Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Booqday Afghanistan Markii 4aad


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku asteeyay sanad guurada ka soo wareegtay dilkii hogaamiyahii ururka Al-qacida Osama Bib Laden, safar lama filaan ah oo uu shalay ku tagay dalka Afghanistan, isagoo heshiis dhinaca istaraatiijiadda ah la saxiixday xukumadda Kabul.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale qudbad xambaarsaneyd fariinta sanadka ee doorashada u jeediyay dadka mareykanka.

Madaxweyne Obama ayaa duulimaad qarsoodi ah ku tagay dalka Afganistan isagoo xilli gud-cur ah ka degay garoonka diyaaradaha ee Backram oo ay saldhig weyn ku leeyihiin ciidmada mariiniska Mareykanka.

Waxaana uu madaxweynaha xambaarasaanaa fariin la xiriirta halganka dheer ee ay dowladda Mareykanka u soo gashay la dagaalanka argagixisada ee dalalka Afghanistan, Ciraq iyo meelo kale oo dunida ah.

Mr. Obama oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen kulankooda ka dib ayaa ku tilmaamay dagaalka Mareykanka iyo xulufadiisa ay mudada 10 ah ka wadeen dalka Afghanistan gaar ahaan la dagaalanka argagixisada mid dhamaad ku dhow.

Booqashada Obama ee Afghanistan ayaa ah tii afaaraad oo uu ku tago dalkaasi Afghanistan iyo tii sadexaad oo uu tago isagoo ah taliyaha guud ee ciidmada Mareykanka.

Guud ahaan waxa uu Afganistan joogay muddo 7 saacadood ah.

XS
SM
MD
LG