Isku xirrada

Is-beddel Lagu Sameeyey Talliska Booliiska Gobolka Bari


Cbdiweli Gaas

Cbdiweli Gaas

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 1-dii bishan xilkii ka qaadayTaliyihii Qaybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland G/sare Cismaan Xasan Cawke, waxaana isla xilkaasi loo magacaabay Taliye cusub oo lagu magacaabo G/sare C/raxmaan Cali Xuseen (Muslim).

Xilwareejin ayaa maanta ka dhacday Xarunta Qaybta Booliska ee Gobolka Bari. Taliyaha xilka laga qaaday ayaa beeniyey warar ay daabaceen qaar ka mid ah warbahainta gudaha oo la xiriirinayey dilka sarkaal ka tirsan ciidamada daraawishta Puntland.

Hoos ka dhagayso warbixinta Faadumo Yaasiin Jaamac
XS
SM
MD
LG