Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga: 2,400 oo Ruux oo Milateri oo Shaqada Laga Eryey


Turkiga, ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay in ay shaqada ka erisay in ka badan 2,400 oo ruux oo ciidamada militeriga ku jirey, iyadoo sidoo kale xirtey dhowr warbaahin, taas oo u muuqata howlgallo baaxad leh oo ka dhashay kadib isku deygii afgembi ee fashilmay ee la doonayay in xilka looga tuuro madaxweyne Recep Tayyip Erdogan bartamihii bishan.

Ugu yaraan hal wariye, ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo la soo saaray amar lagu soo xiraayo 50 ruux oo hore uga tirsanaa shaqaalaha tifatirka warbaahinta Zaman ee dalkaasi Turkiga.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa ku tilmaamtay tallaabada noocaasi ah mid kaliya ka tarjumeyso hab aan qurxooneyn.

Warbaahinta dowladda iyo kuwa gaar loo leeyahay, ayaa ku waramay in dowladdu ay ku amartay in la xiro illaa iyo 45 wargeys, seddex wakaalad wareedyo iyo lix iyo taban talefishinno.

XS
SM
MD
LG