Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisadda Puntland


Xiisadda Puntland
Xiisadda Puntland

Puntland waxaa ka jira xiisaddo u dhaxeeya maamulka iyo koox mucaarad ah oo u hoggaamiyo Sheekh Maxamed Siciid Atam, kooxdan ayaa la sheegayaa inay gacan saar la leeyihiin ururka Al-Shabaab. Dagaallo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Attam ayaa qarxay dhamaadkii bishii July. Inkasta oo ciidamada Puntland ay u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan fadhiisimo ay daganayeen kooxda Sheekh Atam oo ku yaalla deegaanka Galgala, laakiin kooxda Attam oo haatan ku sugan dhulka buuralayda ah ee Galgala ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan dagaallada ka dhanka ah ciidamada Puntland.

Dhinaca kale, Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar uu warbaahinta madaxa banaan uga mamnuucayo tabinta wararka ku saabsan kooxda Sheekh Attam. Sidoo kale maamulka Puntland wuxuu xabsiga dhigay agaasimaha Idaacadda Horseedmedia oo lagu eedeeyay wareysi ay idaacadaaasi la yeelatay Sheekh Maxamed Siciid Atam. Agaasimaha ayaa maxkamad ku taala Boosaaso ay ku xukuntay 6 sanadood oo xadhig ah iyo 500 Dollar oo ganaax ah. Qaar ka tirsan ururrada warbaahinta madaxa banaan ayaa canbaareeyey xadhigaasi.

XS
SM
MD
LG