Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcad-badeedda oo diiday siideynta lamaanaha


Mid ka mid ah burcad-badeedda haysta lamaanaha British-ka ayaa diiday baaqyada dalbanaya siideynta lamaanahaasi.

Mid ka mid ah burcad-badeedda afduubka u haysta lamaanaha British-ka ayaa sheegay inaysan tixgalinayn codsiyada lagu dalbanayo siideynta lamaanahaasi.

Ninkan oo magaciisa ku sheegay Geedow Cali ayaa VOA-da uu sheegay in xaallada caafimaad ee lamaanaha British-ku ay aad u liidato, gaar ahaan haweeynayda.

Geeddow, wuxuu sheegay in sida kaliya ee ay ku siideyn karaan lamaanahaasi ay tahay in la siiyo lacagta madaxfurashada ee ay codsadeen.

Burcad-badeedkani wuxuu sheegay in lamaanaha ay ku hayaan magaalada Xarardheere, ilaa haatana ay laba meelood oo kala gaar ah ku hayaan.

Geeddow Cali wuxuu beeniyay inay faraxumeyn ku sameeyeen haweenayda, isagoo wararkaasi ku tilmaamay kuwo been abuur ah.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso wareysiga burcad-badeedka.

XS
SM
MD
LG