamadda Dastuurka, xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka oo aan ka mid ahayn
garsoorayaasha Maxkamadda Sare iyo Maxkamaadda Dastuurka.
13. Inuu xeer Madaxweyne ku soo saaro magacaabidda Garsooreyaasha Maxkamaddaha
Racfaanka iyo Garsooreyaasha Maxkamadaha Derajada Kowaad, ka dib markuu helo
soojeedinta Golaha Adeegga Garsoorka.
14. Inuu Golaha Shacabka u gudbiyo ansixinta Guddiyadda iyo Xafiisydada
Madaxabanaan, ka dib markuu helo soojeedinta Golaha Wasiiradda.
Qodobka 98
Muddada Xilka Madaxweynaha
Madaxweynaha Jamhuuriyaddu Federaalka wuxuu xilka haynayaa shan sano, laga bilaabo
maalina la dhaariyo, mar keliya ayaana dib loo dooran karaa oo xiriir ah.
Qodobka 99aad
Xil-Ka-qaadista iyo Maxkamadeynta Madaxweynaha
1. Madaxweynaha waxaa xil-ka-qaadista lagu soo oogi karaa haddii saddex meelood
meel tirada guud ee Golaha Shacabka ay fadhiga guud ee labada Gole ee
Baarlamaanka Federaalka horgeeyaan eedeyn sababaysan ee la xiriirta in uu galay
khiyaamo qaran ama xadgudub Dastuur.
2. Madaxweynaha wuxuu banneynayaa xilka xafiiska Madaxweynaha haddii hindisaha xilka-
qaadistiisa ay taageeraan ugu yaraan saddex meel labo (2/3) tirada guud ee labada
Gole ee Baarlamaanka Fedraalka, waxaana xilka la wareegaya Afhayeenka Golaha
Shacabka, waana in muddo soddon (30) maalmood gudahooda lagu soo doortaa
Madaxweyne cusub.
3. Madaxweyne marka xilka looga qaado si waafaqsan faqradaha (1) iyo (2) ee qodobkan,
waxaa dhegeysiga dacwadaha lidka ku ah galaysa, go’aanna ka gaaraysa Maxkamadda
Sare.
Qodobka 100aad
Bannaanaanta Xafiiska Madaxweynaha
1. Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka wuxuu ku bananaanayaa haddii ay
dhacaan xaaladaha soo socda:
(a) istiqaalo madaxweyne oo la aqbalay,
(b) xil-ka-qaadis waafaqsan faqradaha (1) iyo (2) ee Qodobka 100aad,
(c) caafimaad-darro gaarsiisay xil-gudasho la’aan joogto ah; ama
(d) geeri.
2. Haddii uu bannaanaado xafiiska Madaxweynaha sababo la xiriira Xarfaha (a), (b) iyo (d) ee
faqrada (1) ee qodobkan waa in Baarlamaanka Federaalka uu ku doorto Madaxweyne
cusub muddo aan ka badnayn soddon (30) maalmood gudahood, waxaana muddadaas
xilka xafiiska Madaxweynaha sii haynaya Afhayeenka Golaha Aqalka Sare.
3. Doorashada Madaxweynaha cusub waxaa loo maraya habraaca doorashada
Madaxweynaha si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerhoosaadyada Baarlamaanka Federaalka.
4. Madaxweynaha lagu doorto si waafaqsan faqradda (2) ee qodobkan wuxuu
dhamaystirayaa muddada xilhaynta ee u harsanayd Madaxweynihii ka horeeyey.
Qodobka 101aad
Ku-simaha Madaxweynaha
Haddii Madaxweynuhu ka maqan yahay dalka ama si kumeelgaar ah caafimaad-darro darteed
uusan awoodin inuu guto xilkiisa, Afhayeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa
xilkiisa sii qabanaya ilaa inta uu Madaxweynuhu xilkiisa dib ugu soo noqonayo.
Qodobka 102aad
Dhaarinta Madaxweynaha
Inta uusan xilka qaban, Madaxweynaha Jamahuuriyada waxaa Baarlamaanka Federaalka
hortiisa ku dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka. Wuxuu marayaa Dhaarta ku
xusan Jadwalka 2aad.
QAYBTA LABAAD
XUKUUMADDA
Qodobka 103aad
Golaha Wasiirada
1. Xukuumaddu waa hay’adda fulinta ee ugu sarraysa maamulka Dawladda, waxayna ka
kooban tahay Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen, Wasiiro, Wasiiro
Dawlayaal iyo
2. Kulanka wadajirka ah ee Ra'iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen, Wasiirro,
Wasiiro Dawlayaal iyo Wasiir Ku-xigeeno waxaa ka samaysmaya Golaha Wasiirrada.
3. Magacaabista iyo xil-ka-qaadista Ra’iisul Wasaaraha, Barnaamijka Xukuumadda iyo
xubnaha Golaha Wasiiradda waxay ku ansaxayaan kalsoonida Golaha Shacabku ku
siiyo cod furan oo hal dheeri ah (50+1).
4. Xil-ka-qaadista iyo kalsooni kala noqashada xukuummaddu waxay ku ansaxaysaa isla
habraaca ku xusan faqradda (3) ee qodobkan.
5. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen, Wasiirada, Wasiiro Dawlayaal iyo Wasiir Ku-xigeeno, waxa
magacaaba, xilkana ka qaadaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda marka uu helo
soojeedinta Ra'iisul Wasaaraha.
6. Tirada Wasaaraduhu kama badnaan karaan sideed iyo toban (18) wasaaradood.
7. Xubnaha Golaha Wasiirada waxaa loo magacaabi karaa xubin ka mid ah Golaha
Shacabka isaga oo aan lumin xildhibaannimada iyo muwaadin kasta oo Soomaaliyeed
oo buuxiya shuruudaha ku xusan qodobka 105-aad ee Dastuurka.
8. Xubnaha Xukuumaddu waxay si wadajir ah ay mas’uul uga yihiin hawlaha Golaha
Wasiirrada.
9. Istiqaalada ama xil-ka-qaadista Ra’iisul Wasaaruhu waxay sababeysaa kala diridda
Golaha Wasiirada.
Qodobka 104aad
Shuruudaha Xubinnimada Golaha Wasiirada
1. Qofka qabanaya xilka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Ku-xigeenkiisa:
(a) waa in ay da’diisu ka yaraan soddon iyo shan (35) sano,
(b) aqoontiisuna gaarsiisan tahay heer jaamacadeed.
2. Qofka loo magacaabayo Wasiir ama Wasiir Dawlo ama Wasiir-ku-xigeen:
(a) waa in ay da’diisu ka yaraan soddon (30) sano,
(b) aqoontiisuna gaarsiisan tahay heer jaamacadeed.
3. Xubnaha Golaha Wasiirada muddada ay xilka hayaan, waxaa ka reeban:
(a) in ay qabtaan xilal kale oo aan ahayn xilka xildhibaannimada Golaha Shacabka,
(b) in ay qabtaan meherad madaxbannaan, hawl ganacsi, maaliyadeed ama
warshadeed oo gaar ahaaneed,
(c) in ay iibsadaan ama ijaartaan hanti dawladeed,
(d) In ay hantidooda ka gadaan ama ka ijaaraan dawladda.
Qodobka 105aad
Xilalka Golaha Wasiirrada
1. Golaha Wasiirradu wuxuu leeyahay awoodaha soo socda:
(a) dejinta siyaasadda guud ee Xukuumadda iyo dhaqangelinteeda,
(b) oggolaanshaha xeerarka maamulka iyo fulinta, si waafaqsan Dastuurka iyo
shuruucda dalka,
(c) diyaarinta hindiseyaasha sharci iyo soo-hor-dhigiddooda Golaha Shacabka,
(d) diyaarinta miisaaniyad-sannadeedka iyo xisaab-xirkeeda,
(e) dejinta qorshaha guud oo lagu hormarinayo dalka,
(f) dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka iyo ilaalinta danaha
Dawladda,
2. Awoodaha kale ee Dastuurka ama shuruucda lagu siiyey.
Qodobka 106aad
Xilka iyo Awoodaha Ra’iisul Wasaaraha
1. Ra’iisul Wasaaraha wuxuu mas’uul ka yahay;
(a) jihaynta siyaasadda guud ee Xukuumadda,
(b) ilaalinta isku-xirnaanta siyaasadda xukuumadda,
(c) isu-duwidda iyo kormeerida hawlaha Wasaaradaha.
(d) horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirada iyo Barnaamijka
Xukuumadiisa si ay u helaan kalsoonida Golaha.
2. Ra’iisul Wasaaraha waxaa go’aannada la saxiixaya, markii loo baahdo, Wasiirka u xilsaaran
fulintooda.
Qodobka 107aad
Ku-Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha
Ku-Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha wuxuu qabtaa xilka Ra’iisul Wasaaraha marka uu dalka ka
maqan yahay, iyo xilalka kale uu u igmado Ra’iisul Wasaaruhu.
Qodobka 108aad
Xilka Wasiirka, Wasiiru Dawlaha iyo Wasiir ku-xigeenka
1. Wasiir kastaa wuxuu si shakhsi ah mas’uul uga yahay hawlaha Wasaaraddiisa.
2. Wasiiru Dawluhu wuxuu qabtaa xil gaar ah oo uu Ra’iisul Wasaaruhu u xilsaaro.
3. Wasiir ku-xigeen kasta wuxuu qabta xilka Wasiirka wasaaraddu u igmado.
Qodobka 109aad
Xukuumadda Xil-Gaarsiinta
Inta u dhaxaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Ra’iisul Wasaaraha cusub la dhaarin
doono Ra’iisul Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiiradu waxay sii haynayaan
xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee xukuumadda si xilgaarsiin ah.
Qodobka 110aad
Dhaarta
Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiiradu markay helaan codka kalsoonida ee Golaha
Shacabka, inta aysan xilgudasho gelin, waxa lagu dhaarinayaa kalfadhi gaar ah ee Golaha
Shacabka, waxaana dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka, waxayna marayaan
dhaarta ku xusan Jadwalka 2-aad.
CUTUBKA SAGAALAAD
AWOODDA GARSOORKA
Qodobka 111aad
Awoodda Garsoorka Jamhuuriyada
Awoodda Garsoorka waxaa u xilsaaran Maxkamadaha.
Qodobka 112aad
Xilka, Awoodda iyo Madaxbannaanida Garsoorka
1. Awoodda Garsoorka waxaa leh Maxkamadaha.
2. Garsoorku waa ka madaxbannaan yahay awoodda sharci-dejinta iyo tan fulinta,
xubnaha garsoorkuna waxay u hoggaansamayaan sharciga oo keliya.
3. Sharafta Garsoorka iyo hufnaanta garsooreyaashu waa saldhigga dammaanadda
xuquuqda iyo xorriyaadka dadka iyo cadaaladda.
4. Garsoorku wuxuu ilaaliyaa nidaamka Dawladda, Dastuurka iyo shuruucda dalka.
5. Garsoorku wuxuu kafaala-qaadaa, si sharciga waafaqsanna u sugaa xorriyaadka
shakhsiga ah iyo xuquuqda muwaaddinka iyo qofka.
6. Garsooraha laguma oogi karo dacwad ciqaab ah ama madani ah oo ka dhalatay fal la
xiriira gudashada xilkiisa garsoorenimo.
7. Garsooraha lama baari karo qofnimadiisa ama hoygiisa, haddii aan oggolaansho laga
haysan Golaha Adeegga Garsoorka.
