Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dawlad Wadaag Ah Oo Laga Dhisay Libya


Kooxaha ku dagaalamaya dalka Libya ayaa ku heshiiyey inay sameystaan dawlad wadaag ah. Talaabadan ayaa la rajeynayaa inay soo afjarto dagaalka iyo qalalaasaha hareeyey dalkaas ilaa markii sanadkii 2011kii xilka laga tuuray madaxweynihii hore Mucammar AlQadaafi

Qaramada Midoobay ayaa dhexdhexaadinaysay heshiiskan oo lagu gaaray shir ka dhacay xarunta dalka Tunisia ee Tunis. Hase yeeshee waxaan wali caddeyn in si weyn loo taageeri doono si loo dhameeyo dhiigga dalkaas ku daadanaya. Wali wax falcelin ah lagama maqlin labad gole ee sharci dejineed ee dalka. Labadan gole ayaa ka kala hawl gala magaalada Tobruk ee bariga dalka, kan oo ah ka ay bulshada caalamku aqoonsan tahay, halka ka kalena uu ka hawlgalo xarunta dalka ee Tripoli, isla markaana ay maamulaan kooxaha dhinaca diinta u janjeedha.

Federica Magherini oo ah madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa ku baaqday in si dhakhso ah loo ansixiyo dawladdan wadaagga ah.

XS
SM
MD
LG