Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Booqday Arizona


Obama oo Booqday Arizona
Obama oo Booqday Arizona

Madaxweynaha Maraykanka ayaa booqday gobolka Arizona isaga oo ka qayb galay xus loogu talagalay dadkii ku dhintay weerarkii Sabtidii.

Madaxweynaha iyo Xaaskiisa ayaa booqday magaalada Tuscon, iyaga oo Isbitaalka ugu tagay Haweenaydii ka tirsanayd Kongreska Maraykanka ee ku dhaawacantay weerarka, Gabrielle Giffords.

Galinkii dambe ayaa madaxweyne Obama waxa uu khudbad dheer oo baroor diiq ah ka jeediyay Jaamacadda Arizona, isaga oo xusay dadkii ku dhintay weerarka, waxaana uu ku tilmaamay dad naftooda u huray adkaynta dimuqraadiyadda oo ku dhintay gacan ka gardaran.

Laanta af Soomaaliga ee VOA ayaa khudbadda ka dib waraysi la yeelatay Maxamuud Ibraahim Cali (Jerry) oo ka mid ahaa ardaydii lagu martiqaaday munaasabadaasi.

Waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG