Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo ka Hadashay Colaadda Mudug iyo Kabshaale


Puntland oo ka Hadashay Colaadda Mudug iyo Kabshaale
Puntland oo ka Hadashay Colaadda Mudug iyo Kabshaale

Maamulka Puntland ayaa sheegay in gacan ka geysan doonaan xaqiijinta in dhankooda aan cidna wax loogu geysan.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo maanta ka hadlay colaadaha gobolka Mudug, Kabshaale iyo Cagaaran ayaa ku baaqay in si wadajir ah loo xaliyo. Faroole ayaa hadalkan jeediyay mar uu maanta ka dhoofayay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe isagoo ku sii jeeday dalka Kenya.

Faroole oo ka hadlay colaada Gaalkacayo waxa uu sheegay in odayaasha labada dhinac ay ku dadaalaan sidii loo joojin lahaa dhiigga daadanaya. Wuxuuna sheegay in maamul ahaan dhinacooda ay diyaar u yihiin inay dhinacooda xaqiijiyaan ammaanka, cidna aan dhib loogu geysan.

Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale ka hadlay colaadda Kabshaale oo ay labo beelood ku dirireen. Wuxuu ku ammaanay maamulka Somaliland kaalinta uu ka qaatay dejinta colaadaasi, wuxuuna sheegay inay iyagun wafdi u diri doonaan deegaankaasi oo gacan ka geysta sidii loo soo afjari lahaa xiisadda halkaasi ka jirta.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in wafdigaasi ay isugu jiri doonaan siyaasiyiin iyo oday dhaqameedyo ayna halkaasi isku arki donaan wafdiga ka socda Somaliland. Faroole ayaa intaa raaciyay in arrintaasi aanay uga jeedin arrin siyaasadeed balse ay tahay mid nabadeed.

XS
SM
MD
LG