Isku xirrada

Puntland Oo Afduubkii Sanaag Ka Hadashay


Hadaaftimo, Sanaag

Hadaaftimo, Sanaag

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee maamulka Puntland Maxamuud Ismaaciil CIYOON, oo wareysi siiyey VOA-da ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta ay ciidamada Puntland u afduubteen xubno Somaliland ka socday.

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay afduub shalay gobolka Sanaag loogu geystay siddeed ka mid ah xubnaha guddida doorashooyinka Somaliland, kuwaasi oo maanta la sii daayey.

Cumar Jaamac Faarax oo ka mid ahaa dadka la afduubtay ee lasii daayey, oo wareysi siiyey idaacadda VOA-da ayaa sheegay in ciidamada afduubtay ay ahaayeen kuwa Puntland, ayna kasoo horjeedeen howlaha la xiriira doorashooyinka ee xubnaha la afduubtay ay ka wadeen gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee maamulka Puntland Maxamuud Ismaaciil CIYOON, oo wareysi siiyey VOA-da ayaa sheegay in sababta dadkan loo xiray ay ahayd ayaga oo arrimo la xiriira doorashada Somaliland ka wada deegaano ay maamusho Puntland, sida uu sheegay.

Guddoomiyaha waxa kale oo uu sheegay in sii daynta dadkan ku xidhnaa Badhan uu amray madaxweynaha Puntland.

Hadaba sida ay wax u dhacaeen iyo sababta loo xidhay saraakiishaasi ayuu uga warramay weriyaheena Xuseen Barre.

XS
SM
MD
LG