Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland iyo Saamaynta Iskaashiga Maraykanka


Puntland iyo Saamaynta Iskaashiga Maraykanka
Puntland iyo Saamaynta Iskaashiga Maraykanka

Dadka faaleeya Siyaasadda Somalia ayaa tilmaamay caqabadaha ka hor iman kara iskaashi dhex mara Maraykanka iyo Puntland.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay xoojinayso xiriirka ay la leedahay maamulada Puntland iyo Somaliland, si looga hortago fiditaanka Xag-jirnimada, laakin wariyaha VOAda ee Bariga Afrika Alisha Ryu ayaa sheegaysa in qaar ka mid ah dadka faaleeyaa siyaasadda Somalia ay u arkaan in ay tallaabadan abuuri karto xaalad degnaansho la’aan oo ka dhalata Puntland.

Dabyaaqadii bishii July xukuumadda Puntland waxa ay dagaal la gashay maleeshiyada daacadda u ah Maxamed Siciid Atom, dagaalkaasi oo ka bilaabmay buuralayda Galgala.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa talaabdaasi ku tilmaamay in ay ahayd mid lagaga hortagayo argagixisada, isaga oo sheegay in la beegsanayo hogaamiyaha koox uu ku tilmaamay in ay xiriir la leedahay al Qaacida oo ah Maxamed Atom.

Dawladda Puntland ayaa kooxdaasi ku xiriirisay qarxyo, afduubyo, iyo dilal is daba jooga ah oo halkaasi ka dhacayay tan iyo sanadkii 2008dii.

Bishii March ayaa guddi hoostimaadda Qaramada Midoobay oo dabagal ku samaysay xaaladda Somalia ayaa warbixin ay soo saartay ku eedaysay Maxamed Atom in uu yahay dadka ugu muhiimsan ee hubka iyo saanadda u fidiya kooxda al Shabab ee ka dagaalanta koonfurta Somalia. Bishii April ayaa dawladda maraykanka gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanku ay xayiraad saartay hantida Atom iyo xubno kale oo ka mid ah kooxaha ka dagaalamma Somalia.

Hase ahaatee Odayaashaa deegaanka uu ka soo jeedo Maxamed Siciid Atom ayaa sheegaya in dagaalka waqooyi bari Somalia ka dhacay aanu dhaamntii la wada xiriirin argagixiso oo kaliya oo ay jirto cabsho waqti dheer soo jiitamaysay oo dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha oo dadka deegaanku ay tabanayaan.

Khabiir ku takhasusay arrimaha Somalia oo ka tirsan machadka Dalka Norway u qaabilsan cilmibaadhista ee magaalada Oslo oo lagu magacaabo Stig Jarle Hansen ayaa tilmaamay in haddii dawladda maraykanky go’aansto in maamulka Puntlad ay ka taageerto la dagaalaka argagixisada looga baahanyahay in ay arrintaasi si taxadar ah u waajahdo.

Iska horimaadka maamulka Puntland iyo deegaanka uu Atom ka soo jeedo ayaa gacan ka hadal gaadhay sanadkii 2006dii markaasi oo maleeshiyada Atom ay weerareen ciidanka Puntland si ay uga hortagaan ruqsad ay dawladdu siisay shirkad macdanta baadrta oo laga leeyahay Australia.

Sanaddihii u dambeeyay ayaa deegaanada Puntland qaarkood waxa ay ka cabanyeen saami qaybsiga loo dhisay ciidanka PIS ee la dagaalanka argagixisada Puntland oo uu maraykanku taageero.

Dadka faaleeya siyaasadda Somalia ayaa ka digaya in siyaasadda argagixsa la dagaalanka ee uu maraykanku doonayo in uu la kaashado Puntland ay keeni karto in si aan ula kac ahayn iska horimaadyo beeleed kuwaasi oo aakhirka keeni kara in al Shabab ku sii fidaan waqooyiga Somalia.

XS
SM
MD
LG