Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: Qarax Lala Eegtay Guddoomiyaya G.Bari


Puntland: Qarax Lala Eegtay Guddoomiyaya G.Bari
Puntland: Qarax Lala Eegtay Guddoomiyaya G.Bari

Qaraxa waxa uu ka dhacay meel wax yar u jirta guriga guddoomiyaha oo ku yaalla koonfurta magaalada Boosaaso, khasaaraha wuxuu soo gaaray Ilaaladiisa.

Qarax aad u xoogan oo xalay laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Boosaaso ayaa loo geystay gaariga guddoomiyaha gobolka Bari, Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf. Inkastoo guddoomiyuhu uusan xiligaasi la socon gaariga, haddana waxaa dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray qaraxu qaar ka mid ilaaladiisa.

Wararka ay VOA-du ka helayso magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen labo ka mid ah ilaalada guddoomiyaha ee gaariga la socotay, labo kalena ay ku dhaawacmeen. Waxaa kaloo ku dhaawacmay ugu yaraan labo ruux oo kale oo iyaguna ka ag-dhowaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Ciidamada ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa deg deg ku gaaray halka uu qaraxu ka dhacay iyagoo isku gedaamay aagaasi, baaritaanona ay sameeyeen. Mana jirto ilaa iyo hadda cid la sheegay in loo qabtay falkaasi weerar oo lagu damacsanaa in lagu khaarijiyo guddoomiyaha gobolka Bari.

Dilalka iyo Qaraxyada ayaa magaalada Boosaaso ay u muuqdaan inay dib u soo labo kacleynayaan. Todobaad ka hor qarax lala beegsaday gaari ay wateen ciidamo ka tirsan booliska waxaa ku dhintay hal askari, kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen. Bishii hore horraanteediina waxaa magaalada Boosaaso bartankeeda lagu dilay xeer ilaaliyihii Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari Cali Jaamac Qalas.

XS
SM
MD
LG