Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: "Ha laga Hortago Rabshadaha Xagjirka"


Madaxweyne Obama ayaa ka hadlay qaraxyadii Kampala, isagoo Africa ugu baaqay inay si wadajir ah uga hortagaan rabshadaha xagjirka

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in qaraxyadii ka dhacay Uganda ee lagu dilay 76 qof ee daawanayay ciyaartii kama dambeysta ee Koobka Adduunka ay muujinayaan in kooxaha xagjirka ahi ay leeyihiin aragti burbur iyo baaba’ u ah Afrika.

Wareysi uu siiyay warbaahinta dalka Koonfur Afrika ee SABC, ayuu madaxweyne Obama ku tilmaamay in Africa looga baahan yahay inay ku midoobaan sidii ay arrintaasi uga hortagi lahaayeen.

Madaxweyne Obama wuxuu sheegay in Mareykanku uu taageero buuxda siin doono sidii baaritaan loogu sameyn lahaa sida wax u dhaceen.

Madaxweyne Obama, wuxuu xusay in loo baahan yahay dadaal caalami ah oo looga hortago halista Al-Shabaab iyo inay kooxdaasi rabshadaha u dhoofiso dalal ka baxsan Somalia. Barack Obama wuxuu sheegay in Midowga Africa iyo Maraykankuba ay iska kaashadaan sidii DKMG ah looga caawin lahaa inay xasillooni kusoo dabbaasho dalkeeda, si markaas ay dalkaas u saarto waddo fursado u abuuri kara dalka, lagana weeciyo dhabbaha argagixisada.

Warbixinta Hadalkan madaxweyne Obama qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG