Isku xirrada

War

Puntland oo Shaqada ka Joojisay Laba TV


Puntland oo Shaqada ka Joojisay Laba TV

Puntland oo Shaqada ka Joojisay Laba TV

Maamul-goboleedka Puntland ayaa shaqadii ka joojiyay TV-yada Somali Channel iyo Universal kuna eedeeyay inay lidi ku yihiin amniga Puntland.

Wareegto ka soo baxday xafiiska wasaaradda warfaafinta ee Maamulka ayaa lagu sheegay in labadan TV ay la shaqeeyaan kooxaha nabad-diidka ah ee ku howlan waxyeelaynta nabadgelyada Puntland.

Ilaa hadda lama oga sababa rasmiga ah ee ka danbeysa shaqo-joojintan

Maamullada labadan TV ayaan wali ka hadlin shaqo-joojinta iyo waliba eedaha loo soo jeediyay.

XS
SM
MD
LG