Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo Baaq u Jeedisay Beelo Dagaalamaya


Puntland oo Baaq u Jeedisay Beelo Dagaalamaya
Puntland oo Baaq u Jeedisay Beelo Dagaalamaya

Baaqa loo jeediyay labada beelood ee dirirtu u dhaxeyso waxaa barbar socda dadaal kale oo lagu qaboojinayo colaada salka ku haysa aanada qabiil.

Maamulka Puntland ayaa ciidamo u diray deegaanka Uurjire oo ka tirsan gobolka Karkaar, si ay u kala dhex galaan labo beelood oo halkaasi ku dagaalamaya.


Dagaalka labada beelood u dhaxeeya ayaa lagu soo warramayaa in uu salka ku hayo aano qabiil amma dilal aargoosi ah oo ay labada dhinac isu geysteen. Sida ay dad xog-ogaal ihi VOA-da u sheegeen, ugu yaraan lix ruux oo labada dhinac ayaa ku dhintay isku dhacyadii dhexmaray labada beelood.


Inkastoo maleeshiyooyinka labada dhinac ay is hor-fadhiyaan haddana waxaa soconaya dadaal xoogan oo lagu kala dhexgelayo beelaha dirirtu u dhaxeyso, oo ay wadaan xubno ka tirsan maamulka Puntland oo horey deegaankaasi u gaaray.


Hase yeeshee ciidamadii ku sii jeeday deegaanka colaadu ka jirto ee kala dhexgeli lahaa labada beelood waxaa ka geeriyooday taliyohoodii oo la oran jiray Maxamed Salaad, ka dib markii gaarigii uu saarnaa shil ku galay meel dhowr kilo mitir u jirta degmada Qardho.


Sarkaalka geeriyooday wuxuu sidoo kale ahaa abaanduulaha ciidamada daraawiishta ee maamulka Puntland.

XS
SM
MD
LG