Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muran ka Taagan Golaha Baarlamaanka


Muran ka Taagan Golaha Baarlamaanka
Muran ka Taagan Golaha Baarlamaanka

Muran ku saabsan xeer hoosaadka Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa aloosan, iyadoo gudoonka baarlamaanku uu doonayo inuu awooddiisa kordhiyo.

Kalfadhi uu lahaa Golaha Baarlamaanka Somalia ayaa maanta ku dhammaaday buuq iyo sawaxan, kaddib markii ay mudanayaashu isku mari waayeen qaabkii ay uga doodii lahaayeen hindise uu soo bandhigay guddoonka baarlamaanka Somalia, hindisahaas oo la doonayo in wax looga beddelo xeer-hoosaadka, gaar ahaan in awood fara badan la siiyo guddoonka baarlamaanka.

Haddaba waxaan arrintaas ka wareysanay Abuukaato Cali Mumin oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka, isla markaana ah sharci yaqaan, maantana ka qeyb galay kalfadhigaas. Falastiin Axmed Iman ayaa ugu horreweyn weydiisay bal inuu sharraxaad ka bixiyo sida maanta wax u dhaceen

XS
SM
MD
LG