Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ODINGA: Kismayo Waan Galeynaa


Ra’isul wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in ciidamada kenya ee ku sugan gudaha Somalia ay ku qaadi doonaan weerar kama dambeysa ah magaalada Kismayo oo ay ku xoogantahay kooxda Al-shabab bisha August ee sanadkan.

Iyadoo dhiirigelin ka heshay guulihii ay dhawaan gaartay ee ay kaga qabsatay magaalada istaraatiijiga ah ee, Afmadow, kooxda Al-shabab , ayuu ra’isul wasaaraha kenya Raila Odinga sheegay in ciidamada kenya hadda ay qorsheynayaan weerar in muddo dheer la filayay oo ay ku qaadi doonaan magaalada Kismayo.

Ra’isul Wasaare Odinga ayaa sheegay in weerarka ku wajahan magaalada dekedda ah ee Kismayo uu noqon doono howgal caalami ah.

warbixintan oo maqal ah halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso;-

XS
SM
MD
LG