Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabdalla: Hala joojiyo faragelinta lagu hayo Somalia


Axmadou Cabdalla
Axmadou Cabdalla

Ergayga gaarka ah XGQM u qaabilsan Somalia Axmadou Wallad Cabdalla ayaa ku baaqay in la joojiyo faragelinta dibedda ee lagu hayo Somalia

Axmadou Ould Cabdalla ayaa waraysiga uu siiyey VOA-da uu kaga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin faragelinta Soomaaliya, dawladda Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo heshiiska ay dhowaan ku gaareen magaalada Addis Ababa dawladda Soomaaliya iyo dhinac ka tirsan ururka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

Ugu horrayn mar uu ka hadlayay Axmadou Ould Cabdalla sida uu u arko mamnuucista ay dawladda Biritan ku mamnuucday ururka Al-Shabab oo ay ku dartay liiskeeda argagixisada, tallaabadaasoo ay mid la mid ah hore u saamaysay dawladda Maraykanka waxaa uu yiri "Dhibaatooyinku way badan yihiin. Mid waa dhibaato ay qaadatay dawladdan, haddii ay tahay UK, Marayanka ama waddamo kale ayna kaga baaraandegeen talaabada ay qaadayaan iyagoo eegaya amnigooda ama danaha qarnkooda, anigana munsaabib iima aha inaan ka hadlo go’aan ay qaadatay dawlad iyadoo eegaysa danaha waddankeeda iyo dadkeeda. Dhinaca kalena, Soomalaiya sannado badan ayey dhibaato ku soo jirtay, waa inaan eegnaa sidii aan ku sii wadi karno taageeradeena caalamiga ah si looga caawiyo dawladda Soomaliya inay wax qabsato."


Cabdalla, wuxuu sidoo kale isagoo qiimaynaya sanadkii la soo dhaafay ee dowladda Sheekh Shariif wuxuu yiri "Waxay ila tahay inaan dawladda u caddaalad falno, ugu horrayna waa inay SOomaalidu isku caddaalad falaan. Duruufo badan ayaa horseeday burburka dawladda iyo dalka Soomaaliya. Waa dalka Keliya ee qaaradda AFrika iyo caalamkaba ee aan nabad helin muddo labaatan sano iyo dawlad la’aanba. Sidaas darteed dawlad inaad leedahay waxay dhaantaa inaan dawladiba jirin. Waxaa jirtay labaatan sano oo dawlad la’aan ah. Waxaanse guul u arkaa oo ay horumar ka sameeyeen madaxwyenaha, ra’iisuyl Wasaareaha iyo af-hayeneka baarlamaanka iyo hogganaka kaleba waxa weeye ugu yarana inay dawladi jirto, mudnaantuna hadda waxa weeye sidii looga shaqayn lahaa loogana dhigi lahaa mid xoog leh oo xilkeeda gudanaysa."

Axmadou mar uu ka jawaabayay su'aal ahayd sida uu u arko in dawladda Soomaliya aysan horumar weyn samayn sannakdii la soo dhaafay wuxuu yiri "Waxay ila tahay inay dawladdu wax weyn qabatay, waan ku xusay war saxaafadeedkayga. Waxay awoodeen inay Muqdishu saldhig ka dhigtaan iyagoo wadajir u shaqaynaya iyagoon tasiilaad haysan. Waxay dib u soo nooleeyeen hay’adihii dawladda qaar, hawl ka sii wanaagsan ayey qaban lahaayeen haddii ay tasiilaad badan haysan lahaayeen.

War saxaafeedka uu maanta soo saaray Ould Cabdalla waxa uu ku baaqay in la joojiyo carqaladaynta dibedda ee lagu hayo Soomalaiya. Axmadou mar uu ka hadlayay cidda uu ula jeedo ee qaska wadda Somalia wuxuu yiri "Waxan ku baaqay in la dhameeyo carqaladaynta dibedda ah. Dabcan Soomaalidu iyagaa baylah is dhigay in la farageliyo gudaha iyo dibedda. Waxaan haddaba ula jeedaa qof kasta , ugu horrayn Soomalaida oo iyagu suurtogeliyey in la farageliyo. Maanta waa wax aan laga baaqsan Karin fareglin, lakaiin markii ay noqoto siyaasad waa wax aan la aqbali Karin. Waxaan u jeedaa dawladdu waxay qabanaysaa intii karaankeeda ah, waa in lagu taageeraa jihadaasi. Dhammaan waddamada oo dhan ha ahaadeen kuwa gobolka, caalamiga ah waa inay sii wadaan dhiirgelinta dawladda. Ma baqli karno in dawlad la’aan ay irdaha tuban tahay, kamana jeesan kanro."

Ugu dambayntii waxaan ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsna Soomalaiya Axmoud Ould Cbadalla aan weydiiyey sida uu u arko heshiiska ay Addis Abababa ku gaareen dawladda Soomaaliya iyo wakiillo ka tirsan ururka Ahlu Sunna Wal –Jamaaca, Axmadou wuxuu yiri "Heshiiska ay wada gaareen dawladda iyo Ahlu Sunna waxaa ugu horrayn kala saxiixday Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi ka socday Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo ku saxiixay Nayroobi sannadkii hore, sidaas darteed kani kaasi ayuu daba socdaa, waa inay Soomaalidu sidaais u wada hadlaan ugana kulmaan khilaafkoodana u xallistaan. Waxay ila tahay waa wax wanaagsan, waa inaan hirgelinaa, Soomaali badanna meel looga banneeyaa; markii aad haysatid dawlad la aqoonsan yahay, xoog leh lana ixtiraamayo, Soomaaliya waa la qaddarinayaa, heshiisyo kalena waad geli kartaan, laakiin marka ugu horraysa waa in dawladi jirtaa sida tan hadda jirta."

Warbixinta Wareysiga Cabdallah qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG