Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo Fasaxday TV-yada Universal iyo Horn Cable


Puntland oo Fasaxday TV-yada Universal iyo Horn Cable
Puntland oo Fasaxday TV-yada Universal iyo Horn Cable

Xafiisyada labadan Telefihsan ayaa shalay uu shaqo joojin ku sameeyay duqa degmada Boosaaso ka dib markii uu ku eedeeyay arrimo ka dhan ah Puntland.

Wasaaradda warfaafinta ee Puntland ayaa dib u fasaxday xafiisyada TV-yada Universal iyo Hon Cable ee magaalada Boosaaso, kuwaasoo shalay uu maamulka degmada Boosaaso xayiraad ku soo rogay.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdullaahi Aswad oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin in si khalad ah loo xannibo xafiiska warbaahinta ka hawlgasha Puntland.

Wuxuu sheegay inuu garowsaday cabashada duqa degmada Boosaaso Maxamuud Beeldaaje.

Wasiir ku xigeenka ayaa ku baaqay inaan saxaafadda la xakameyn karin, wixii cabasho ahna wasaaraddiisa lagala hadlo.

XS
SM
MD
LG