Qodobka 113aad
Habka Dacwad Qaadista
1. Dacwad-qaadistu waxay u furan tahay dhegeysiga dadweynaha, hase yeeshee,
maxkamaduhu waxay go’aansan karaan in dacwadda lagu dhegeysto qol ka xiran
dadweynaha sababo la xiriira anshaxa, nabadgelyada qaranka, badbaadinta
markhaatiga, iyo haddii dacwaduhu khuseeyaan dhallaan ama kufsi.
2. Go’aan maxkamadeed lama gaari karo haddii aan la siinin dhinacyada fursado isku mid
ah oo ay ku soo bandhigaan doodahooda.
3. Go’aan kasta oo maxkamadeed waa inuu ku qotomo sababo sharciyeed.
Qodobka 114aad
Midnimada Garsoorka iyo Nidaamka Maxkamadaha Dalka
1. Garsoorka Jamhuuriyadda Federaalkawaa mid midayasan.
2. Waxaa jiraya hal nidaam maxkamadeed oo ka kooban:
(a) Maxkamadda Sare;
(b) Maxkamadda Dastuurka;
(c) Maxkamadda Racfaanka;
(d) Maxakamadda Darajada Koowaad.
Qodobka 115aad
Dhismaha Maxkamadda Dastuurka
1. Waxa jiraya Maxkamadda Dastuurka oo ka kooban ugu yaraan shan (5) garsoore ah oo
ay ku jiraan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenku.
2. Gudoomiyaha Maxkamadda Dastuurka waxaa iska dhex dooranaya isla xubnaha
Maxkamadda Dastuurka.
3. Magacaabista garsooreyaasha Maxkamada Dastuurka waa in lagu saleeyaa xeel dheeri
aqooneed ee Shareecada iyo qaanuunka, waana in ay takhasus gaar ah u leeyihiin
arrimaha Dastuurka.
4. Maxkamadda Dastuurku waxay leedahay awoodaha soo socda:
(a) in ay hubiso in hindise sharci waafaqsan yahay Dastuurka marka sidaas la weydiisto,
(b) in ay si kama dambeys ah u burriso sharci Baarlammanka Federaalka ansixiyay ama
go’aan maamul oo ka so baxay xukumudda, haddii uu ka soo horjeedo dasturka
dalka,
(c) in ay go’aamiso xilliga uu dhaqangelayo go’aankeeda burrinta sharciga qaldan,
(d) awoodda kama dambaysta ee go’aan looga gaarayo muranada ka dhaxeeya dowladgoboleedyada
iyo dowlada dhexe ama xukuumadaha dowlad goboleedyada
dhexdooda; awooddaan waxay Maxkamaddu isticmaali kartaa oo keliya ka dib
marka uu mira dhal noqon waayo wadahadal iyo wada xaajood looga gol lahaa in
lagu xalliyo khilaafkaas;
(e) go’aannada ay gaarto Maxkamadda Dastuurka ee la xiriira arrimo Dastuur waa kuwa
kama dambays ah.
Qodobka 116aad
Dacwad Gudbin
1. Dacwad-u-gudbinta Maxkamada Dastuurka waxaa leh:
(a) Madaxweynaha;
(b) Ra’iisuul-Wasaaraha;
(c) Xeer-Ilaaliyaha Guud;
(d) Ugu yaaraan 25 xubnood oo ka tirsan labada Aqal midkood;
(e) Xukuumadda Dowlad Goboleedda;
(f) Guddiyada Madaxa-bannaan;
(g) Qof kasta oo uu saameeyo sharci ama tallaabo ka soo horjeedda Dastuurka.
2. Dhinacyada kor ku xusan oo aysan ku jirin shakhsiyaadka caadiga ahi waxay talo ku
saabsan arrimo Dastuur weyddiisan karaan Maxkamadda Dastuurka.
Qodobka 117aad
Dacwad- u-gudbinta Maxkamadaha Kale
Maxkamadaha kale ee dalku waxay weydiisan karaan Maxkamada Dastuurka talo ama
fasiraad ku saabsan Dastuurka marka si ay go’aan uga gaaraan dacwado maxkamadahooda
horyaal. Maxkamaddu waa in ay sidaas yeesha hadii qof qayb ka ah kiiska maxkamada
horyaal uu codsado, maxkamadduna ay ku qanacdo in go’aan-ka-gaarista arrimaha
Dastuuriga ahi ay udub dhexaad u yihiin go’aan-ka- gaarista kiiska.
Qodobka 118aad
Maxkamadda Sare
1. Waxa la dhisayaa Maxkamad Sare oo ka kooban, ugu yaaran, sagaal garsoore oo uu ku
jiro Gudoomiyuhu.
2. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa iska dhex dooranaya xubnaha garsooreyaasha
Maxkamadda Sare.
3. Xubnaha garsooreyaasha Maxkamadda Sare waa in ay aqoon sare iyo xeeldheeri u
leeyihiin Shareecada iyo qaanuunka.
4. Maxkamadda Sare waxay awood u leedahay dhammaan dacwadaha marka laga reebo
kuwa la xiriira arrimaha Dastuuriga ah.
Qodobka 119aad
Maxkamado Gaar ah
1. Lama abuuri karo hay’ado garsoor oo aan caadi ahayn iyo kuwo gaar ah.
2. Maxkamadaha caadiga ah waxaa laga dhex abuuri karaa qaybo takhasus u leh
maaddooyin gaar ah.
3. Sharci gaar ah ayaa tilmaamaya awooda Maxkamadaha Ciidammada Qalabka.
Qodobka 120aad
Maxkamadda Racfaanka iyo Maxkamadaha Derejada Kowaad
Xilalka iyo qaab-dhismeedka Maxkamadda Racfaanka iyo Maxkamadaha Darajada Kowaad
waxaa qeexi Xeerka Nidaamka Garsoorka.
Qodobka 121aad
Xal-dhaqameedka Khilaafaadka
1. Maxakamaduhu waxay aqoonsanayaan go’aanada xeer-dhaqameedku ku xalliyo
khilaafaadka, waxaana hadafka aqoonsigaasi xaddidaya sharci gaar ah.
2. Ka sokow faqrada (1) khilaafaadka lagu xalliyo xeer-dhaqameedka waa lagu sii dhaqmi
karaa haddii aysan ka horimaneynin Shareecada ama Dastuurkan.
Qodobka 122aad
Magacaabista Garsooreyaasha
1. Qofka Garsoore loo magacaabayo waa inuu yahay qof hufnaan leh, oo leh aqoon iyo
khibrad munaasab u ah jagada garsoore ee loo magcaabayo.
2. Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa aqlabiyadda
titrada guud ee labada gole ku dooranaya Garoosoorayaasha Garoorayaasha
Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Dastuurka, ka dib marka ay helaan soo jeedinta
Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
3. Garsooreyaasha aan ka mid ahayn Maxkamadda Dastuurka iyo Maxkamadda Sare
waxaa soo jeedinaya magacaabistooda Golaha Adeegga Garsoorka, waxaana lagu
magacaabaya wareegto Madaxweyne.
Qodobka 123aad
Muddo Xileedka Garsooreyaasha
1. Da’da hawlgabka uu garsooruhu ku gelayo waa toddobaatan (70) sanno.
2. Garsoore lagama qaadi karo xilka, haddii aan loo cuskan, oo aan lagu helin anshaxxumo,
dhaqan-xumo, awooddarri jireed ama mid maskaxeed oo joogto ah oo lagu
caddeeyay baaritaan. Xeerka Nidaamka Garsoorka ayaa qeexi habraacyada la xiriira xil
ka-qaadista garsooraha.
3. Cabashada laga keeno garsoore ee ku saabsan anshax-xumo waxaa loo gudbinayaa
Golaha Adeegga Garsoorka oo qaadaya tallaabooyinka ku habboon markay ku
qancaan inay jiraan sababo maaangal ah oo keenaya in la baaro garsooraha.
4. Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu magacaabayaa guddi madaxbannaan oo ka kooban
saddex garsoore oo xil haya ama hawlgab ah oo baara anshax-xumida lagu soo
eedeeyay Garsooraha.
5. Garsooraha waxaa laga qaadayaa xilka haduu guddigu caddeeyo in ay jirto dhaqanxumada
culus ee lagu soo eedeeyay garsooraha.
6. Hadii Golaha Adeegga Garsoorku uu ku qanco inay jiraan sababo maangal ah oo la
xariira inaan garsoore gudan karin xilkiisa sababo la xiriira awood-yari jireed iyo mid
maskaxeed, waxay magacaabayaan guddi baara caafimaadka garsooraha. Guddigu
waa inuu ka koobnaado xeeldheerayaal caafimaad iyo ugu yaraan hal garsoore. Haddii
ay guddiga u caddaato in uusan garsooruhu sii wadi karin xilkiisa, Golaha Adeegga
Garsoorku wuxuu garsooraha galinayaa, caafimadkiisa awgii.
Qodbka 124aad
Golaha Adeegga Garsoorka
1. Waa inuu jiraa Gole Adeeg Garsoor oo Madaxbannaan, xilkiisuna yahay hoggaaminta
siyaasadda guud iyo maamul ee garsoorka, sida magacaabidda, xil ka-qaadista, anshaxmarinta,
kala badelidda, mushaharka iyo gunnada hawlgabka garsooreyaasha sida ku xusan sharciga. Shuruudaha hawlaha garsoorka waxaa dejinaya Golaha Adeegga Garsoorka.
2. Golaha Adeegga Garsoorku wuu ka madaxbannaan yahay awooddaha Sharcidejinta iyo
Fulintaba.
3. Golaha Adeegga Garsoorku wuu u madaxbannaan yahay miisaaniyaddiisa, waxayna u
gudbinayaan miisaaniyaddooda Wasaaradda Maaliyadda, iyaga ayaana maamulanaya
iyagoo raacaya sharciyada maaliyadda.
Qodobka 125aad
Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka
1. Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu ka kooban yahay:
(a) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
(b) Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka;
(c) Xeer-Ilaaliyaha Guud;
(d) Labo qof oo ay soo magacaabeen Ururka Qareenadu;
(e) Gudoomiyaha Guddiga Xuquuqda Aadanaha;
(f) Min hal qof oo ay soo magacaabeen Xeer-dejiyeyaasha Dawlad Goboleedyada;
(g) Hal qof oo uu soo magacaabo Madaxweynuhu.
2. Gudoomiyaha waxaa iska dhex dooranaya xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka.
Gudoomiyuhu wuxuu xilka haynayaa mudo Shan (5) sano ah, waxaana loo
cusbooneysiin karaa hal muddo xileed kale.
3. Gudoomiyaha Guddigu wuxuu iska wareejinayaa dhammaan xilalka ka baxsan hawlaha
Guddiga islamarka loo dhaariyo xilkaas.
4. Qofka loo doorto Gudoomiyuhu wuxuu haynayaa muddo xileed oo dhameystiran,
iyadoo aan loo eegin wixii muddo ah oo uga dhinnaa xilkiisii hore ee uu iska wareejiyey.
Qodobka 126aad
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud
1. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu ka mid yahay hay’adda Garsoorka ee dalka.
2. Golaha Adeegga Garsoorka ayaa u soo jeedinaya Golaha Aqalka Sare magacyada dadka
u qalma in ay noqdaan Xeer-ilaaliyaha Guud si ay u ansixiyaan. Madaxweynaha ayaana xeer- madaxweyne ku magacaabaya.
