Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh. Shariif oo ergay gaar ah Mareykanka u magacaabay


Abuukar Arman
Abuukar Arman

Madaxweynaha DKGM Sheekh Sharif Sh. Axmed ayaa Abuukar Arman u magacaabay ergaygiisa gaarka ah ee dalka Mareykanka

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta madaxtooyada dowladda Somalia ayaa lagu sheegay Madaxweynaha DKMG ee Somalia Sh. Sharif Sheekh Axmed, uu Abukar Arman u magacaabay erygiisa gaarka ah ee dalka Mareykanka.

Warkan qoraalka ah ayaa lagu sheegay in magacaabistan ergaygan gaarka ah ay bidhaaminayso dib u dhiska iyo sii wadadida xiriir ku salaysan wada-danesyo oo dowladda Somalia la yeelaynaso Mareykanka. Magacaabista Abuukar Arman loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Sharif u qaabilsan dalka Mareykanka ayaa sidoo kale sii xoojin doonta xiriirka Mareykanka iyo Somalia.

Abuukar Arman oo 49 jir ah ayaa ah xubin fir-fircoon oo u ololleeya arrimaha siyaasada iyo qoraa maqaalo badan ku qora wargeysada caalamiga ah. Mr Arman ayaa muddo sodon sano ah ku noolaa dalka Mareykanka, isagoo sidoo kale ka mid howlwadeenada jaalliyada ee sida weyn loo yaqaano.

Magacaabista ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Sharif ee Mareykanka ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in dowladda KMG ay xirayso dhowr safaaradood oo dibeda ay ku leedahay sababo ay ugu wacan tahay lacag la’aan haysata dowladda KMG.

XS
SM
MD
LG