Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Omaar: Shariif Xasan Keligii Go'aan Ma leh


Omaar: Shariif Xasan Keligii Go'aan Ma leh
Omaar: Shariif Xasan Keligii Go'aan Ma leh

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda KMG ah Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa ka hadlay arrimo kala duwan.

Ra'iisal wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Omaar ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin qoraal la sheegay in isaga laga soo xigtay oo lagu sheegay in madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu ku kala diri doono baarlamaanka hadda jira.

Mr. Oomaar ayaa ku sugan Yurub isagoo dalka Faransiiska shir kula yeelan doono dhiggiisa dalkaasi.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay go'aankii golaha xukuumadda ee uu halka sano muddadiisa ku kororsaday ayuu sheegay in xukuumaddu ay xor u tahay inay soo jeedin sameyso, balse baarlamaanku ay iyaguna go'aankooda u madaxbannaan yihiin. Wuxuu sheegay inaanay dood ka taagneyn in baarlamaanku uu sharciyan leeyahay codkiisa.

Wuxuu sheegay in arrintu ay tahay wadatashi iyo arrin Soomaaliyeed, baarlamaanka dhexdiisana arrinta looga doodi doono.

XS
SM
MD
LG