3. Xeer-ilaaliyaha Guud waxaa shaqada looga qaadi karaa sababo iyo habraac la mid ah
kuwa looga qaadayo garsooraha.
4. Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu ilaalinayaa dhaqangelinta shuruucda dalka, wuxuuna
taabbogeliyaa talinta sharciga. Xilalkiisa iyo waajibaadkiisa waxa qeexaya Xeerka
Nidaaminta Garsoorka.
5. Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu u xilsaaran yahay dacwad oogista.
6. Sharci gaar ah oo Barlammaanka Federaalku ansixiyo ayaa xeerinaya xilalka iyo
awoodaha xafiiska Xeer ilaaliya Guud.
CUTUBKA TOBNAAD
HOGGAAMIYE DHAQAMEED
Qodobka 127aad
Xeer Dhaqameedka
1. Xeer-dhaqameedka Soomaalidu waa qiyam soojireen ah oo ka mid ah tiirarka aasaaska
u ah isqaddarinta iyo wada noolaashada bulshada.
2. Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalku wuxuu aqoonsan yahay xeer-dhaqameedka aan
ka horimanayn Shareecada Islaamka, Dastuurkan iyo sharciyada dalka, iyo in
mas’uuliyadda dhawrista iyo dhaqangelinta xeer-dhaqameedku saaran tahay
hoggaamiye dhaqameedyada.
Qodobka 128aad
Kaalinta Hogaamiye Dhaqameedyadda
1. Kaalinta hoggaamiye dhaqameedyada waxaa ka mid ah:
(a) Xalinta khilaafyada beelaha dhexdooda ka dhasha;
(b) Adkaynta nabadda iyo xasilloonida bulshada;
(c) Ka hortegida colaadaha;
(d) Kaabidda hawlaha dhammaan heerka dowladda ee ku aaddan adkaynta
midnimada shacabka iyo horumarinta dalka;
(e) Horumarinta dhaqanka suuban ee soojireenka ah ee Soomaalida.
Qodobka 129aad
Xiriirka Dawladda iyo Hagaamiye dhaqameedyada
1. Dhammaan heerarka Dawladdu waa in ay hoggaamiye dhaqameedyada gacan ku
siiyaan gudashada mas’uuliyadda ku xusan faqradda hoose ee qodobkan.
2. Hogaamiye dhaqameedyadu waa inay heerarka kala duwan ee dawladda ku
taageeraan fulinta sharciga.
Qodobka 130aad
Qaab-Dhismeedka iyo Waajibaadka Hoggaamiye Dhaqameedyada
Sharci gaar ah oo Barlammaanka Federaalku ansixiyo ayaa xeerinaya qaab-dhismeedka iyo
maqaamka hogaamiye dhaqameedyada.
CUTUBKA KOW IYO TOBNAAD
GUDDIYADA IYO XAFIISYADA MADAXABANNAAN
Qodobka 131aad
Mabaadi’da Guud
1. Guddiyada iyo Xafiisyada Madaxabannaan waa hay’ado qaran oo ka madaxbannaan
xukuumadda ama xakamayn siyaasadeed, karaanna u leh adeegsiga awoodahooda iyo
gudashada xilalkooda.
2. Guddi ama Xafiis Madaxabannaan marka uu ku jiro gudashada waajibaadkiisa iyo
hawlgalkiisa waa in ay ka muuqataa in uu ku shaqaynayo dareenka dhawrista
xuquuqda aadanaha, dimuqoraaddiyada iyo daahfurnaanta.
3. Guddi iyo Xafiis Madaxbannan marna ma hoos imanayo, kamana amar qaadanayo qof
ama hay’ad awood xukun leh midna.
4. Maaliyadda Guddiyada iyo Xafiisyada Madaxabannaan waa madaxyo kala gaar oo mid
walbi gaarkiisa loogu qoondeeyay miisaaniyadda Qaranka.
Qodobka 132aad
Samayska Guddiyada iyo Xafiisyada Madaxabannaan
1. Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, tirada xubnaha uu ka koobmayo Guddi ama
Xafiis Madaxbannaani kama yaraan karto shan (5), kamana badan karto sagaal (9),
kuwaas oo si joogto ah u shaqaynaya.
2. Xubnaha Guddiyada iyo Xafiisyada Madaxbannaan saddex meelood meel waa in ay noqdaan haween.
Qodobka 133aad
Xulidda, Magacaabidda iyo Xil ka qaadista Guddiyada iyo xafiisyada Madaxabanaan
Sharci gaara oo Baarlamaanka Federaalku ansixiyo ayaa qeexaya habraaca xulidda,
magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Guddiyada iyo xafiisyada madaxabanaan.
Qodobka 134aad
Shuruudaha Xubnaha Guddiyada iyo Xafiisyada Madaxabannaan
Qofka loo magacaabayo xubin Guddi ama Xafiis madaxbannaan waa in uu buuxiyaa
shuruudaha soo socda:
(a) in uu leeyahay aqoon ama waayoaragnimo u dhiganta gudashada xilka ,
(b) in uu leeyahay akhlaaq iyo sumcad wanaagsan,
(c) inuu leeyahay raad-raac hawlkarnimo ee la xariira u adeegga dadweynaha, iyo
(d) inuu buuxiyo shuruud kasta oo kale oo uu tilmaamay sharciga Guddiga lagu dhisay
Guddiga ama Xafiiskla loo magacaabayo.
Qodobka 135aad
Muddada Xilka
1. Muddada haynta xilka ee xubinta Guddigu ama Xafiis Madaxbannaan waa shan sano,
oo loo cusboonaysiin karo hal mar oo keliya.
2. Xubin kasta oo ka istiqaaloonaysa xubinnimada Guddiga waa inay qoraal ahaan ugu
gudbiso Madaxweynaha.
Qodobka 136aad
Waajibaadka Warbixn
Guddi kasta oo madaxbannaani waa inuu warbixin sannadeed u soo bandhigo Baarlamaanka
Federaalka. Warbixinada guddiyadaasi waa in ay noqdaan kuwo dadweynuhu heli karaan, si
sahlan, lana fahmi karo loo qoro.
Qodobka 137
Xil-ka-Qaadis Xubin Guddi ama Xafiis Madaxbannaan
1. Xubin Guddi ama Xafiis Madaxbannan waxay meel-mar noqonayasa marka tirada guud ee
Goalaha shacabku ansixyo.
2. Haddii aan sharcigu si kale u tilmaamin, soo jeedin Xil-ka-qaadis xubin ka mid ah Guddi
amd Xafiis madaxabannan waxaa Goalaha shacabka horgeyn kara Madaxweynaha, ka dib
marki uu ku qanco soo jeddin Goalaha Wasiirrada.
Qodobka 138aad
Guddiyada iyo xafiisyada Madaxabanaan
1. Guddi kasta iyo Xafiis kasta oo Madaxbannaan inta aan la dhisin waa in la sameeyo
sharci baarlamaanku ansixiyay oo xeerinaya qaab-dhismeedkiisa, xilalkiisa iyo
awoodihiisa, iyo tafaasiil kasta oo sharci oo lagama maarmaan u ah xil gudashadiisa.
2. Guddiyadda Madaxabanaan waxaa ka mid ah:
(a) Guddiga Madaxabannaan ee Hirgelinta Dastuurka Federaalka
(b) Guddiga Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Axsaabta siyaasadeed;
(c) Guddiga Xuquuqda Aadanaha;
(d) Guddiga shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda;
(e) Guddiga la dagaallanka Musuqmaasuqa
(f) Guddiga Xadeynta Xuduudaha Dawlad Goboleedyada.
(g) Guddiga Xallinta Khilaafaadka dhulka iyo hantida.
(h) Guddiga ilaalinta Bay’adda iyo ka hortegidda masiibooyinka.
(i) Guddiga warbaahinta Qaranka
(j) Guddiga Olimbikada Qaranka.
3. Xafiisyadda Madaxabanaan waxaa ka mid ah:
a. Hanti-dhawrka Guud
b. Bankiga Dhexe
c. Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud
d. Xafiiska Tirakoobka qaran
4. Guddi ama Xafiis Madaxbannaan aan ahayn kuwa ku taxan faqaraddaha (1) iyo (2) ee
qodobkan waa la dhisi karaa, ayada oo la marayo habaraacyada u degsan dhismaha
Guddiyada iyo Xafiisyada Madaxabannaan.
5. Guddi iyo ama Xafiis kasta oo Madaxbannaan inta aan la dhisin waa in la sameeyo
sharci Baarlamaanku ansixiyay oo xeerinaya qaab-dhismeedkiisa, xilalkiisa iyo
awoodihiisa, iyo tafaasiil kasta oo sharci oo lagama maarmaan u ah xil gudashadiisa.
CUTUBKA LABO IYO TOBNAAD
SHAQAALAHA RAYIDKA EE DAWLADDA
Qodobka 139aad
Qiyamka Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah
Shaqada rayidka ee heeraraka kala duwan ee Xukuumaddau waa ammaano Ummadda loogu
adeego, waana in ay ku saleysnaataa qiyamka Dastuurka, naxariis, daahfurnaan, u-adeegga
bulshada iyo dhawrista ku kala dambeynta derajooyinka maamul, dhegonugayl, sir-xajin,
asluub-wanaag shaqo, hawlkarnimo waxa-ku-ool ah, mihnadyahannimo, dhawrista
mabaadii’da cadaaladda, sinnaan iyo habka xilgudashada ugu habboon.
Qodobka 140aad
Ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah
Shaqaalaha rayidka ah laguma dhibaatayn karo gudashada hawlaha la xiriira xilkooda, lagama
eryi karo shaqada, xilka lagama qaadi karo, derejo-dhimisna laguma samayn karo haddii
aysan jirin sabab cad oo oo macquul ah, loona marin habraaca mabaadii’da xaqsoorka
sharcigu tilmaamayo.
Qodobka 141aad
Magacaabista Hawlwadeennada Darajooyinka sare
Hawlwadeennada derajooyinka sare ee Dawladda uu sharcigu tilmaamo waxaa magacaabaya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ka dib markuu arko soojeedinta Wasiirka wasaaradda ay
khuseyso iyo oggolaanshaha Golaha Wasiirada.
Qodobka 142aad
Hawlwadeennada iyo Shaqaalaha Dawladda
1. Hawlwadeennada iyo Shaqaalaha Dawladdu waxay xilkooda u gudanayaan si
waafaqsan sharciga iyo danta guud oo keliya.
2. Hawlwadeennada iyo shaqaalaha Dawladdu kama mid noqon karaan hay'addaha
hoggaaminta ee axsaabta siyaasadda.
3. Waa in Sharci lagu xaddidaa qaybaha shaqaalaha Dawladda ee ka reebban in ay xubno
ka noqdaan xisbiyo siyaasadeed iyo hawlaha aan la socon karin xilalka ay hayaan.
4. Xaaladda qaanuun ee shaqaalaha Dawladda waxaa nidaaminaya sharciga.
5. Shaqada joogtada ah ee Dawladda, waxaa looga mid noqon karaa tartan furan oo
keliya, marka laga reebo xaaladaha sharcigu si kale u tilmaamay.
Qodobka 143aad
Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah
1. Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalku waxay
shaqaalaysanayaan hawl-wadeennadooda.
2. Gudigga Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda Federaalku wuxuu dejinayaa mabaadii’da,
xeerarka iyo shuruudaha shaqo-qorista iyo arrimaha kale ee khuseeya shaqada
dawladda ee heer kasta.
3. Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada waxay iska kaashanayaan ka-wadafaa’iideysiga
hawl-wadeennada heerarka kala duwan, si loo xaqiijiyo in khibradda iyo
waayoaragnimadu u noqdaan kuwo laga heli karo heer kasta oo looga baahan yahay,
iyada oo taasna lagu horumarinayo midnimada qaranka.
CUTUBKA SADDEX IYO TOBNAAD
DAWLAD GOBOLEEDYADA
Qodobka 144aad
Hay’adaha Dawlad Goboleedyada
Dhismaha laamaha Xeerdejinta iyo fulinta ee Dawladaha Dawlad Goboleedyada waa arrimo
lagu nidaaminayo Dastuurrada Dawlad Goboleedyada oo lagu ansixiyo si waafaqsan
Dastuurkan.
Qodobka 145aad
Mabaadii’da Dastuurrada Dawlad Goboleedyada
1. Dastuurrada Dawlad Goboleedyada waa in ay waafaqsan Dastuurka Federaalka iyo
mabaadii’diisa asaasiga.
2. Dastuurrada Dawlad Goboleedyada waa in ay raacaan mabaadi’da guud iyo
qaabdhismeedka Dastuurka federaalka.
3. Dastuurrada Dawlad Goboleedyada waa in ay xaqiijiyaan dhawrista xuquuqda iyo
badbaadinta dadka lag tira badan yahay.
Qodobka 146aad
Samaynta Dastuurrada Dowladaha Xubnaha ka ag Dawladda Federaalka
1. Dawlad Goboleedyada waa in ay kala tashadaan Dalwadda federaalka ah qorshaynta
qaabka iyo habraaca samaynta Dastuurradooda.
2. Dawlad Goboleedyada waa in ay u sameeyaan Dastuurradooda si dimoqoraaddi ah oo
ay dadweynuhuna si buuxda uga qayb-galayaan.
3. Dastuurka Dawlad xubin ka ah Dawladda Federaalka marka la ansixiyo kaddib waa in loo
gudbiyo Maxakamadda Dastuurka si ay dib-u-eegis ugu samayso una hubiso in uu
waafaqasan yahay Dastuurka Federaalka. Haddii Maxkamadda Dastuurku ay u sugnaato
in uusan waafaqsanayn Dastuurka Federaalka, waa in ay tilmaan sababaysan ka bixisaa
sida loo waafajin karo.
4. Dastuurka Dawlad xubin ka ah Dawladda Federaalka ansax noqon maayo ilaa iyo inta
Maxakamadda Dastuurku ay ka caddaynayso in uu yahay mid waafaqsan Dastuurka
Federaalka.
Qodobka 147aad
Wax-ka-bedelidda Dastuurrada Dawlad Goboleedyada
1. Wax-ka-beddelidda Dastuurrada Dawlad Goboleedyada waa in loo sameeyo si
dimoqoraaddi ah, iyadoo la siinayo dadweynaha fursad ballaaran oo ay uga
qaybqaataan geedisocodka wax-ka-beddalka Dastuurka.
2. Haddii Dawlad xubin ka ah Dawladda Federaalku ay ku talajirto in ay wax ka bedesho
Dastuurkeeda, waxay wargelinaysaa Dawladda Federaalka, waxayna Maxkamada
Dastuurka u gudbinaysaa qodobada dib-u-eegistooda la meelmariyey.
3. Waxkabeddel kasta sharci ma noqonayo, mana hirgalayo ilaa Maxkamadda Dastuurka
ay caddayso in waxkabedeladu ay waafaqasan yihiin Dastuurka Federaalka.
CUTUBKA AFAR IYO TOBNAAD
MAALIYADDA GUUD
Qodobka 148aad
Mabaadi’da Maaliyadda Guud
1. Mabaadi’da asaasiga ah ee maamulka maaliyadda guud ee Jamhuuriyadda Soomaaliya
waxaa ka mid ah:
(a) furfurnaan iyo isla-xisaabtan,
(b) caddaalad,
(c) la dgaallanka musuqmaasuqa,
(d) horumarinta dalka iyo danta midnimada qaranka,
(e) ka dawrsashada baylihinta maaliyadda,
(f) isudhellitirnaanta Dawlad Goboleedyada.
2. Dakhliga waa in loo wadaajiyo qaybha dalka si loo helo fursado horumarin oo siman.
Qodobka 149aad
Awoodaha Dakhli-ururinta
1. Dawladda Federaalku waxa ay ka ururin kartaa dakhli ilaha leh saamayn Qaran ee ku
tilmaaman sharci baarlamaanka federaalku ansixiyo.
2. Xukuumadaha Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalku waxay dakhli ka
uruurin karaan ilaha leh saamayn heerkooda eek u tilmaaman sharci Baarlammaanka
Federaalku ansixiyo.
3. Xukuumada Federaalku sharci ayey ugu oggolaanaysaa xukuumadaha Dawladaha
xubnaha ka ah Dawladda Federaalku, iyo dawladaha hoose in ay ururiyaan canshuuro
ama dakhli ay leedhay dawladda Federaalku, waana inay u celisaa kharajka uga baxay
ururinta dakhligaas.
4. Si loo dhiirri geliyo dakhli ururinta xukuumadaha Dawlad Goboleedyada, iyo
dawladaha hoose, Dawladda Federaalka way u bannaan tahay in ay u kala qoondayso
Dawlad Goboleedyada iyo dawladaha hoose dhammaan ama qayb ka mid ah dakhli ay
iska leedahay Dawladda Federaalku, hase yeeshee, ay ururiyeen dawladaha Xubnaha
ka ah Dawladda fedearaalka ama dawladaha hoose.
5. Xukuumadaha Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalku iyo dawladaha hoose
waa in ay dakhliyada sharcigu u banneeyay u isticmaalaan horumarinta adeegyada
asaasiga ah iyo horumarinta degaannada.
Qodobka 150aad
Canshuur-soo-rogidda
1. Ururinta cashuuraha waxaa lagu jidayn karaa, wax lagaga beddeli karaa, lagu laali
karaa, ama lagu burin karaa sharci uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka oo keliya,
2. Lama qaadi karo cashuur aan waafaqsanayn faqradda (1) ee qodobkan.
3. Sharciga canshuuraha waa in si siman loogu dhaqo cashuur bixiyayaasha.
4. Cashuur dhaaf waa reebban yahay marka laga reebo kuwa lagu cayimo sharci
Baarlamaanka Federaalku ansixiyo. Cashuur dhaaf kasta oo la sameeyona waa in la
oggeysiiyo Hantidhowrka Guud.
Qodobka 151aad
Noocyada Qaybinta Dakhliga Dawladda Federaalku Siiso Dawladaha Kale
1. Dhakhliyada Xukuumada Federaalku waxaa loo adeegsan karaa oo keliya:
(a) Fulinta waajibaadyada dawladda federaalka,
(b) Isudheellitirka Dawlad Goboleedyadaa.ama
(c) kayd qaran ahaan.
2. Khilaafka kasta oo dhex mara Dawladda Federaalka iyo heerarka kale ee dawladda
lana xiriira kala qoondaynta dakhliga, marka hore waa in la isku dayo in sulux lagu
dhammeeyo inta aan loo gudbin Maxkamadda Dastuurka.
Qodobka152aad
Mabaadii’da Hagaysa Qaybinta Lacagaha
Baarlamaanka Federaalku waa inuu soo saaro sharci dakhliga ku xerooda khasnada Dawladda
Federaalka in si isudheellitiran loogu kala qoondeeyo heerarka kale ee dawladda, si
waafaqsan qodobka 147 aad ee dastuuran.
Qodobka 153 aad
Amaahashada
1. Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalku waxay amaahan karaan lacag marka
ay dammaanad ka haystaan Xukuumada Federaalka.
2. Amah-qaadashada Dawladaha Xubnaha ka ah waa in aanay kala dhantaalin siyaasadda
guud ee dhaqaalaha oo ay hagto Dawladda Federallku iyo awoodda iska bixinta
daymaha dibadaha laga amaahdo.
Qodobka 154aad
Khasnadda Guud
Dhammaan dakhliga ay soo ururiso Dawladda Federaalka waa in lagu shubaa sanduuq lagu
dhisay sharci Bangiga dhexena gacanta ku hayo isla markaana ay maamulaan hay’adaha
dawladda ee u xilsaaran, looguna isticmaalo ujeedooyinka lagu oggolaaday sharciga.
Dhammaan dakhliyada iyo kharashyada waa in loogu tallaabsado si daahfuran iyada oo la
marayo habraaca miisaaniyadda guud.
Qodobka 155aad
Qaybinta iyo Qoondaynta Dakhliga
Hal-beegga u-qaybinta dakhliga Federaalka Dawlad Goboleedyadaa ee lagu xusay qodobka
147 waa in lagu saleeyaa Sharciga Qaybinta Dakhliga Federaalka ee Sanadlaha ah oo uu
ansixiyey Baarlamaanka Federaalku.
Qodobka 156aad
Dibu-u-dhisidda iyo Horumarinta Degaannada Dib-u-dhacsan
1. Sharci gaar ah waa in lagu sameeyo Sanduuqa Dibudhisidda iyo Horumarinta Qaranka
oo loogu tala galo horumarinayo degaannada colaaduhu sameeyeen iyo kuwa dhinaca
dhaqaalaha ugu dibudhacsan Jamhuuriyada.
2. Sanduuqa Dibudhisidda iyo Horumarinta Qaranka waxaa maaraynaya guddi ay
xubnaha ka yihiin wakiillo degaannadaas iyo ugu yaran min hal xubin oo ka kala socda
xukummadaha Dowlad Gobaleedyadda. Maareeyaha Sanduuqaas waxaa magacaabaya
Golaha Xukuumadda.
3. Warbixin sannadle ah oo tafaasiil ka bixinaysa dakhliga iyo kharashka loo kala
qoondeeyay mashaariicda sanduuqa Dibudhiska iyo Horumarinta Qaranka waa loo soo
hordhigo Goalaha shacabka iyo Golaha Wakiillada Dowlad Gobaleedyadda.
Qodobka 157aad
Miisaniyadda Sanadlaha ee Federaalka
1. Wasiirka Maaliyaddu waa in uu Barlamaanka Federaalka horgeeyo Miisaaniyadda
Sanadlaha ee Xukuumadda Federaalka, ugu yaraan, ka hor labo bilood intuusan
dhammaan sannad- maaliyadeedkii hore.
2. Miisaaniyadda sannadlaha waa in lagu ansixiyaa sharci uu soo saaro Baarlamaanka
Federaalku.
Qodobka 158aad
Kharaj Gelidda Ka Hor Ansixinta Baarlamaanka ee Miisaaniyad Sanadeedka
1. Haddii aan la ansixin miisaaniyadda bilawga sanad-maaliyadeedka, waxaa la sii
isticmaali karaa lacag, iyada oo lagu salaynayo miisaaniyadda sannadkii tegey.
2. Miisaaniyaddii sannadki tegey laguma sii dhaqmi karo afar bilood ka badan, lamana
kharashgarayn karo in ka badan rubuc miisaniyaddii sannadki tegey.
Qodobka 159aad
Kharajyada Lama-filaanka ah
1. Haddii ay lagama-maarmaan noqoto in la daboolo baahi kharaj aan la fileyn ee
miisaaniyadda Federaalka, xukuumadda federaalku waa ay geli kartaa kharashkaas,
xataa haddii aanu miisaaniyaddii la ansixiyay ku jirin madax u gaar ah kharashkaas.
