Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo Eedeysay Dowladda KMG


Puntland oo Eedeysay Dowladda KMG
Puntland oo Eedeysay Dowladda KMG

Punltand ayaa sheegtay in xiriirka kala dhaxeeya DKMG u halis ku jiro haddii aysan DKMG fulin heshiisyo ay horey u wada galeen.

Maamul-goboleedka Puntland ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku sheegeen in dowladda KMG ay ka fulin wayday qodobbo dhowr ah oo ay horey labada dhinac u wada gaareen.

Maamulku wuxuu sheegay inuu halis ku jiro xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo DKMG, waxayna sidoo kale sheegeen in qaab aan habooneyn oo ay ku tilmaameen "Isir Naceyb" loola dhaqmo safiirrada Soomaalida ee dibeddaha ee ka soo jeeda Puntland.

Wareysi ay VOA la yeelatay wasiirka Dastauurka iyo arrimaha federaalka ee maamulka Puntland Cabdi Xasan Jimcaale ayaa wuxuu sheegay in safiirada ka soo jeeda Puntland lagu hayo wuxuu ugu yeedhay "cago-jugleyn"

Wareysiga oo dhameystiran hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG