Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Odowaa Oo Ka Mid Noqday Baarlamanka


Odowaa
Odowaa

Odowaa ayaa beddeli doona xildhibaan Cabdi Maxamed Abditodoon oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii Al-Shabab ay ku qaadday Hotel Saxafi.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dhaariyey xubin cusub oo ka mid noqonaya baarlamaanka.

Xildhibaanka cusub waa Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ah Wasiirka Arirmaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya.

Odowaa ayaa beddeli doona xildhibaan Cabdi Maxamed Abditodoon oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii Al-Shabab ay ku qaadday hoteel Saxafi toddobaadkii hore.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baralamanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in beesha uu kasoo jeeday allaha u naxariistee Abtidoon ay dalbatay in xilkiisa lagu wareejiyo Odowaa oo ay isku beel yihiin.

Xildhibaanno ka mid ah baarlamanka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey ka mid noqoashada Odowaa ee baarlamanka Soomaaliya.

Warbixintan waxaa inoo soo dirtay Seynab Abuukar oo ku sugan Muqdisho.

Odowaa oo Xildhibaan Noqday
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:13 0:00

XS
SM
MD
LG