Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo La Kulmay Dhalinyaro Afrikaan ah


Obama oo La Kulmay Dhalinyaro Afrikaan ah
Obama oo La Kulmay Dhalinyaro Afrikaan ah

Dhalinyarada uu Madaxweyne Obama la kulmay waxaa ku jirtay Najmo Axmed Cabdi oo Soomaaliya mataleysay

Madaxweynaha dalkan Maraykanka Barack Obama ayaa Talaadadii ku qaabilay Aqalka Cad ee magaaladan Washington dhalinyaro ka socotay dalal Afrika ku yaalla.

Kulankaasi ayaa ku saabsanaa sidii dhalinyaradu ay uga fikiri lahaayeen mustaqbalkooda iyo kan dalalka ay ka yimaadeen.

Dhalinyaradii Obama uu la kulmay waxaa ku jirtay Najmo Axmed Cabdi oo ka socotay dalka Soomaaliya, waxaana ay wareysi siisay Idaacadda VOA.

Waxay sheegtay inay madaxweyne Obama u sheegtay in Soomaalidu ay iyagu heshiis gaari karaan haddii laysaga dhex baxo, waxaana weydiisay taageerada uu ka geysan karo arrintaasi.

Obama ayaa su'aashaasi kaga jawaabay in Maraykanku uu diyaar u yahay inuu taageero dalka Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

XS
SM
MD
LG