2. Xadka ugu sarreeya ee habkan lagu kharaj-garayn karaa wuxuu u dhigmaa 10%
miisaaniyadda la oggolaaday.
3. Golaha Xukuumaddu waana in uu bil gudaheed Baarlamaanka ku weydiistaa oggolaansho.
4. Baarlamaanka Federaalku waa in uu muddo saddex bilood gudahood ku soo saaro
sharci lagu oggolaanayo kharashkaas.
Qodobka 160aad
Xisaabaadka iyo Hanti-dhawrka Hay’adaha Dawladda
Hantidhawrka Guud ayaa u xilsaaran baaritaanka dhammaan xisaabaadka hay’adaha
dawladda ee heer kasta.
Qodobka 161aad
Heshiisyada Badeecadaha iyo Adeegyada
1. Tallaabo kasta oo dawladdu ku iibsaneyso badeecado ama adeegyo waa in
dadweynaha si daahfuran loogu bandhigaa.
2. Habaraaca hay'daha dawladdu ku iibsnayaan badeecado iyo adeegyo ayaa qeexaya
marka ay lagama maarmaanka tahay in la maro habka qandraasyada.
Qodobka 162aad
Guddiga Maaliyadda
1. Sharci u gaar ah ayaa qeexaya dhisidda Guddi Maaliyadeed oo ka kooban
hawlwadeenno laga kala magacaabay heerarka Dawladda Qaran iyo Dowlad
Gobaleedyadda.
2. Sharciga dhisidda Guddiga Maaliyaddu waa in uu tilmaan cad ka bixiyo:
(a) tirada xubnaha guddiga,
(b) aqoonta iyo waayoaragnimada looga baahan yahay,
(c) muddada xilhaynta,
(d) xilalka iyo awoodaha guddiga,
(e) mushaharooyinka iyo gunnooyinka.
3. Guddiga maaliyadda waa in uu leeyahay karti iyo dhaqaale uu ku samayn karo
cilmibaaris iyo qiimayn codsiyada ay soo gudbiyaan dawlad goboleedyadu.
4. Guddiga maaliyaddu wuxuu kala taliyaa Xukuumadda Federaalka:
(a) qaybta laga siinayo Dawlad Goboleedyada dakhliga laga soo uruuriyey heerka
qaran, iyo
(b) Sida Dawlad Goboleedyadau u wadaagayaan qoondadaas;
5. Guddiga maaliyaddu waa in uu mar kasta dib-u-eegis ku sameeyo nidaamka dakhliqaybinta,
isla markaasna uu u soo jeediyo Dawladda federaalka talooyin lagu
qaybinayo dakhliga muddo shan (5) sano ah markiiba. Sidoo kale, wuxuu qabanayaa
hawlaha uu u xilsaaro sharcigu.
Qodobka 163aad
Xafiiska Hantidhawrka Guud
1. Sharci Baarlamaanka Federaalku ansixyo ayaa xeerinaya habraaca loo marayo
magacaabidda Hantidhawraha Guud kaa soo ay tahay inuu dammaanad qaado
madaxbannaanida Xafiiska.
2. Hantidhawraha Guud waa in uu yahay qof aqoon iyo waayoaragnimo u leh hawsha
baaritaanka xisaabaadka.
3. Xukuumadda Federaalku waxay xilka kaga qaadi kartaa Hantidhawraha Guud kartidarro,
daacad-darro, iyadoo baaritaanka loo marayo nidaam caadil ah oo daahfuran.
4. Xafiiska Hantidhawrku waa inuu baaritaan sandulle ah ku sameeyo xisaabaadka heer
walba ee hay’adaha dawladda.
5. Hantidhawraha Guud waa in uu Baarlamaanka warbixin u gudbiyaa sandkiiba mar, ugu
yaraan.
Qodobka 164aad
Bankiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
1. Sharci Baarlamaanka Federaalku ansixiyay ayaa lagu dhisayaa Bankiga Dhexe ee
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
2. Bankiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mas'uul ka ah dejinta
iyo hirgelinta siyaasadda maaliyadda, bankiyada oo dhammina waxay u
hoggaansamaaan Sharciga Hay’addaha Maaliyadda uu soo dejiyo Bankiga Dhexe,
Baarlamaankuna ansixiyo, Madaxweynuhuna oggolaado, saxiixana, laguna soo saaro
Faafinta Rasmiga.
3. Xilalka ugu mudan hawlaha Bankiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
waxaa ka mid ah:
(a) dejinta iyo hirgelinta siyaasadda lacagta/naqdiga ah iyo xaqiijinta wareegga
lacageed ee Qaranka,
(b) Nidaam banki oo maangal ah.
(c) hirgelinta siyaasadda sarrifka lacagaha qalaad iyo hubinta negaanshaha ascaarta,
(d) kormeerka iyo ruqsad siinta bankiyada iyo hay'adaha lacagta ee gaarka loo
leeyahay;
(e) soo saaraha keliya ee Warqada lacagta ee sharciga ah iyo sunuudda, iyo
(f) xilalka kale ee sharcigu siiyo.
4. Siyaasadda maaliyaddu waa inay ku tiirsanaato dhaq-dhaqaaqa suuqa xorta oo aan
saldhig looga dhigin amaah-bixinta;
5. Bankiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu leeyahay awood
madaxbannaan oo dhammaystiran oo uu ku guto siyaasadda lacagta.
Qodobka 165aad
Sharcidejinta Federaalka ee Arrimaha Maaliyadda
1. Sharci Baarlamaanka Federaalku ansixiyo ayaa qeexaya nidaam maamul-maaliyadeed oo
astaamihiisa ay ka mid yihiin:
(a) habka loo soo bandhigo miisaaniyadda Dawladda Federaalkaiyo, habraaca
miisaaniyad-samaynta Dawlad Goboleedyada, iyo degmooyinka kaa soo ay tahay
inuu ahaado mid daahfuran, isla-xissabtan leh, wax-ku-oolna ah,
(b) in dawladda Federaalku damaanad-qaad siiso deymaha ay weydiistaan Dawlad
Goboleedyadaa,
(c) habraaca Dawladdu u marayso Qandaraasyada Guud,
(d) baarista xisaabaadka hay’adaha aan xukuumiga ahayn ee dawladda dhaqaale ka
hela,
(e) tallabooyinka guud ee lagama maarmaanka u ah dhaqangelinta Cutubkan.
Qodobka 166aad
Kaydka Qaranka
1. Sharci uu ansixyo Baarlamaanka Federaalku waa in lagu dhiso hay’ad Qaran oo u
adeegta kayd qaran ahaaan isla sharcigaasuna dejiyo hannaan sugan oo lagu hubin
karo xalaalnimada dakhli xeraynta iyo kharash bixinta heer kasta ee hay’adaha
Jamhuuriyadda. Isla sharcigaasu waa inuu ku salaysnaado nidaam xisaabtan oo heer
caalami, lana aqoonsan yahay oo leh halbeegyo la xiriira kaydinta iyo kharajbixinta
maaliyadda oo si iskumid uga dhaqangala meel walba oo Jamhuuriyadda ka mid ah.
2. Hay’adda Kaydka Qaranku waa inay hubiso u hoggaansanaanta mabada’a ku xusan
farqadda (1), waa inay ka joojiso xawillaadaha lacageed qayb kasta oo dawladda ka
mid ah oo xadgubyo culus geysata ama si isdabajoog ah u garab marta sharciga Kayda
Qaranka.
CUTUBKA SHAN IYO TOBNAAD
NABADDA IYO AMNIGA
Qodobka167aad
Suggidda Amniga Jamhuuriyadda
1. Xukuumadda Federaalku waxay damaanad-qaadaysaa nabadda, gobannimada iyo
ammaanka Qaranka ee Jumhuurriyada iyo badbaadinta shacbigeeda, iyadoo loo
marayo adeegyada Ciidammada Difaaca iyo Amniga Qaranka oo kooban:
(a) Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,
(b) Ciidanka Booliiska Qaranka,
(c) Ciidamada Asluubta Qaranka.
(d) Hay’adda Nabasugidda Qaranka
2. Adeegsiga Ciidammada Difaaca iyo Amniga Qaranka waxaa lagu sugayaa sharciga loo
dejiyey
3. Ciidammada Xoogga Dalka ee Jamhuuriyadda waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta
gobannimada iyo madaxbannaanida Qaranka iyo difaaca midnimada dhuleed.
4. Booliska Federaalka xilkiisu waa ilaalinta nolosha muwaaddiniinta iyo dadka kale ee
deggan Jamhuuriyada. Waxaa kale oo uu ilaalinayaa ammaanka iyo nabadgelinta hantida muwaddiniinta iyo degganeyaasha.
5. Ciidanka Booliska ee lagu abuuray sharciyada Dawlad Goboleedyadaa xilkiisu waa
ilaalinta nolosha iyo hantida muwaaddiniinta iyo dhawrista xasilloonida iyo ammaanka
degaannadooda.
Qodobka 168aad
Mabaadi’id Ciidamada Amniga
1. Waa in ay Ciidammada Amniga dhawraan mabaadi’da soo socota:
(a) Mihnadda ciidannimo, anshax-wanaag iyo waddaniyad;
(b) Dhawrista Talinta Sharciga, hay’adaha dimoqoraaddiga ah iyo xuquuqda asaasiga;
(c) U-heellanaanta ilaalinta Dastuurka;
(d) Furfurnaan iyo oggolaansho laxisaabtan, iyo
(e) Dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed.
(f) Xubnaha ciidanka waa in lagu tababara dhaqan gelinta Dasturkan, sharciyada dalka
iyo heshiisyada caalamiga ee Jumhuurriyaddu ay qeyb ka tahay.
2. Muwaadin kasta oo Soomali waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato jagooyinka
iyo jaranjarooyinka darajo ee Ciidammada, iyadaoo aan la takooreyn, iyadoo la ilaalinaaya xuquuda haweenka.
Qodobka 169aad
Ku-tagrifalidda Awoodeed
Gaboodfallada xuquuqda aadanaha ee la tuhunsan yahay in ay xubno ka tirsan Ciidammada
Amniga dad rayid ah ka galeen waa in dacwadooda lagu qaadaa Maxkamadaha rayidka ah,
Qodobka 170aad
Hay’adda Garddonka (Ombudsman)
1. Waa in la dhisaa Hay’adda Gardoonka (Ombudsman) oo ay dadweynuhu u geysan karaan
cabashooyinkooda ku saabsan xadgudubyada xubno ka tirsan ciidammada ammaanku iyo
maamulka dowladdu,
2. Hay’adda Gardoonku waxay baaritaa iskeed u bilaabi kartaa haddii ay jiraan tuhummo la
xariira xadugubyo ay ciidammadu u geysteen qof amd koox ka mid ah bulshada, haddii ay
ku qanacdo inu jiro faldembiyeedna waxa ka oogi karta dacwad maxkamadda ku habboon,
Qodobka 171aad
Amarro Sharcidarro ah oo Cad
Xubnaha ka tirsan Ciidammada Qalabka Sidaa uma hogaansami karaan amar sharcidarro cad ah.
Qodobka 172aad
Kormeerka Rayidka ee Ciidammada Amniga
1. Madaxweynuhu isaga oo fulinaya codsiga Ra’iisul-wasaaraha wuxuu magacaabayaa
madaxda Ciidammada Amniga Qalabka Sida iyo Nabadsugidda.
