Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo ka Hadashay Qaraxii Hotel Muna


Puntland oo ka Hadashay Qaraxii Hotel Muna
Puntland oo ka Hadashay Qaraxii Hotel Muna

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Puntland C/xakiim Axmed Guuleed oo u warramay VOA-da ayaa sheegay inay ka xun yihiin qaraxii Hotel Muna.

Maamulka Puntland ayaa war uu soo saaray ku cambaareeyay qaraxii shalayto loo geystay Hotel Muna ee lagu dilay dad ka badan 30 ruux oo ay ku jireen Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland C/xakiim Axmed Guuleed wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in maamulkiisu uusan u arag in gacan ka hadal iyo dhiig la daadiyo uu ku imanayo xalka Soomaaliya, balse ay tahay in geed hoostiis laysugu yimaado oo lagu wadahadlo.

Wasiirku wuxuu sheegay inay wadahadal ku soo dhoweynayaan cid kasta oo dooneysa nabadda iyo danta shacabka.

XS
SM
MD
LG