Isku xirrada

War

Puntland oo Baabuurta u Celinaysa Somaliland


Gaalkacyo

Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa celinaya labaataneeyo baabuur oo laga leeyahay Somaliland, kadib markii qaar ka mid ah la qabsaday.

Guddoomiyaha Gaalkacyo ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji ayaa VOA-da u sheegay in isaga iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Dawlad Goboleedka Puntland ay hor kacayaan Kolnyo baabuur ah oo laga sii kaxeeyay magaalada Gaalkacayo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in baaburtan ay tiradoodu gaadhayso 25 baabuur kuwaasi oo dhinaca Somaliland loo sii kaxeeyay.

Baabuurtan ayaa sidday raashin gargaar ah oo ay leedahay hay'adda WFP iyaga oo ka soo qaadday dhinaca Somaliland.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii degmada Garacad lagu afduubay 5 baabuur oo laga leeyahay dhinaca Somaliland.

Guddoomiyaha Gaalkacayo ayaa tilmaamay in baaburtaasi lagu jiro sidii loo soo dayn lahaa.

XS
SM
MD
LG