Isku xirrada

War

Puntland: Xeerka Guddiga Doorashada

  • Nuux Muuse

Puntland: Xeerka Guddiga Doorashada

Puntland: Xeerka Guddiga Doorashada

Xeerkan guddiga Doorashooyinka ayuu wasiiru dowlaha dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Puntland sheegay in loogu gudbi doono dhinacii dimoqraadiyadda.

Golaha Wakiilada ee maamulka Puntland ayaa maanta ansixiyay xeerka guddiga doorashooyinka. Wasiiru dowlaha dastuurka iyo arrimaha federaalka ee Puntland Cabdi Xasan Jimcaale ayaa sheegay in xeerkan ansixintiisu ay u gogol xaareyso oggolaanshaha guddiga ka koobnaa 9 ruux. Wuxuu sheegay inay 9-ka xubnood ay noqon doonaan kuwo KMG iyo joogto.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in xubnaha guddigu 5 ka mid ah uu magacaabayo madaxweynaha halka 4 kalena ay magacaabayaan baarlamaanka, kuwaasoo hawshoodu ay ku ekaan doonto marka ay dhacaan doorashooyinka golayaasha deegaamada oo markaasi ka dibna la soo doorto saddex xisbi. waxayna marka dambe u qeybsami doonaan 9-ka xubnood ee la soo magacaabi doono in Saddex xubnood uu soo magacaabi doono madaxweynaha, Saddexna baarlamaanka halka saddexda kalena ay soo magacaabi doonaan Xisbiyada.

Cabdi Jimcaale ayaa ku tilmaamay xeerkan mid muhiim u ah dhinaca dimoqraadiyadda, markaasoo ay noqon doonto in loo tilaabsado aftida dadweynaha oo dastuurka ay meel marin doonaan.

XS
SM
MD
LG