Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pakistan: Halis bay ku Jirtaa Dimuqraadiyaddu


A baby orphaned elephant is fed milk from a bottle by a keeper, at an event to commemorate World Environment Day at the David Sheldrick Wildlife Trust Elephant Orphanage in Nairobi, Kenya.
A baby orphaned elephant is fed milk from a bottle by a keeper, at an event to commemorate World Environment Day at the David Sheldrick Wildlife Trust Elephant Orphanage in Nairobi, Kenya.

Pakistan ayaa shalay digniin ku Bixisay in hanaankii demuquraadiyadda dalkaasi ee aan adkeyn markii horeba uu haatan halis ku jiro

Xisbiga talada haya ee dalka Pakistan ayaa talaadadii shalay digniin ku Bixiyay in hanaankii demuquraadiyadda dalkaasi ee aan markii horeba Xooganeyn uu haatan halis ku jiro.

Waxaana hadalkan uu ku soo beegmay xilli dalkaasi ku yaala Koonfurta Asia, looga dabaal degayo sanad guurada 4aad ee ka soo wareegtay shirqoolkii lagu dilay ra’isul wasaarihii hore Benazir Bhutto.

Kumanaan qof oo baroor diiqayay oo ay ku jireen hogaamiyeyaasha Pakistan ayaa isugu soo baxay Gahri Khuda Bakhish oo ku taala gobolka Sindh, halkaasoo ah halkii lagu aasay Mrs. Bhutto.

Bhutto, oo laba jeer loo doortay iney noqoto Ra’isul wasaaraha Pakistan, iyo ugu yaraan 20 qof oo kale ayaa weerar ismiidaamin ah iyo rasaas lagu dilay 27kii bishii December sanadii 2007dii, Magaalada Rawalpindi, ka dib markii ay ka qudbeeysay isu soo bax doorasho.

Cidina waligeed laguma helin dambiga dilkeeda.

Isagoo la hadlayay wariyeyaasha intii uu socday isu soo baxa talaadadii ayuu Ra’isul wasaaraha Pakistan Yousuf Raza Gilani sheegay in la soo gabagabeeyay baaritaankii lagu hayay dilkii Mrs Bohotto oo dowladdana ay la wadaagi doonto shacabka wixii lagu ogaaday.

Odayga ay u dhaxday Mrs. Bhutto, Madaxweynaha Pakistan ee uu cadaadiska heysto, Asif Ali Zardari, ayaa isna u xaqiijiyay dadkii isu soo baxay inuusan cidina ka ogolaaneyn ineey burburiso kooxdiisa siyaasadeed , waxuuna warbin kale, ugu baaqay awoodaha demuquraadiyiinta ah iyo ciidmada Pakistan iney fashiliyaan shirqool kasta oo ka dhan ah demuquraadiyadda Pakistan iyo hay’adaha demuquraadiga ee dowladda.

XS
SM
MD
LG