Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaaradda Daallo Oo Uu Dab Ka Kacay


Dalool ka muuqda diyaaradda
Dalool ka muuqda diyaaradda

Wararka ayaa sheegaya in saddex qof ay ku dhaawacmeen diyaaradda oo kusii jeedday dalka Jabuuti.

Diyaarad ay leedashay shirkadda Daallo Airlines oo ka kacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa deg deg usoo degtay, ayada oo warar kala duwan ay ksoo baxayaan sababta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradda uu dab ka kacay.

Lama yaqaan in dabka ka kacay diyaaradda uu yahay mid cilad ka dhashay ama wax kale, hase yeeshee sawirro ay VOA heshay ayaa muujinaya in diyaaradda uu ka muqudo dalool weyn.

Wararka ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhaawacmeen diyaaradda, oo soo noqotay wax yar un kadib markii ay ka kacday garoonka.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay kusii jeeday dalka Jabuuti.

Ciidamada nabd sugidda Soomaaliya ayaa iminka baaritaan iyo su'aalo weydiin ku wada dadkii saarnaa diyaaradda.

Falastiin Axmed Iimaan ayaa khadka telefoonka ee Muqdishu ku waraystay Cabdinaasir Nuur Qayd, oo ka tirsan shirkadda Daallo.

Diyaarad uu dab ka kacay
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:01:47 0:00

Gudaha diyaaradda oo dalool weyn laga arko
Gudaha diyaaradda oo dalool weyn laga arko

Dalool ka muuqda diyaaradda
Dalool ka muuqda diyaaradda

XS
SM
MD
LG