Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo $105m u ansixiyay Bariga Afrika


Obama oo $105m u ansixiyay Bariga Afrika
Obama oo $105m u ansixiyay Bariga Afrika

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa $105m oo deeq cusub ah u ansixixiyay abaarta iyo macluusha ka jirta Bariga Afrika.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ansixiyay deeq cusub oo lacageed oo gaareysa $105m oo Maraykanku uu ku gargaarayo abaarta iyo macluusha ka jirta Bariga Afrika.

Aqalka Cad ee magaalada Washington ayaa sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono caawinta dadka aadka ugu baahan cunto, hoy, biyo iyo daawo.

Goor sii horeysay ee sanadkan, dowladda Maraykanka waxay gargaar ahaan ugu dirtay Soomaaliya, Ethiopia, iyo Kenya ilaa $565m, halkaasoo ay ku dhufatay abaar iyo macluul ay ku dhinteen tobanaan kun oo ruux.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in inka badan 12 milyan oo ruux ay si daran caawinaad ugu baahan yihiin Geeska Afrika.

Jill Biden, oo ah marwada madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Joe Biden, ayaa booqasho ku tagtay gobolkaasi, si ay ugu kuurgasho saameynta abaarta.

XS
SM
MD
LG