Isku xirrada

War Deg-Deg ah

100 Ku Dhimatay Weerarro Ka Dhacay Paris


Shaqaalaha caafimaadka oo dul taagan mayd, Paris Nov. 13, 2015.
Shaqaalaha caafimaadka oo dul taagan mayd, Paris Nov. 13, 2015.

Ugu yaraan 67 qof ayaa ku dhimatay weerarro iskugu jira qaraxyo iyo rasaas oo ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Booliiska Faransiiska ayaa sheegay in dablay ay rasaas ku furtay isla markaana ay qaraxyo ka gaysteen dhowr goobood oo ku yaalla magaalada Paris.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan qof dablay ah uu rasaas ku furay maqaayad ku taalla badhtamaha magaalada Paris.

Weerar kale oo qarax ah ayaa la sheegay inuu ka dhacay maqaayad u dhow garoonka kubadda cagta ee Stade de France oo ay ciyaar ku dhaxmaraysay xulalka Faransiiska iyo Jarmalka.

Wararku waxay sheegayaan inay jiraan dad la hayste ahaan loo qabsaday.

Weerarada ayaa dhacaya dhowr toddobaad ka hor marka ay magaalada Paris ku ballansan yihiin madaxda caalamka si ay uga shiraan isbeddelka cimilada dunida.

Warbixin gaar ah oo ku saabsan weerarrada Paris waxaa noo diyaariyey Haaruun Macruuf.

Weerarrada Paris
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:12:10 0:00

XS
SM
MD
LG