Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo Eedeeyn u Jeedisay Galmudug


Puntland oo Eedeeyn u Jeedisay Galmudug
Puntland oo Eedeeyn u Jeedisay Galmudug

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay maamulka Galmudug inuu ku lug leeyahay dagaalka ka socda waqooyiga Gaalkacayo.

Puntland ayaa ku eedeeysay Galmudug inay ku lug leedahay dagaalka waqooyiga Gaalkacayo, balse Galmudug ayaa iska fogeysay eedeeyntaasi.

Shir Jaraa'id oo uu magaalada Garowe ku qabtay wasiir ku xigeenka amniga ee Puntland, Cabdijamaal Cismaan, waxa uu eedeeyn u jeediyay Galmudug inay ka taageero u fidiso dhinaca ay dagaalka kula jiraan ee magaalada Gaalkacayo.

Hase yeeshee madaxweynaha maamulka Galmudug, Maxamed Axmed Caalin, ayaa sheegay in maamulkiisu aysan meelna uga bannaaneyn inuu ka qeybgalo dagaalka, wuxuuna ku baaqay in dagaalka la joojiyo.

XS
SM
MD
LG