Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Ku Baaqay in la Doorto Clinton


Barack Obama
Barack Obama

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sharxay sababta uu u maleynayo in Hillary Clinton ay mudan tahay inay xafiiska kala wareegto bisha January, isaga oo sheegay inuusan jirin nin ama haweeney uga diyaarsan Hillary xilka madaxtinimada.

Khudbad uu ka jeeday shirweynaha guud ee Dimoqraadiga ee ka socda magaalada Philadelphia ayuu Obama ku sheegay in Hillary ay tahay qof aaminsan in dalka uu wanaagsan yahay marka dadka midibada kala duwan ay isku yimaadaan oo ay mid noqdo.

“Sanadkan waxaan idin weydiisanayaa inaad igula soo biirtaan inaan iska diidno cabsi gelinta, oo aan doorano waxa noo wanaagsan oo ah in Hillary ay noqoto madaxweynaha xiga ee Mareykanka” ayuu yiri Obama.

Waxa uu sheegay in Hillary ay haysato khibrad ku filan inay dalka ku hogaamiso, si ka duwan musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in shirkii jamhuuriga ee toddobaadkii tagay ka dhacay magaalada Cleveland aan lagu soo bandhigin wax xal ah, hase yeeshee uu ahaa “Carro, eedeyn iyo nacyeb”.

Hoggaamiyaysasha ka hadlay shirka waxaa sidoo kale ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenka xilku kasii dhammaanayo Joe Biden iyo musharraxa ay Hillary Clinton u xulatay Madaxweyne ku xigeenka Tim Kaine.

Faahfaahinta waxaa inoo haya Haaruun Macruuf oo ku suggan xarunta uu shirkaasi ka dhacayo ee magalada Philadelphia.

Shirka Dimoqraadiga oo weli socda
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:21 0:00


XS
SM
MD
LG