Isku xirrada

War

Puntland oo Xirtay Waddo Muhiim ah

  • VOA Somali

Puntland oo Xirtay Waddo Muhiim ah

Puntland oo Xirtay Waddo Muhiim ah

Ciidamada Amniga ee Puntland ayaa xiray waddo muhiim ah oo isku xirta Boosaaso iyo Laas Qoray.

Ciidamada Amniga ee Puntland ayaa xiray waddo muhiim ah oo isku xirta Boosaaso iyo Laas Qoray, taasoo saameysay nolosha dadka Sanaag.

Ciidamada Puntland waxay xireen waddada dhinaca xeebta marta ee isku xirta deegaanada gobolka Sanaag iyo magaalada Boosaaso, ka dib markii sida la sheegay ay ka shakiyeen in halkaasi ay sahay u marto maleeshiyada Sheekh Maxamed Siciid Attam ee dagaalka kula jirta Puntland.

Dadweynaha ku dhaqan degaamada Qow, Ceelaayo iyo Laas Qoray ayaa waxay sheegeen in xirnaanshaha waddadaasi ay cunno yari iyo daawo yari ku keentay deegaanadooda.

Guddoomiyaha degmada Laasqoray, Yuusuf Jaamac Dibbad, ayaa VOA u sheegay in marinka ugu dhow ee ganacsigu u soo maro degmadiisa inuu yahay dhinaca Ceerigaabo.

XS
SM
MD
LG