Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo Maxkamad Gaar ah Dhiseysa


Puntland oo Maxkamad Gaar ah Dhiseysa
Puntland oo Maxkamad Gaar ah Dhiseysa

Wasiirka Amniga ee Puntland wuxuu sheegay Jen. Yuusuf Axmed Kheyr wuxuu sheegay in xarunta maxkamadaasi ay noqon doonto Garowe

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay dhisayso maxkmad gaar ah oo qaabilsan dambiyada culus oo ay ku jiraan kuwa argagixisada.

Wasiirka amniga ee Puntland Jeneral Yuusuf Axmed Kheyr oo Jimcihii shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in golaha wasiiradu ay isku raaceen in maxkamadaasi la dhiso, si loogu qaado kiisaska xiriirka la leh argagixisada.

Wasiirku wuxuu sheegay in saldhigga maxkamadaasi uu ahaanayo magaalada Garowe ee caasimada Puntland, ayna guddiyo ku yeelan doonto gobol kasta oo Puntland ka tirsan.

Go’aanka dhisidda maxkamadan gaarka waxa uu yimid ka dib markii qaraxyo iyo dilal is daba joog ah ay ka dhaceen Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso, kuwaasoo inta badan lala beegsaday ciidanka ammaanka iyo xubno ka tirsanaa maamulka Puntland.

XS
SM
MD
LG