Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo ka jawaabtay Eedeymo uga yimid Somaliland


Puntland oo ka jawaabtay Eedeymo uga yimid Somaliland
Puntland oo ka jawaabtay Eedeymo uga yimid Somaliland

Somaliland ayaa horey Puntland ugu eedeeysay inay waddo abaabul dagaal oo iyaga ka dhan ah.

Maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay eedeeymo uga imanayay maamulka Somaliland.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada ee magaalada Garowe ayaa sheegay in maalmahan dhanka Soomaaliland ka soo yeerayay eedeeymo isdaba joog ah oo ka dhan ah buu yiri Puntland.

Wuxuu sheegay inay la yaaban yihiin eedeeymaha ay Somaliland u soo jeedisay ciidamada tababarka la siinayo ee Puntland oo uu sheegay in loo diyaarinayo la dagaalanka burcadbadeeda, tahriibta iyo ammaan darrida.

Waxa kaloo uu sheegay in Somaliland ay ku soo duushay dal aysan lahayn, waa sida uu wasiir ku xigeenku yiri. Wuxuu kaloo sheegay in ka hadalka macdanta iyo durbaan tumidda colaadda ay kala mid yihiin buu yiri Maxamed Siciid Attam oo ah wadaad ay Puntland kula dagaalantay buuraleyda gobolka Bari ee Galgala. Wuxuuna ku eedeeyay Somaliland inay gabaad siineyso waxa uu ugu yeeray haraadigii Maxamed Siciid Attam iyo al-Shabaab.

Dhageyso warbixinta.


XS
SM
MD
LG