2. Madaxweynaha ayaa oggolaanaya dagaal hubaysan oo lagu difaacayo Jamhuuriyadda,
iyadoo la fulinayo waajibaad dawladnimo, waxaana ansixinayo Golaha Shacabka.
3. Waa in ay jiraan Wasiiro ka tirsan Golaha Wasiirrada oo masuul ka ah arrimaha
difaaca, amniga gudaha iyo nabadsuggida.
4. Guddi gaar ee ka tirsan Barlamaanka Federaalka ayaa u xilsaaran kormeeridda
howlaha Ciidamada Amniga, si waafaqsan sharciyada loo dejiyey. Hawlaha
Ciidammada Qalabka amniga waxaa lagu samaynayaa kormeer rayid ah oo ay ku jiraan
guddi gaar ah oo Baarlamaan.
Qodobka 173aad
Waajibaadka iyo Kormeerka Xakameeynta Cidamadda Xoogga Dalka
1. Ciidammada Xoogga Dalka ee Jamhuuriyadda waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta
gobannimada iyo madaxbannaanida Qaranka iyo difaaca midnimada dhuleed
2. Ammaanka qaranka waxaa mabda’ asaasi u ah in dad rayid ah ay kormeeraan hawlaha
ciidammada Xoogga Dalka
3. Ciidamada Xogga Dalkaayaa ah ciidanka keliya ee sida sharciga ah uga jira
Jamhuuriyada dhexdeeda, waxaana reeban maleeshiyaad hubaysan oo gaar loo
leeyahay.
4. Ciidamada Xoogaa Dalka waxay ka howl-galaan xuduudaaha dalka, waxaana ka reeban
inay ka howlgalaan dalka gudahiisa haddii aysan jirin afooyin dabiici ah.
Qodobka 174aad
Waajibaaka Ciidanka Booliska Federaalka
1. Waajibaaka Ciidanka booliska Federaalka waxaa ka mid ah:
a) La dagaalanka dembiyada aabaabulan
b) Fal dembiyada isaga tallaba dowlad goboleedyada
c) La dagaalanka argigixisada
d) La dagaalanka burcad badeedka
e) Fal dembiyeedyada ka soo horjeeda danaha iyo amniga qaranka iyo hanaanka
dasturkaan.
2. Sharci gaar ayaa qeexaya awoodaha iyo falgalka hey’adaha wardoonka oo ay ka mid
yihiin qeybaha sirdoonka ee ciidamada amniga isagoo meel marinaaya adeegyada
wardoonka.
3. in la dhisa xarun dhexe oo lagu uruuriyo wararka Booliska, isgaarsiinta iyo kaydinta
xogaha Booliska Federalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Qodobka 175aad
Booliska Dowladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka
1. Ciidaamada Booliska ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka waxaa lagu
abuura sharci ka soo baxay sharci dejinta Dowlada Goboleedyada Baarlammaanka
federaalkuna ansixiyo, waajibaadkoodana waxaa ka mid:
a) Ilaalinta nafta iyo hantida dadka deggen Dowlad Goboleedka,
b) Xajinta nabadda iyo xasillonida deeganka.
2. Booliska Dawlad Goboleedyada, marka ay baahi u qabaan, way kaashan karaan
Booliska Federaalka.
Qodobka 176aad
Dhismaha iyo Waajibaadka Ha’adda Nabadsuggidda
1. Hay’adda Nabadsuggiddu waxay u xilsaarantahay ilaalinta sirta qaranka, badbaadinta
ilaha dhaqaale, xog-uruurinta dembiyada halista ku ah qaranimada, sirdoonka iyo ka
hortagga fal dembiyeedyada.
2. Sharci gaar ayaa qeexaya dhismaha, awoodaha, tababarka ciidanka, misaniyada, iyo
qaabka adeegooda shaqo.
3. Ciidanka Nabadsuggidda waxaa howlgalkooda kormeeraya Wasaaradda Arrimaha
Gudaha iyo Amniga.
Qodobka 177aad
Ciidanka Asluubta Federaalka
1. Ciidanka Asluubka Federaalka waxay lagu dhisayaa sharci gaar waxana howlahooda
kormeeraya Wasaradda Garsoorka iyo Cadaaladda
2. Waajibaakooda waxaa ka mid:
(a) Ilaalinta maxaabista xukuman iyo garsugayaasha
(b) Xafiidada iyo dhaqan celinta maxaabista
(c) Gacan ku haynta xabsiyada dalka.
Qodobka 178aad
Cidanka Asluubta Dowlad Goboleedka
Ciidaanka Asluubta ee Dowlad Goboleedyada waxaa lagu abuurayaa sharci ka soo baxay
sharci dejinta Dowlada Goboleedyada, waxayna keligood howl galaan ama kashaadaan
Ciidanka Asluubta Federaalka haddii loo bahdo.
Qodobka 179aad
Guddiga Adeegga Ciidammada Amniga
1. Sharci gaar ah oo baarlammaanku ansixiyo qeexaya dhismaha Guddiga Adeegga
Ciidammada Amniga oo xilalkiisu ka midyihiin:
(a) Maamulidda dhaqaalaha ciidammada Amnig,
(b) Habraaca tababarrada;
(c) Qorista iyo ruqsaynta;
(d) Mushaharooyinka, gunnoyinka iyo daryeelka kale
(e) Dallacaadda, abaalmarinta
(f) Hawlgabnimada
(g) habraaca ka qaybqaadashada hawlgallada nabadilaalinta iyo
bani’aadamminnada caalamiga .
2. Sharciga ku xusan faqradda (1) ayaa qeexaya awoodaha, tirade iyo shuruudaha
xubinnimada, iyo habraaca xilgudashada guddiga.
Qodobka 180aad
Xaaladda Degdegga Ah
1. Xaaladda degdegga ah waxaa lagu dhawaaqi karaa oo keliya marka ay lagamamaarmaan
noqoto in la xaliyo xaalad halis ah oo ka dhalatay dagaal, weerar, gedood,
rabshado, aafo dabiici ah ama xaalad guud oo culus.
2. Xaalad degdeg ah waxaa lagu dhawaaqi karaa marka ay dhibaato saamayso
dhammaan ama qayb ka mid ah dalka, waase in aysan ka badan inta loo baahan yahay
in lagu xalliyo xaaladdaas.
3. Madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu ku dhawaaqo xaalad degdeg ah,
waxaana lagama-maarmaan ah in Golaha Shacbigu uu ka doodo, kuna oggolaado 21
maalmood gudahood laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqay. Marka Golaha Shacbigu
arrinta ka doodayo waa inay ahaato mid dhegeysiga dadweynaha u furan, haddi aanay
jirin wax ka reebaya.
4. Golaha Shacbigu wuxuu oggolaan karaa ama kordhin karaa xaaladda degdegga ah
muddo aan ka badnayn saddex bilood markiiba. Haddii Baarlamaanku oggolaan waayo
kordhinta xaaladda degdegga ah waxaa istaagaya sii-socoshada xaaladda degdegga ah.
5. Ku-dhawaaqidda xaaladda degdegga ahi waxay siinaysaa hay’adda fulinta awoodo
gaar ah oo lagma-maarmaan u ah keliya xakamaynta xaaladaha.
6. Awoodaha lagu oggolaaday xaaladaha degdega ah waa in aysan ka mid ahayn in lagu
xadgudbo xuquuqaha lagu sheegay Dastuurkan, haddii xadgudubkaasi uuna u ahayn
lagama- maarmaan ujeeddooyinka xakamaynta iyo xal-u-helidda xaaladda degdegga
ah.
7. Ansaxnimada ku-dhawaaqidda xaaladda degdegga ah iyo habraacyada ku lug leh
waxaa looga hortegi karaa Maxkamadda.
Qodobka 181aad
Sharcidejinta Arrimaha Nabadda iyo Amniga
1. Waa in la soo saaraa sharci federaal ah si loo xaqiijiyo hirgelinta cutubkan iyo
dhawrista mabaadi’da Dastuurka, waana in si gaar ah:
(a) Loogu muujiyaa siyaasadda qaranka ee ka-hortagga argaggaxisannimada, burcadbadeedda
iyo tahriibinta sharcidarrada ah iyo dembiyada abaabulan, iyadoo loo
dhisayo hay’ad gaar ah oo wax ka qabata khataraha gaarka ah;
(b) Loo nidaamiyaa qaabdhismeedka iyo xilalka booliska federaalka madaniga ah;
(c) loo nidaamiyaa xiriirrada u dhexeeya booliska madaniga ee federaalka iyo
ciidammada booliska Dawlad Goboleedyadaa, si loo xaqiijiyo iskaashi iyo
wadashaqayn;
(d) loo caddeeyaa arrimaha la xiriira u-hoggaansamidda amarrada sharcidarrada ah;
(e) loo dhisaa, lana nidaamiyaa hawlaha guddiga baarlamanka ee u xilsaaran arrimaha
Ciidammada Qalabka Sida;
(f) loo xaqiijiyo ka-qaybgalka rayidka ee kormeerka ciidamada booliska federaalka;
(g) Waa in ay jirto hay’ad ay dadweynuhu u geysan karaan cabashooyinkooda ku
saabsan xadgudubyada xubno ka tirsan ciidammada ammaanku ay u geystaan;
(g) In la mamnuuco maleeshiyooyinka sida gaarka ah loo leeyahay, iyo
(h) In la nidaamiyo shirkadaha amniga ee gaarka loo leeyahay.
2. Sharci dawlad-goboleed waa in uu xaqiijiyaa nidaaminta booliska Dawlad
Goboleedyadaa heer u dhigma midka loo isticmaalay nidaaminta booliska ee
federaalka, iyo in ay xaqiijiyaan inay nidaamintaasu waafaqasan tahay mabaadi’da ku
xusan cutubkan oo kormeerka rayidku uu ku jiro.
3. Sharci federaal ayaa go’aaminaya xaaladaha degdegga ah iyo awoodaha gaarka ah ee
loo baahan karo.
4. Sharci federaala ayaa go’aaminaaya xaaladaha maangalka ah ee lagu hayn karo qofka
la soo xiro mudada xaaladda degdegga, sida loola dhaqmayo iyo magdhawga laga
siinayo haddi dulmi lagula kaco.
5. Sharciga federaalku cudurdaar uma samayn karo, iyadoo marmarsiiyo laga dhigayo
xaalad degdeg ah, qof kasta oo lagu helo xadgudub xuquuq.
CUTUBKA LIX IYO TOBNAAD
AXKAAMTA KALAGUURKA
AXKAAMTA MARXALADDA KALA GUURKA IYO DIB-U-EEGISTA HAY’DAHA
JIRA IYO DHISIDDA HAY’ADO CUSUB
QAYBTA KOOWAAD
QODOBBO GUUD
Qodobka 182aad
QEEXID MARXALADDA KALAGUURKA
1. Marxaladda kalaguurku waa afar sano oo ka bilaabata taariikhda Golaha Ansixinta
Dastuurka Qaranka uu si ku meel gaarka u ansixiyo Dastuurkan waxay afjarmaysaa afar
sano oo ku beegan ….Luulyo 2016
2. Muddaynta marxaladda kalaguurka ee ku xusan faqradda koowaad ee qodobkan lama
kordhin karo.
