Isku xirrada

Golaha Muslimiinta Mareykanka ee Ohio oo Cambaareyey Weerarkii Ohio


Wararka ka imanaya magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ayaa sheegaya in weerar uu ka dhacay jaamacadda magaaladaasi oo ay dhigtaan dad badan oo Soomaali ah. Wararka ayaa sheegaya in sagaal qof la dhaawacay kuwaasi oo midkood halis yahay.

Golaha xiriirka Muslimiinta Mareykanka qeybtiisa Ohio, ayaa cambaareeyay weerarkaasi.

Shir jraa'id oo ay golahaasi si wada jir ah fiidkii Isniinta u qabteen, ayay ku sheegeen in weerarkaasi aanu ka tarjumeyn Islaannimo iyo dhaqanka Soomaalida toona.

Waxay ugu baaqeeyn dadyowga Mareykanka inay wada jiraan, oo uusan tafaraaruq soo kala dhex galin.

Weerarka ka dhacay Jaamacadda Ohio State University ee magaalada Columbus ayaa wararka nasoo gaadhaya sheegayaan in lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey qof Soomaali ah.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa la sheegay inuu isku dayey inuu baabuurka uu watay uu dadka jiidhsiiyo kadibna isaga oo mindi wata uu galay jaamacadda isla markaana dhowr qof uu toorriyeeyey.

Wararka ay idaacadda VOA ka heshay dad ka mid ah bulshada ayaa sheegaya in ninkaasi lagu magacaabo Cabdulrazaak Cali Cartan oo 20 sano jir, inkastoo wararka qaar sheegayaan inuu 18 sano jir yahay, isla markaana uu waddankan Maraykanka soo galay sannadkii 2014-kii.

Mid ka mid ah hoggaamiyayaasha bulshada Soomaalida ayaa VOA Somali u sheegay inay soo waceen qoys sheegaya in gurigooda ay soo galeen xubno ka tirsan booliiska iyo FBI-da kadibna ay bilaabeen inay qoyska mid-mid u waraystaan.

Ilaa haatan booliiska ayaan si rasmi ah u shaacin magaca qofka weerarka lagu tuhunsan yahay iyo ujeeddada weerarka ka dambaysa toona.

Sucaad Cusmaan oo ka mid ah ardayda jaamacadda dhigata ayaa VOA uga warrantay dareenkeeda xilliga weerarku dhacay waxayna sheegtay inay cabsiweyni gashay isla markaana ay ku sugnayn maktabadda jaamacadda.

Waxay sheegtay in booliisku ay goor dambe fasaxeen dadkii ku sugnaa jaamacadda inay baxaan, waxaana lagu dhowaaqay in jaamacaddu xidhan tahay.

Dhinaca kale waxaa dareenka magaalada iyo weerarkaas VOA uga soo warramay magaalada Columbus weriyahayaga Cabdikaafi Yuusuf Aadan.

XS
SM
MD
LG