Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Prof. Cabdiweli: Labada Ciidan Waa la kala Qaadi Doonaa


Prof. Cabdiweli: Labada Ciidan Waa la kala Qaadi Doonaa
Prof. Cabdiweli: Labada Ciidan Waa la kala Qaadi Doonaa

Wafdiga nabadeynta ee DKMG ee ku sugan Gaalkacayo ayaa la kulmay odayaasha labo beelood oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Mudug

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay inay shirar kala duwan magaalada Gaalkacayo kula yeesheen mas’uuliyiinta maamulka Galmudug iyo odayashooda iyo sidoo kale ergo ka socota Puntland.

Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminayo oo ujeedada socdaalkooda Gaalkacayo uu yahay sidii ay nabad iyo wadahadal uga dhex sameyn lahaayeen labo beelood oo ku dagaalamay gobolka Mudug ayaa sheegay in dhinacyadii ay la kulmeen ay si weyn u soo dhoweeyeen dadaalka nabadda.

Wasiirku wuxuu sheegay in tallaabada ugu horreysa ay filayaan inay noqoto kala qaadista ciidamada iska soo horjeeda ee labadabeelood.

Inka badan 20 ruux ayaa ku dhimatay dagaal dhowrkii todobaad ku dhexmarayay xoolo dhaqatada labo beelood oo wada dega gobolka Mudug, kuwaasoo ku dagaalamay deegaanada baadiyaha ah.

XS
SM
MD
LG