Isku xirrada

War

Puntland: Qorshaha Sahanka Agoonta


Hay'adda Daryeelka Bulshada ee Puntland ayaa wadda qorshe lagu sahminay xaaladda caruurta Agoonta iyo kuwa derbi jiifta.

Hay'adda Daryeelka Bulshada ee Puntland oo kaashaneysa hay'adda UNICEF ayaa wadda qorshe lagu sahminayo xaaladda caruurta Agoonta iyo kuwa derbi jiifta ee ku dayacan guud ahaan deegaamada Puntland.

Hay'adda ayaa kooxo fuliya hawlgalkaa sahminta ay u direysaa deegaamada Puntland.

Kulan arrintaa ku saabsan oo ka dhacay magaalada Garowe waxaa ugu horeyn ka hadlay wasiirka diidnta iyo awqaafta ee Puntland Cabdikhaliif Xaaji Xasan, wuxuu sheegay in tiro koob ka dib loo gudbi doono sidii loogu heli lahaa daryeel caruurta dhibaateysan.

Agaasimaha guud ee hay'adda daryeelka bulshada Puntland Cabdishakuur Maxamed Gurey ayaa sheegay in tirokoob lagu sameeyo caruurta dayacan ay tahalay tallaabada ugu muhiimsan si wax looga qabto baahidooda. Wuxuu kaloo sheegay inay furi doonaan waax qaabilsan ururinta sadaqada, ayna u diyaarin doonaan koox aqoonyahanno ah oo diinta takhasus ku ah si ay hawshaasi u fuliyaan.

XS
SM
MD
LG