Qodobka 183aad
TUBTA SOO AFJARIDDA MARXALADDA KALAGUURKA
1. Bartilmaameedyada soo afjaridda marxaladda kala guurka waxaa ka mid ah:
(a) Dib-u-eegista Dastuurka Federaalka ee ku-meel-gaarka inta aan loo bandhigin afti
dadweyne;
(b) Hirgelinta hindise sharcidejin ee saldhig sharci u noqonaaya soo afjaridda
marxaladda kala guurka iyo joogtaynta ku dhaqanka sharciga;
(c) Dib u habaynta hay’adaha federaalka ee jira taariikhda ansixinta ku-meel-gaarka ee
Dastuurkan ka hor iyo dhisidda hay’adaha federaalka ee uu farayo Dastuurkan;
(d) Diiwaangelinta Axsaabta siyaasadda si waafaqsan Dastuurkan iyo sharciga Axsaabta
Siyaasadda;
(e) Hirgelinta federaaleynta Jamhuuriyadda;
(f) Qabashada Afti Qaran;
(g) Qabashada doorashooyin xor ah ee hay’adaha sida tooska ah shacbiga u doorto
kuwaas ah Golayaash Baarlamaanka Federaalka, Golayaasha Xeerdejinta Dawlad
Goboleedyada iyo Golayaasha Degaannada;
2. Marxaladda kala guurka waxay ku afjarmeysaa Xilsaaridda mas’uuliyiinta ku guulaysta
tartanka doorashada ee hay’adaha ku xusan xarafka (g) ee faqradda koowaad ee
qodobkan.
QAYBTA LABAAD
SHARCIYADA, HESHIISYADA IYO HAY’ADAHA JIRA
Qodobka 184aad
Waxkabeddelidda Dastuurka
1. Talo waxkabeddel dastuur, waxan soo jeedin kara Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka, Xukuumadda Federaalka, Dawlad Goboleedyada, ama saddex meelood
meel Xildhibaannada Golaha Shacbiga ama labaatan (20.000) kun oo muwaaddin oo
leh xaqa doorashada oo codbixiye ahaanna u diiwaangashan.
2. Waxkabeddelka iyo kabidda Dastuurka waxaa go’aaminaya Baarlamaanka Federaalka,
waxaana loo qaadayaa laba cod oo ay u dhexeyso ugu yaraan muddo saddex bilood
ah. Codka hore wuxuu ku ansaxayaa hal-dheeri Xubnaha Baarlamaanka Federaalka,
midka labaadna saddex meelood laba.
3. Qodobbada la soo jeediyey in wax laga beddelo haddii ay saamayn muuqata ku
leeyihiin awoodaha iyo hawlaha Dawladaha xubin ka ah Dawladda Federaalka,
sidaasna uu caddeeyey afhayeenka Golaha Aqalka Sare, waa in baarlamaannada
Dawladaha xubin ka ah Dawladda Federaalka oo dhan loogu yeeraa inay
aragtiyadooda u soo gudbiyaan baarlamaanka federaalka.
Qodobka 185aad
Xadka Waxkabeddelka Dastuurka
Waxkabeddelka Dastuurka ee Qodobka 184, ma saamayn karo arrimaha so socda:-
(a) nidaamka Jamhuuriyadnimada ee dalka;-
(b) midnimada dhulka Jamhuuriyadda;
(c) Xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ah ee muwaaddinka iyo qofka.
Qodobka 186aad
Sharciyada Dhaqangalka ah
1. Dhammaan sharciyada dalka ee ka horreeyey ansixinta dastuurkan, haddii aanay ka
hor imaanayn Dastuurkan waa lagu sii dhaqmayaa taniyo inta:
(a) La burinayo;
(b) Wax laga beddelayo; ama
(c) Sharci cusub lagu beddelayo arrimaha uu xeerinayo
2. Baarlamaanka Federaalka waa in uu xeeriyaa Qorshe Sharcidejin oo faraya uririnta
dhamaan sharciyada dalka ee ka horreeyey ansixinta Dastuurkan, si loogu kala saaro:
(a) Kuwa ay tahay in la buriyo;
(b) Kuwa ay tahay in wax-ka-beddel lagu sameeyo;
(c) Kuwa ay tahay in sharciyo cusub lagu beddelo
(d) Sharciyada cusub ee loo baahan yahay in la curiyo
3. Sharci Baarlamaanka ansixiyo oo keliya ayaa xeerinaaya taxa sharciyada ku xusan
xarfaha (a); (b); (c) iyo (d) ee faqradda labaad ee qodobkan.
Qodobka 187aad
HESHIISYADA
1. Heshiisyada Dawladda Federaalku ay dhinac ka tahay ayna la gashay dhinacyo leh
shakhsiyad qaanuuni ah, ha ahaadeen dawlado, shirkado ama shakhsiyaad ajnabi ah
shirkado ama shakhsiyaada waddani ah haddii ay weli dhaqangal yihiin taariikhda
dastuurkan meelmar noqday, dhaqangal ayey sii ahaanayaan taniyo inta ay
(a) dhammaanayso mudda jiritaankooda,
(b) ay Dawladdu ama dhinaca kale darafka ka ah uga baxayo si sharciga iyo qodobbada
heshiiska waafaqsan.
2. Xukuumadda Federaalku dib-u-eegis ayey ku samayneysaa dhammaan heshiisyada ay
Jamhuuriyadda dhinac ka tahay ee ka horreeyey ansixinta Dastuurkan.
Qodobka 188aad
Hay’adaha Qaranka ee Jira
1. Dhammaan hay’adaha qaran oo jiritaan sharci leh taariikhda Dastuurka meelmar
noqday ka hor waa ay wadanayaa hawlahoodi taniyo inta ay:
(a) si sharci ah u jiritaan beelayaan; ama
(b) xilalkooda loo wareejiyo hay’ad ama hay’ado kale.
2. Mas’uuliyiinta iyo hawlwadeennada ku xusan faqradda koowaad ee qodobkan, ha
ahaadeen kuwa rayad ah ama kuwa ka tirsan hay’adaha amniga, waa ay sii
wadanayaan xilalkooda, haddii hay’adahooda la jitaan beelinin ama xilalkooda loo
wareejiyey hay’ado kale.
3. Sharci gaar ah oo Golaha Shacabka ansixiyo ayaa xeerinaya xaqsiinta iyo dib u
meelenta mas’uuliyiinta iyo hawlwadeennada hay’adahooda saameeyeen
xaaldaha ku xusan faqradda koowaad xarfaha (a) iyo (b) ee qodobkan.
QAYBTA SADDEXAAD
GEEDDISOCODKA FEDERAALAYNTA JAMHUURIYADDA
Qodobka 189aad
Samaysanka Baarlamaanka Federaalka
1. Ilaa iyo inta laga gaarayo Gole Shacab oo dadweynaha si toos ah u doorto, si
waafaqsan sharci gaar u ah xeerinta Axsaabta siyaasadda iyo sharci doorasho oo
Baarlamaankuna ansixiyo, waxaa xilka Golaha Shacabka ee dastuurkani farayo sii
fulinaaya Golaha Shacabka lagu asaaso habka saami-qaybsiga beelaha soomaaliyeed,
2. Iyadoo la raacayo mabaadii’dii Garowe II, tirada Golaha shacabka ee lagu xulay habka
saami-qaaybsiga beelaha soomaaliyeed waa laba booqol iyo Shan iyo labaatan (225)
xildhibaan oo boqolkiiba soddon (30%) yihiin haween.
3. Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu jiritaan yeelanaya marka ay hirgalaan
shuruudaha iyo habraaca ku xusan faqradda koowaad ee qodobka 59-aad ee
Dastuurkan kuna saabsan xuduudaha iyo tirada Dawlad Goboleedyada.
4. Ilaa iyo inta Aqalka Sare ka yeelanaayo jiritaan, xilalka iyo awoodaha Dastuurkani
siiyey Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federallka waxaa sii adeegsanaaya Golaha
Shacabka eek u xusan faqradda koowaad ee qodobkan.
Qodobka 190aad
Dhaqangelinta Dastuurada Dawladaha Xubin ka aha Dawladda Federaalka
1. Qayb kasta oo ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo taariikhda
dastuurkan la ansixiyo gaarsiisan heer maamul oo buuxiyey shuruudaha dawlad xubin
ka noqon karta Dawladda Federaalka, waxay ku sii dhaqmaysaa dastuurka iyo
shuruucda kale u degsan, tan iyo inta la is waafajinaayo dastuurka qaybtaasi u gaarka
ah iyo Dastuurka Qaranka.
2. Dastuurka qayb kasta oo ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ansixinta
dastuurkan ka dib yeelata heer maamul buuxiyey shuruudaha dawlad xubin ka noqon
karta Dawladda Federaalka, ansax noqon mayo ilaa iyo inta Maxakamadda Dastuuriga
ahi ay ka caddaynayso in uu yahay mid waafaqsan Dastuurka Federaalka.
3. Xukuumadda Federaalka waa in ay si buuxda u taageertaa geeddisocodka
federaalaynta dalka.
Golaha Shacabka
QAYBTA AFRAAD
DIB-U-EEGISTA DASTUURKA, SHARCIYADA DHAQANGAL AH IYO CURINTA
SHARCIYADA CUSUB
Qodobka 191aad
Qorshaha Sharcidejinta
1. Golaha Shacabka waa in uu lix (6) bilood gudahood oo ka bilaabata ansixinta kumeel-
gaarka ah ee Dastuurkan waa in uu ku dhamaystiraa qorshaha fulinta
sharcidejinta ku xusan faqradda 2-aad ee qodobka 186aad ee Cutubkan iyo
sharciyada ku xusan faqradda sadaxaad ee isla qodobka 186aad.
2. Isla muddada ku xusan faqradda koowaad ee qodobkan Golaha Shacabka waa in ku
meelmariyaa sharciyada soo socda:
(a) Sharciga Guddiga Madaxabannaan ee Hirgelinta Dastuurka Federaalka;
(b) Sharciyada la xiriirra arrimaha maaliyadda;
(c) Sharciga nidaamka garsoorka
(d) Sharciga nidaamka xukuumadda
(e) Sharciyada la xiriira amniga;
(f) Sharciyada la xiriira federaalaynta dalka;
(g) Sharciyada la xiriira maamulka Dawladda;
(h) Sharciga Guddiga Qaranka ee Tirada iyo Xuduudaha Dawladaha Xubnaha ka
noqonaya Dawladda Federaalka;
(i) Sharciga dhismaha Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Axsaabta
siyaasadda
(j) Sharciga Jinsiyadda;
3. Sharciyada ku xusan faqradda labaad ee qodobkan waxay noqon karaan kuwo
horey u jiray oo dib-u-eegis lagu sameeyey ama kuwo cusub hadba sida Golaha
Shacabka u go’aamiyo.
4. Muddo laba iyo toban (12) bil gudahood oo ka bilaabata ansixinta ku-meel-gaarka
ah ee Dastuurkan, Golaha Shacabka waa in uu ku meelmariyaa sharciyada soo
socda:
(a) Sharciga Axsaabta siyaasiga;
(b) Sharciga doorashada;
(c) Sharciga dhismaha Guddiga Xuquuqda Aadanaha;
(d) Sharciga u kala qoondeynta dawladda federaalka, Dawladaha xubnaha ka
Dawladda Federaalka iyo Maamulada Degaanada dakhliga ka soo gala
shidaalka, macaadiinta iyo rukhsadaha kalluumaysiga;
(e) Sharciga lagu dhisayo Hantidhowrka Guud
(f) Sharciga Warbaahinta;
5. Afar iyo labaatan (24) biloood gudahood oo ka bilaabata taariikhda meelmarinta
ku-meel-gaarka ah ee Dastuurka, Golaha Shacabka waa in uu ku dhamaystiraa di-ueegista
iyo wax-ka-beddelidda Dastuurka Federaalka.
