Isku xirrada

War

Puntland: Burcad-badeed la Weeraray


Puntland: Burcad-badeed la Weeraray

Puntland: Burcad-badeed la Weeraray

Wararka ka imanaya Puntland ayaa sheegaya in uu Khamiistii shalay ay dagaalameen ciidamada Puntland iyo koox burcad-badeed ah.

Dagaalka ayaa ka dhacay degmada Bayla ee gobolka Bari.

Kooxdan burcadda ah ayaa xeebta degmada Bayla in muddo ah ku haystay 7 qof oo dalxiisyaal ah una dhashay dalka Denmark.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay dad ku dhinteen qaar kalena ay ku dhaawacmeen gaadiid dagaalna ku kala qabsadeen.

Hase yeeshe ilaa imika si rasmi ah uma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalaka.

Sababta keentay dalaaka ayaa dad ku dhow deegaanka uu dagaalku ka dhacay waxay VOAda u sheegeen in ciidamada birmadka ee Puntland oo uu hogaaminayo taliyaha ciidankaasi Cabdirasaaq Gantaal ay ku duuleen burcadda, ka dibna uu dagaalku qarxay.

XS
SM
MD
LG