Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Prof. Gallaydh oo Ka Digay Qaybsanaan Dawladda ah


Prof. Gallaydh
Prof. Gallaydh

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Khaliif Gallaydh ayaa ka digay in kala qaybsanaan soo waajahda dawladda dhexdeeda ay tahay halista ugu weyn ee burburin karta dawladda.

Prof. Cali Khaliif ayaa "mucjiso" ku tilmaamay in marka la eego dagaallada soo foodsaaray dawladda tan iyo intii la dhisay sannad ka hor ay haddana ka badbaaday ilaa hadda.

Isagoo ka hadlayey taageerada ay dawladdaasi ka haysato beesha caalamka ayuu sheegay inaysan ahayn taageero buuxda, balse waxa uu dhinaca dawladda ku cannaantay inaysan qorshayaal badan oo hufan hordhigin beesha caalamka.

Prof. Gallaydh waxa uu ugu baaqay inay ka fogaadaan khilaafka dhexdooda ah isagoo tusaale u soo qaatay khilaafka haatan soo kala dhexgalay xubno ka tirsan baarlamaanka.

Waraysi gaar ah oo uu siiyey idaacaddan VOA ka dhagayso midigta sare ee boggan.

XS
SM
MD
LG