6. Afar iyo labaatan (24) biloood gudahood, oo ka bilaabata taariikhda meelmarinta
ku-meel-gaarka ah ee Dastuurka, Golaha Shacabka waa in uu meelmariyaa
dhammaan sharciyada kale ee lagama maarmaanka u ah dhamaystiridda fulinta
dastuurka.
QAYBTA SHANAAD
DIB-U-HABAYNTA HAY’ADAHA JIRA IYO DHISIDDA HAY’ADO CUSUB
Qodobka 192aad
Dib-u-habaynta Hay’adaha Jira
1. Siddeed (8) bilood gudahood, oo ka bilaabata taariikhda meelmarinta ku-meelgaarka
ah ee Dastuurka, Golaha Shacabku waa in uu meelmariyo sharciyada iyo
qorshayaasha di-u-habaynta hay’adaha federaalka ee jiray ka hor taariikhda
meelmarinta ku-meel-gaarka ah ee Dastuurka.
2. Labo iyo toban (12) bilood gudahood oo ka bilaabata taariikhda meelmarinta kumeel-
gaarka ah ee Dastuurka, xukuumadda federaalka waa in ay dhamaystirtaa
dib-u-habaynta dhammaan hay’adaha Dawladda Federaalka ee jiray ka hor
taariikhda ansixinta ku-meel-gaarka ee Dastuurka.
Qodobka 193aad
Dib-u-habaynta Garsoorka
1. Saddex (3) bilood gudahood, oo ka bilaabata taariikhda la ansixiyo sharciga Nidaamka
Garsoorka Federaalka, Xukuumadda Federaalka waa in ay Golaha Shacabka horgeyso
murashixiinta:
(a) Garsoorayaasha Maxkammadda Sare,
(b) Garsoorayaash Maxkamadda Dastuurka.
(c) Golaha Adeegga Garsoorka,
2. Golaha Shacabka waa in uu ku ansixiyo bil gudaheed, oo ka bilaabata taariikhda
Xukuumadda Federaalka horgeyso, murashixiinta hay’adaha Garsoorka ee ku xusan
xarafyada (a), (b) iyo (c) ee faqradda koowaad ee qodobkan.
3. Golaha Adeegga Garsoorku waa in uu lix (6) bilood gudahood oo ka bilawda taariikhda
loo dhaariyo xafiiska ku dhammaystiro dib-u-habaynta maxkamadaha racfaanka iyo
maxkamadaha darajada koowaad ee Jamhuuriyadda oo dhan.
Qodobka 194aad
DHISIDDA HAY’ADAHA CUSUB EE FEDERAALKA
1. Xukuumadda Federaalka, waa in ay dhamaystirto dhismaha hay’ad cusub oo
federal ah Saddex (3) bilood gudahood, oo ka bilaabata taariikhda Golaha Shacabku
meermariyo sharci la xiriira dhismaha hay’adda.
2. Sharci kasta oo la xiriira dhismaha GuddI madaxabannaan, iyo sidoo kale Xafiis
madaxbannaan, waa in uu xeeriyo habraaca ay Xukuumadda Federaalku u marayso
dhisidda Guddi ama Xafiis madaxbannaan.
QAYBTA LIXAAD
DHISMAHA HAY’DAHA MUDNAANATA U LEH HIRGELINTA DASTUURKA
Qodobka 195aad
Guddiga Golaha Shacabka ee Kormeeridda Hirgelinta Dastuurka
1. Golaha Shacabka inta uu ku jiro kalfadhigiisa koowaad waa in uu dhamaystira xeerhoosaadka
iyo dhismaha Guddiga Golaha Shacabka ee Kormeeridda Hirgelinta
Dastuurka.
2. Xilalka Guddiga waxaa ka mid ah:
a) Kormeeridda hirgelinta Dastuurka Federaalka;
b) Ka baaraandegidda muddeynta qorshaha sharcidejinta hirgelinta Dastuurka ee uu
diyaariyo Guddiga Madaxabannaan ee Hirgelinta Dastuurka lana xiriira sharciyada
ku xusan faqradda labaad ee qodobka B.
c) In uu Guddiga Madaxabannaan ee Hirgelinta Dastuurka iyo Xukuumadda
Federaalka kala taliyo muddeynta qorshaha dejinta iyo ansixinta sharciyada la
xiriira hirgelinta Dastuurka Federaalka.
d) Ka baaraandegidda warbixinnada Guddiga Madaxbannaan ee Hirgelinta Dastuurka
kuna wargeliyo Golaha Shacabka iyo Guddiyadiisa.
e) Xiriirinta iyo ku wargelinta Guddiyada Golaha Shacabka iyo daneeyayaash kale
horumarka hirgelinta Dastuurka;
f) Ku wargelinta Xukuumadda Federaalka wax ka qabashada caqabadaha lasoo
gudboonaada hirgelinta Dasturka asagoo xiganaaya warbixinnada iyo dhegeysiga
Guddiga Madaxabannaan ee Hirgelinta Dastuurka iyo ilaha kale.
3. Xeer-hoosaadka Guddiga ayaa qeexaya tafaasiisha xilgudashadiisa
Qodobka 196aad
Guddiga Madaxabannaan ee Hirgelinta Dastuurka
1. Saddex bilood gudahood, oo ka bilaabata taariikhda meelmarinta ku-meel-gaarka ah
ee Dastuurka, Golaha Shacabku waa in uu ansixiyo sharciga dhisidda Guddiga
Madaxabannaan ee Hirgelinta Datsuurka.
2. Saddex bilood gudahood, oo ka bilaabata taariikhda Golaha Shacabku ansixiyo sharciga
dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Hirgelinta Dastuurka, waa in la dhamaystiro
xilsaaridda Guddigan, iyadoo la raacayo shuruudaha iyo habraaca dhismahiisa ee ku
cad sharciga u gaarka ah.
3. Guddiga Madaxabannaan wuxuu yeelanayaa ku-xeeldheereyaal sharci, una xilsaaran
ururinta iyo qiimaynta sharciyadda hadda jira iyo kuwa cusub ee loo baahan yahay in
la curiyo.
4. Muddada xilhaynta Guddigu waxay ku egtahay Lix (6) bilood ka dib marka Dastuurka
Afti lagu ansixiyo.
5. Sharciga dhismaha Guddiga ayaa qeexaya xilalka iyo awoodaha Guddiga iyo
habraacayada gudashada xilalkiisa.
Qodobka 197aad
Aftida Dastuurka
1. Dastuurkani wuxuu si ku-meel gaar ah u dhaqangelayaa laga bilaabo taariikhda u si kumeel-
gaar ah u ansixiyo Golaha Ansixinta Dastuurka Qaranka, waxaana loo qaadayaa
Afti Dadweyne soddon (30) bilood gudahood, ka bilaabata isla taariikhdaas.
2. Aftida Dastuurka waxaa codkooda ka dhiibanaya dhammaan muwaaddiniinta buuxiyay
shuurudaha diwaangelinta codbixiyaha, una diiwaangashan codbixiye ahaan.
3. Codbixiye kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu dhiibto cod ah “HAA” oo la mid ah waa
oggoladay, ama “Maya” oo la mid ah waa diiday.
Qodobka 198aad
Natiijada aftida
1. Haddii natiijada aftida la qaaday noqoto “MAYA”, Golaha Shacbigu wuxuu u
hawlgelayaa dejinta Dastuur cusub oo isna loo qaadayo afti, lix bilood gudahood laga
bilaabo maalinta ku-dhawaaqidda natiijada.
2. Haddi natiijada aftidu ay noqoto “HAA”, Dastuurku waxuu yeelanayaa dhaqangal leh
dabeecad joogto ah.
3. Guddiga Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Axsaabta ayaau xilsaaran maamulida iyo
ku dhawaaqidda natiijada Aftida.
Qodobka 199aad
DOORASHOOYIN
Doorashada Golayasha Cusub
Doorashooyinka Golaha Shacbiga, Golayaasha xeerdejinta Dawlad Goboleedyada iyo
Golayaasha Degaanadda waa in ay qabsoomaan laba (2) bilood ka hor dhamaadka muddada
xilhaynta Golaha shacabka ee lagu soo xulay habka saami qaysiga beelaha.
Qodobka 200aad
Madaxweynaha hadda xilka haya iyo Madaxweynaha Cusub
1. Muddada Madaxweynaha hadda xilka haya waxay dhammaanaysaa 20ka Agoosto,
sannadka 2012.
2. Madaxweynaha Cusub waxaa dooranaaya Golaha Shacabka lagu soo xulay habka
saamiqaybsadka beelaha soomaaliya, wuxuuna xilka haynaya muddo Shan (5) sano ka
bilaabata maalinta xilka loodhaariyo, oo ku beegan waxaan dib loo dooran karaa keliya
hal mar kale.
Qodobka 201aad
Faafinta Dastuurka
1. Si muwaaddin kasta xog-ogaal ugu noqdo nuxurka qodobbada Dastuurka, waxaa
Dastuurka lagu faafinayaa qalabka warbaahinta ee Dawladda iyo kuwa gaarka ah.
2. Dastuurka waxaa lagu soo saaraya Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda.
3. Dhammaan hay’adaha Dawladda, muwaaddiniinta iyo qof kasta oo kale oo ku hoos
nool awoodda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa waajib ku ah in uu si
daacad ah u dhowro Dastuurka oo ah saldhigga shuruucda Dawladda
Soomaaliyeed.
Jadwalka 1aad
Sawirka Calanka
Qodobka 6-aad (1)
[Sawirka Calanka]
Calanka Jamhururiyadda Federaalka Soomaaliya waa laydi:
- Cabbirka Calanka: Dhererka cabbirka dadban ee calanka waa in uu marwalba ka
dheeraado cabirkiisa qotoma;
- Midabka Calanka: Waa buluug furan ah oo ay bartanka kaga taal Xiddig cad oo
shangees ah, madaxyo simanna leh.
Jadwalka 1aad B:
Qodobka 6-aad (2)
Sawirka Astaanta Dawladda
Astaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay ka kooban tahay gaashaan buluug ah oo leh xiddaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shangees ah oo dheeh qalin ah leh. Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rukumo Carbeed oo xardhan, lehna Shan madax oo dahabi ah oo labada geesba ku yaalliin ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa ka haya laba shabeel oo isu tusmaysan, kuna kala taagan labo waran oo isku weydaarsan caaradda hoose ee gashaanka, ayna weheliyaan laba caleen-cawbaar, diillin cadna ay ku qoofalan tahay.
Jadwalka 1aad T
Heesta Qaranku
Qodobka 6-aad (3)
Heesta Qaranku waa:
Qolobaa Calankeedu waa cayn
Inagaa keennu waa cirkoo kale ee
Aan caadna lahayn
Ee Caashaqa ee
Jadwalka 2aad:
Dhaarta
“Waxaan Magaca Ilaahay ku marayaa inaan dhawro Dastuurka iyo Shuruucda Dalka,
inaan kartidayda oo dhan difaaco madaxbannaanida, gobannimada iyo midnimada Dalka iyo
Dadka Soomaaliyeed, inaan ammaano iyo hagar la’aan ugu adeego danaha Shacbiga
Soomaaliyeed”.
Halkan ka Akhri Nuqulkii ay ansixiyeen saxiixayaasha road-mapka