Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: Xiriirka Waan u Jarnay DKMG ah


Puntland: Xiriirka Waan u Jarnay DKMG ah
Puntland: Xiriirka Waan u Jarnay DKMG ah

Tan iyo intii uu madaxweynihii hore ee federaalka Cabdullaahi Yuusuf Axmed iscasilay, mugdi ayaa ku jiray xiriirka Puntland iyo DKMG.

Kulan ay golaha wasiirada Puntland Axadda maanta ku yeesheen magaalada Garowe ayay waxay ku gaareen go’aan ay sheegeen inay xiriirka u jareen dowladda KMG ah ee federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland Daa’uud Maxamed Cumar oo saxaafadda ugu warramay magaalada Garowe ayuu ku sheegay sababta ay xiriirka uga goosteen dowladda federaalka inay tahay, in Puntland ka soo horjeedo in DKMG ahi ay dhaafto wakhtiga u harsan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dhaliilsan yihiin waxqabadka dowladda federaalka, isagoona intaa raaciyay in Puntland ay diyaar u tahay inay fidiso gogol dib u heshiisiineed.

Si kastaba ha ahaatee go’aankan Puntland ayaa ku soo beegmay xilli aanu markii horeba wanaagsaneyn xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka.

XS
SM
MD
LG